|
|
 |
|
 |
| |
Muxumud Liibaan Jadeer (HA), &
Xirsi Boqon(HY)
Xirsi Boqon oo ahaa gabyaa weyn oo noolaa muddo qarni iyo badh
haatan laga joogo waxay erayo is weydaarsadeen Ina Jadeer iyo
Raage Ugaas oo waagaas galbeedka Somalida maansadoodu caan ka
ahayd.
Xirsi Boqon oo aan curinta maansada lagu aqoon ayaa isagoo
maansa-boolyaya waxa la hadashay Hawwenay aanan hubin inay u
dhaxday isaga iyo inay dumaashidii ahayd. Haweentii waxay
kursi malaha kula kaftantay in maansada Raage Ugaas iyo rag uu
ku jiro loo ogaa isna uu ku dayanayo (Ma hubo sheekadu inay
sidaa u dhacday). Xirsi waxa uu yidhi isagoo gabyaya. |
| |
Ninkii Raage oday buu
noqdoo laga itaal roone
Ardaydaan ka tegeybuu ahaa Alif-bilawgiiye
Albaqraba ma gaadhine hadduu dhigan Idaaja'e
Halka Ina Jadeer ka onkadaa awrta loo rari'e
Aan ardaayo wada oodanee waa inoo idhanka
Ina Jadeer oon jeclaysan gabayga Xirsi Boqon iyo ammaanta uu
ku sheegay ayaa marshey tix aan ka xasuusanno;
Aduunyadan inkaarta iyo isha iyo
aakhir saban joogta
Ee aqalba aqalkuu u xiggay ka ololaynaayo
ee ubax cadkeedii lumay ee obalasku u muuqdo
Ninka Awr u soo raranayaa mid an ogayn weeyi
|
|
|
|
 |
|
 |
|