More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed Aadan Caws "Yawle"
Reer Cawl, HY Miyaannaan

Gabaygan wuxuu Yawle kaga jawaabayey gabay guubaabo iyo dhaleeco isugu jira oo uu Birdhiile(Ciidagale) u soo tirshey Habar Yoonis kuna saabsan wadaad Aw Cilmi la odhan jirey oo Sacad Muuse diley.

Halkan ka akhri Birdhiile gabaygiisii

Waxa isna marxaladdaas ka gabyey Cabdi Gahayr oo isna canaananaya Habar Yoonis oo uu habacsani ku durayo. Gabayada Gahayr waxaa ka mid ahaa;

Waaydanba habaryonisbaa, wahabku saarnaaye
Wadaaddada halkii lagu diliyo, Eegi waraqeeda
Wareegada hadday ugu qalaan, waadhidii Xananley
Oon sida dabaylaha wacdiga, weerarku is dhaafin
Ey Waaxley mariyaan colkii, webiga jiidhaayey
Sidii Caano weelkii ku jira lama wadaageene
.

Wuxuu yidhi Yawle oo Birdhiile iyo Gahayr u jawaabayaa.

Carrawdaye haddaad Daahirow, Ciidagale gaadho
Nin calooleh baa qaadi kara, Caynka maansada'e
Waxaad sii carceertaba adoo, ciiro iyo boodhle
Togga ceerigiisiyo halkii, ceelashiyo Dhuurta
Iyagoo cammiranbaad Qaxwaha, la cabbi doontaaye
Adigaan cartaba laalinbaa, Caabbi kuu imane
Cige, iyo Birdhiiliyo Cayuun, Caalin iyo Qawdhan
Cabdi waxaad tidhaahdaa afkay, naga canaantaane
Carruurtay na maqashiin siday, ceebi nagu talle

Cosobkiyo hadduu geelayagu, Caado kor u dhaafo
Ogaadeen ciqaabkiyo nabsiga, iyo culuqu waw yiille
Iyagaba raggii caagganaa, looma caabudane
Cumar Dheere iyo baa la diley, culimadoodiiye
Cadad maleh intuu Reer Ugaas, cunay waraabuuye.

Markuu Cali ku maansoonayey, ee ciil la hoganaayey
Cabdilliyo Makaahiil miyaan, ciidan laga waayin
Miyaanaan Cammuud iyo Wardheer, calan ka laalaadin
Miyaannaan Biciidyahan cantaray, curub ka kawsiinnin
Miyaan Caliyo Haaruun ka qixin, cidhifki Laamaale

Cabaadkii Ogaadeen miyaanu, ciidda mari waayin
Cusbaale iyo Xananley miyaan, coodan lagu qaybsan
Miyaanaan caroofiga xeryaha, cayn walbuu gelinnin
Curdankiyo sagaarada miyaan, caydhu ku ekaannin

Intii aan Talyaanigu cammirin, cidhifyadaa kaynta
Miyaannaan cadceed iyo cadceed, celinnin Daaroodka
Ilaa Ceerigaabiyo nugaal, Caynabiyo Dhooddi
Ama cal iyo Buurdhaabo, iyo cidhifka Heegaale
Miyaanaan canshuurtuu la yimi, Caarshe kaga diidin
Miyaannaan Catooshii fadhiyey, cadho u liishaamin

Miyeydnaan caddaadley ogeyn, cabashadii joogtey
Daraawiish cabbaysani markay, bari ka soo ciirtay
Cali Geri markii ay watteen, caga badnii Shiikha
Miyaannaan wadaadkii cawarin, camalliyeynaayey
Cuqaashii miyaannaan ku layn, ceelkan gudihiisa

Caddiinkiyo kornayladu miyaanay, ciidda mari waayin
Gunbaa maalintii camalidoo, cararta goortaase
Miyaannaan caddaan iyo madaw, uunka wada ciilin
Miyaannaan curdeynada ku bixin, cara ku soo guura

Cadaawuhu Isaaq maalinbay, cuni lahaayeene
Ways caasinee iga wallaan, cirir na saarrayne
Cabbaar yar isma gaadhnoo intaa, waa ka culusnaaye
Cishiriin sanaanan reer tolkay, colugu dhaantayne
Bal ciyoon na suga uumiyii naga cabsoon waaye.



 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com