|   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
   
 
TACLIIQ...... Suugaan Dawaco cunayso (2000)
Inkastoo aanay ahayn suugaantu wax muran geli kara haddana waxa xusid mudan inaan soo qaadanno buugaag, waraysiyo, iyo qormooyin caad tiraya inaan muran ku jirin dhawr beyd oo ka mid ahaa gabaygii "Mine" ee Salaan Carrabay oo markii hore ay ciyaal Dhulbahante ahi isku dayeen in ay bililiqaystaan, markii danbana reer Doqon-ma-waaye canjileen.

Ruugacaddaaga qooraaga ah ee Aw Jaamac Cumar Ciise oo isagu hor fadhiistay Cali Dhuux Aadan, gabayadiisiina ka qoray muddo aad u fog ayaa dhawr buug oo uu qoray ama wax ka qoray ay si shaki la'aan ah u caddeeyeen meerisyada caruuraha Yurub iyo America ku cayilay ay damceen inay is daba mariyaan. Waxan ka xusi karnaa caddaymahaas oo xoojinaya kuwii aannu hore u bixinnay;

1. Buugga "Birmageydo" (1997) (M. C. Riiraash, Aw Jaamac Cumar Ciise, iyo rag kale) oo ay ku muujiyeen gabayga "MINE" ee rag suugaantoodu sabooloowdey caashaqeen.
2. Buugga "Himiladii Suugaan yahannadii Hore" waxa uu Aw Jaamac ku caddeeyey In Salaan Carrabey gabaygani lee yahay.
3. Buuggga "kas dumar..." ee Aw Jaamac ku dhamaystiray gabayga Salaan Carrabey iyo sheekooyinkii la xidhiidhay ee gabaygu ku soo baxay.
4. Axmed Faarax Cali "Idaajaa" iyo Aw Jaamac waxa ay si wada jir ah BBC-da uga daayeen gabaygan dib-ka-naaxyadu Caashaqeen Reer Doqon-ma-waayena ay iyana yidhaahdeen "Kula lihi" (Fadlan haddaad duubtay noo soo tebi).

Ciyaalkii Qurjiile mar haddii uu qiil tiray Aw Jaamac oo yidhi gabayga "Dh"da ah ee Cali Dhuux afkiisaan ka qoray kumana darin beydadkaas muranka la gelshey, tolloww maxaa u yaal Doqonta hadda soo hanbaabirtay iyo hadaaqa Dhaandhaanka weyn ee Dhoodaan ee ducfinadiisu gaadhsiisay inuu damco inuu wax is daba mariyo. Allaylehe Qurjiilena is deyney, Doqonkii Ogaadeenna damac kama aha ee waa iska doqonniinadoodii ee

Waa neef dameeroo ka ciyey dugagga reeraaye
Inkastay dannaanida shubaan dan u bax sow maaha.

Hoygasuugaanta, 01/29/2008
 

 

SUUGAAN LAGA SINAYSTAY:

Hoyga Suugaanta oon ugu talo gallay inaan ku kaydinno kuna soo bandhigno Suugaanta Saadada iyo Soomali gebi ahaanba waxay isu beddeshey madal saarka looga tumo surucyada Oromada oo maalinba maalinta ka danbaysa sakallada sii goosta. Annagoon marna ka leexanayn hadafkii aan u abuurnay mareegtan ayaan haddana wixii aannu tilmaanteeda ka maarmi weyno idiin soo gudbinnaa si aad uga digtoonaataan uguna digtaan intii daacad ka ah Taariikhda iyo dhaqanka Faca weyn ee Soomaaliyeed.

