|
Axmed
koorjaan wuxu ahaa abwaan hodan ku ah murtida suugaanta Soomalidana
baal dahab ah kaga qoran. Axmed KoorJaan gabaydiisa murtida leh ka
sokoow waxa la odhan karaa waa ninkii Soomali ugu maahmaahda badnaa.
Maahmaahyadii uu KoorJaan inooga tegey oo aad u tira badan waxay
noqdeen kuwo halqabsi noqday oo illaa maanta la cuskado. Abwaannimadaa
aan cidna loo dhigi karin ka sokow wuxuu ahaa nin deeqsi ah oo
martisoorkiisa iyo maamuus wanaagiisaba geyiga Somaliyeed oo dhan laga
weriyey. Waxanu isku deyeynaa inaan idiin soo tebinno Muuse Cali
Faruur oo in kooban ka taabanaya Murtidii abwaankan.
Axmed Koorjaan oo noolaa badhtamihii qarnigii 19aad wuxu la xidid ahaa
Majeerteen. Marwadiisii oo laba wiil u haysa ayaa ka dudday oo carro
Majeerteen ku noqotay. Ayaan darro Axmed labadiisii wiil Mas baan
qaniinay oo hooyadood oo maqan ayay suntii u geeriyoodeen. Axmed oo uu
la socdo nin Abbaan ahi ayaa u kicitimay carro Majeerteen si uu u soo
maslaxo ooridiisii oo in badan ka maqnayd. Axmed Koorjaan wuxu
Abbaankii kula dardaarmay inaanu gabadha u sheegin in labadii wiil
dhinteen isagoo ka baqsanaa inay is tusto in waxay u laabataa aysan
jirin. Axmed markuu reerkii xididka uu la ahaa uu yimi ayay ooridiisii
ninkii midgaanka ahaa hoos u waraysatayoo intuu is hayn waayey u daah
furay in labadeedii wiil Allaysteen. Axmed baa u yimi gabadhiisii oo
durbadiiba dareemay murugada wejigeeda ka muuqata oo astaan u ahayd in
ninkii uu aaminay uu ka war-sheekooday.
Axmed isagoo u caqli celinaya xaaskiisa una sheegaya inaan axadna
waarayn ayuu tixdan inta yari naga soo gaadhay marshey. Wuxu Axmed
tusaale u soo qaadanayaa rag caan ahaa oo Wiilwaal ka mid ahaa oo
gugaas aakhiro u kacay;
Naagyahay mid lagu weynyahoo, weeran baad tahaye
Anba Maxamed weheshaan lahaa, Weyne iga qaaadye
Wiilwaalba waagoo beryey, bay god u walwaaleene
Ilma Iidle wadartaad ogeyd, waaxid baa hadhaye
........waxay ahaayeen Reer yuusuf
Warfaa Cumar waddada Seynabbaa, haad wab leeyahaye
Waaxyii Jibriil Yare shalay, niman waraabteene
Xaggayagaba way layska daa, wahanse mooyaane
Gabaygan kale ee aannu labada beyd aanu ka helnay soo dhammee.
Kalluun sharaddi buuxdaa ma oga, shebegga hoos
yaalle
Sharbaddaada sii tumo berraa, sheemo kuu imanne
|