Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

Axmed Koorjaan(Koorejaan) 

  Adan Madobe, HJ

Somali Poetry




 

Axmed koorjaan wuxu ahaa abwaan hodan ku ah murtida suugaanta Soomalidana baal dahab ah kaga qoran. Axmed KoorJaan gabaydiisa murtida leh ka sokoow waxa la odhan karaa waa ninkii Soomali ugu maahmaahda badnaa. Maahmaahyadii uu KoorJaan inooga tegey oo aad u tira badan waxay noqdeen kuwo halqabsi noqday oo illaa maanta la cuskado. Abwaannimadaa aan cidna loo dhigi karin ka sokow wuxuu ahaa nin deeqsi ah oo martisoorkiisa iyo maamuus wanaagiisaba geyiga Somaliyeed oo dhan laga weriyey. Waxanu isku deyeynaa inaan idiin soo tebinno Muuse Cali Faruur oo in kooban ka taabanaya Murtidii abwaankan.

Axmed Koorjaan oo noolaa badhtamihii qarnigii 19aad wuxu la xidid ahaa Majeerteen. Marwadiisii oo laba wiil u haysa ayaa ka dudday oo carro Majeerteen ku noqotay. Ayaan darro Axmed labadiisii wiil Mas baan qaniinay oo hooyadood oo maqan ayay suntii u geeriyoodeen. Axmed oo uu la socdo nin Abbaan ahi ayaa u kicitimay carro Majeerteen si uu u soo maslaxo ooridiisii oo in badan ka maqnayd. Axmed Koorjaan wuxu Abbaankii kula dardaarmay inaanu gabadha u sheegin in labadii wiil dhinteen isagoo ka baqsanaa inay is tusto in waxay u laabataa aysan jirin. Axmed markuu reerkii xididka uu la ahaa uu yimi ayay ooridiisii ninkii midgaanka ahaa hoos u waraysatayoo intuu is hayn waayey u daah furay in labadeedii wiil Allaysteen. Axmed baa u yimi gabadhiisii oo durbadiiba dareemay murugada wejigeeda ka muuqata oo astaan u ahayd in ninkii uu aaminay uu ka war-sheekooday.

Axmed isagoo u caqli celinaya xaaskiisa una sheegaya inaan axadna waarayn ayuu tixdan inta yari naga soo gaadhay marshey. Wuxu Axmed tusaale u soo qaadanayaa rag caan ahaa oo Wiilwaal ka mid ahaa oo gugaas aakhiro u kacay;

Naagyahay mid lagu weynyahoo, weeran baad tahaye
Anba Maxamed weheshaan lahaa, Weyne iga qaaadye
Wiilwaalba waagoo beryey, bay god u walwaaleene
Ilma Iidle wadartaad ogeyd, waaxid baa hadhaye
Warfaa Cumar waddada Seynabbaa, haad wab leeyahaye
Waaxyii Jibriil Yare shalay, niman waraabteene
Xaggayagaba way layska daa, wahanse mooyaane



Gabaygan kale ee aannu labada beyd aanu ka helnay soo dhammee.

Kalluun sharaddi buuxdaa ma oga, shebegga hoos yaalle
Sharbaddaada sii tumo berraa, sheemo kuu imanne

Koorejaan waakii mar kalena lahaa

Degmo idil dad meel yaal ninkii dux iga soo moodey
Dug maanaa ka odhan kara bakhayl derejo loo waaye.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com