Waxa dhawaan mareeg ka mid ah website-yada Somalida la geliyey 2 mullaaxood (cajaladood) oo uu duubay Dhoodaan oo waxyaabo badan oo aan abwaanka, suugaanta iyo taariikhda soomaliyeed toonna u cuntamini ay ku jiraan. Cagladda koobaad markaan dhegeystey aad bay iiga yaabisay oo u qaadanwaa iyo afkalaqaad igu noqotay anigoo ku wareeray sababta ku kelliftey abwaanka inuu muquurto arrimo halis ku ah Suugaanta innoo wada dhaxaysa.
Ruux kasta garashada iyo fahanka in buu Eebbe uga qaddaraaye waxay ujeeddada Cajaladdu ii iftiintay markii Dhoodaan marshey gabayga Faarax Nuur oo in kastuu u gefey Abwaanka misana tibaaxay in gabay uu lee yahay Cali Oday la siiyey Faarax Nuur oo rag buugaag ku qorteen. Gabaygaas oo ay midhihiisa ka mid yihiin "Lix halkaa ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada". Waxa halkaa iiga soo baxay inaan cajaladdu taariikh sheeg ahayne tahay aargoosi aan loo aabayeelin oo, siday ila tahay, uu u arkay sida keliya ee uu wax ku sixi karo. Waxase Dhoodaan gefey in si xalaala loo turxaanbixiyo wixii khalad ama madmadow ah ee soo gala Maansadeenna qaaliga ah.

Maansada Mullaaxdaa la gelshey oo intooda baldani khaldan tahay waxa Dhoodaan nin Bidhiidh la yidhaahdo siiyey dhawr gabay oo aanu lahayn taariikhduna si caddaan ah u ogtahay Salaan Carrabey, Dirir Warsame iyo rag kaleba. Sidoo kale ayuu gabay dhex maray Bidhiidh iyo Ismaaciil Mire oo aan shaki lahayn ku magacaabay Ina Cabdulle Xasan.

I. Ismail Mire
Laba bahal Bidhiidhoow hadday kaa isugu baaqdo
Hadba kii bahnimo kuu xigaa laysu buriyaaye
Barkadna hayska dhaco geela uu bururin iidoore

Gabaygan oo Dhoodaan siiyey Ina Cabdulle Xasan waxa leh Ismaaciil Mire oo ninkii shaki kaga jiraa ka heli karo diiwaanka gabayada Ismaaciil Mire. Arrinta kale ee uu beddeley Dhoodaan waxay tahay taariikhda gabayga oo uu Amxaaro soo geliyey balse sida gabayga ku cad ka hadlaysa nin leh maalkayga isaaq baan ula gelayaa oo ku badbaadsanayaa iyo Ismaaciil oo leh laba bahal (Daarood iyo Isaaq) waxa laguu qaatay kan ku xiga ee reer tolkaa ha ka dhextegin wixii dhacayaa ha dheceene.

II.Salaan Carrabey & Gabaygiisii "MINE"
Gabaygan oo Oromo oo dhammi caashaqsan tahay, kuwii hore isugu deyeyna ku ceeboobeen, waxa sida cadceedda aan caad u saarnayn ninka leh iyadoo taariikhda baalkaad rogtaaba ka marag kacayo. Illeen booli ma qarsoomo'e, Dhoodaan isaga laftiisa ayaa ka marag kacay inaan gabaygaa Bidhiidh ninka uu ku sheegay lahayn. Gabayga uu dhoodaan tirinayo ee ku lifaaqay tixda Salaan Carrabey ninkii gabay wax ka yaqaanba waa soo saarayaa sida ay u caddahay in laba gabay oon is lahayn foodda laysugu gelinayo. Ninku martabadda "GABYAA" gaadhaa waa kan aan laaxinka aqoon marse hadduu eray soo celinta yaqaan waa beyd-gaab jacbur yaqaanne ma aha abwaan. Akhristoow u fiirso kelmadaha aan calaamadinnay ee ka marag kacaya in laba gabay oo mid walbaaba qiimihiisa lee yahay laysugu cayn iyo Bayd gooyey.

 

Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu xaaraane

Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye

Dhashaadeey sugtaa xaajadaad dhawrataa abide ... Salaan Carrabey

Dabka nimanka loo dhiibtayee ina dhex luudaaya

Iyo xaajaduu nagu dhudhumin gaal dhafoor caddiba

Aan ka dhimano mooyee waxaan, dhawranaan jirine

Ninkii ciil ka dhaansami kareen, dhiiggu kici doonin

Iyo fulay dhaddigi Xaashiyoow, ha iska dhuuntaane...Biriir?? lamase hubo

 

Kelmadaha Dhimasho iyo dhawrsasho way soo labajeer noqdeen taasoo ku tusaysa in aan tududcyadu is lahayne laba gabay kala yihiin.
Gabayga Salaan ee tuducyada hore ku jiraan oo MINE la yidhaahdo waa kuwo aan habayaraatee wax shaki ahi ku jirin. Ma jiro gabay u sugan oo loo hubo salaan oo la mid ah gabayga "Mine" waxaana taas caddaynteeda ka marqaati kacay abwaannada Isaaq, Daarood, Hawiyeba iyo Somalida kale ee u dhuundaloola taariikhda suugaanta. Waxa kale oo xusid mudan maqaal hore oon ka diyaarinnay isla gabaygan oo niman Harti ahi u hunguroodeen. Iyadoo aan gabaygu u baahnayn caddayn bal wax yar ka sheegno ilaha lagu kalsoon yahay ee ka marqaati kacay gabaygan waxan ka xusi karaa;
a. Muuse Galaal Cali oo ahaa aabbihii qoraalka Afka Somaliga. Muuse wuxu ahaa abwaan taariikhyahan ah oo geed dheer iyo mid walba u koray sidii loo qori lahaa af Somaliga isla markaana taariikhdeenna iyo Suugaanteennana loo baylah tiri lahaa. Waxa kale oo uu Muuse ahaa nin Xaaji ah oo caddaalad yaqaan ah maansada ururinteeduna aysan u kala soocnayn inuu wax is daba-marshaana aysan ka suurowdeen. Wuxuu ahaa nin si cilmiyaysan wax u baadhi jirey isagoo taas ka warramayana wuxu sheegay in gabayga "Dardaaran" ee Ina Cabdulle Xasan uu ka qoray kana saxay 17 Gabyaa iyo taariikh yahannoba isugu jira. Waxa kaloo xusid mudan inuu ahaa nin si aad ah isugu hawlay taariikhda Daraawiisha isla markaana hoyga waxan qoray ay gabayadii Xaajigu duubay ka doorbideen kuwa kale. Ninka martabaddaas intaas leeg leh waxa uu gabayga Salaan ee Halqabsigaasi ku jiro duubay 40 sannadood ka hor. (Halkan Riix)
b. Cali X. Xasan oo Cali Afbuur loo yaqaan oo weli nool da'diisuna 100 sano saameeshay isla markaana Salaan Carrabey soo gaadhay ayaa isna qoraalladiisu sida cadceedda u iftiiminayaan in gabaygan uu Salaan lee yahay. Cali Afbuur oo illaa maanta nooli waxa uu Salaan oo hor fadhiya gacantiisa kaga qoray gabayo boqol sare u dhaafay oo gabaygani ka mid yahay iyadoo qoraalladaas oo fartii CiSMAANIYADA ku qoran weli hayo.
c. Cumar Xirsi oo isna duubay gabayada Salaan muddo 40 sano ka hor wuxuu si muran la'aan ah u marshey gabaygan Mine ee tuducyadaasi ku jiraan.
d. Akademiyaha dhaqanka iyo Suugaanta ee Soomalida oo haatan burburay oo lagu kaydin jirey suugaanta Soomalida waxa yiil gabayga iyo taariikhdiisa
e. Gabaygan oo Isaaq, Daarood iyo Hawiye wixii Suugaanta u dhuun daloolaa u wada yaqaannin Salaan Carrabey waxan kaloo intaan hayo ka tilmaami karaa
f. Gaarriye oo dheeganaya gabayga salaan 1988-kii waa kii isna isagoo salaan carra-baabaya gabaygana sheegaya yidhi (Halkan riix)
g. Yamyam ninka la yidhaahdo oo Isaaq nacaybka iyo Dhoodaan nacaybkiisu waashay isla markaana aaan looga yaabin in gabay nin Daarood lee yahay nin Isaaqa siiyo ayaa isagoo duubay dareen jiitayaasha maansada yidhi (riix halkan)
h.  Qoraaga  M.M. AFRAH wuxu isna buugiisa taariikhda Somalida baalka hore kaga qoray Salaan Carrabey gabaygiisa oo uu halqabsigas caanka ah ka soo qaatay.

i. Suugaanleyda gabayada Somalida ku xeeldheeri waxay dhammaantood kuu sheegayaan gabaygan caanka ah ee Salaan

 III. Dirir Warsame
Muslinnimo ninkaan kuula socon muumminnimo khaasa
Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaama

Gabayga Dirir Warsame ee waxa dadka qaarkii ku sheegaan Cali Jaamac Haabiil, haddase waxa Dhoodaan ku magacaabay isla Bidhiidhkii aan soo sheegnay. Gabaygan Dirir Warsame (HJ, Yeesif) wuxu lee yahay taariikh mash-huur ah oo lama gudbaana in gabaygiisa la meersadana aan suuragal ka dhigi karin. Gabaygan horta wuxu Dirir ugu jawaabay Ina Cabdille Xasan oo gabay cay ah Isaaq u soo tirshey. Marka Ina Cabdulle Xasan lee yahay Ina Walanwal oo kale inaan weger dhahaa weeye" ayaa berigii danbe Daraawiishi rag dila Ina Walanwal iyo Dirir soo dirtay iyagoo ku guuleystey dilkii Dirir Warsame. Dirir wuxu u god-galay gabaygan oo ay taariikhdiisa ku caddahay diiwaanka Sheekh Jaamac Cumar Ciise ka qoray qawlaysatadii Daraawiishta isku magacawday. [Halkan Riix]

VI. Kumuu ahaa Bidhiidh.
Arrinta ugu qosolka, amakaagga, wareerka badani waxay tahay ninkan gabayada aanu lahayn la huwiyey ee Ogaadeenka laga dhigay oo sida la sheegay aanba ahayn reerkaas. Waxan is weydiiyey horta ma hal Bidhiidh baa jira mise laba. Jawaabta suaashaa waxa furaya gabayga bidhiidh uu Ismaaciil Mire u tiriyey oo muujinaya inaan isku ruux ka hadlayno. Bidhiidh ninka la yidhaahdaa waxa lagu sheega Dhulmahanto, Axmed Grad, oo reer warfaa ah mase hubno. Arrinta qolada ninkan weli hubsiinaa noogu dhiman waanuna ku raad jirnaa waxase la yaab noqonaysa haddii ninkani Hartiyoobo Dhoodaan maxaa maydha waayo dhoodaan waxa kale oo uu Bidhiidh Ku magacaabay gabaygan oo sheekadiisaba biyo col dhaanshey ka dhigaysa haddii ninkaasi Harti Waaq noqdo. Bal eegoo gabaygan nin Dhulmahante ahi ma tirin karaa oo reer tolkii hablahooda dhillonimo iyo Qurji ma u quudhi lahaa. Akhristoow noogu kaalmee inaad baadho ninkan qoladiisa!

Daarood Cagdheer baa lagu tuhmaa inay u gabyaan balse haddiiba Macallinkoodii hormood u noqdo burburinta Suugaanta waayo soo jireenka ah waa la arki doonaa in taariikhdu saamaxdo iyo in kale.  Waa nagu ceeb inaan luxudka ugu degno Raage Ugaas, Ina Cabdulle Xasan, Ilma Bulxan, Saahid, Xarbi iyo ragga suugaanyahannada ah ee caawa innaga hooseeya. Haddii aan degdeg loo sixin khaladkan caddaanka ah iyo kuwa kale ee joogtada ahba, waxa hubaal ah inay dhantaalayso Suugaanteenna qaaliga ah oo ku danbayn doonta in sidii Geela loo kala saanyado. Inkastoo ruux waliba u madax bannaan yahay inuu wuxuu doono qoro misana waxan taas ka doorbiday wax sheeg iyo wax tusaalayn waayo arrintani mid lagu degdego ka weyn.

Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com