Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

GABAYO QUBANE AH

   

Somali Poetry

Gabayadan qubanaha ah akhristayaashina sharafta leh qaar ka mid ahi noo soo gudbiyeen bal soo dhammee soona sax.

 

Abwaanka Maxamed Cabdulaahi ah gabayaashan danbe ayaannu ka helnay intan yar ee xigmaddu da'ayo.  Gabaygan duluxdiisu waa "waan baahanahay looma bahalo xuno" ama "Iimaan Allaa uur buuxiyee" wuxu daarran yahay inaad wixii Eebbe qoray ku samirto.

In kastoonan hoy iyo cuniyo, anan nolol heysan
inkastoon harraad qabo, iyo gaajo hari weysay
in kastoon halyeey ahay ku qaday hawlkarnimadiisa
Hadhuub raaca quudheed gacmaha, looma hoorsade e
Ha u xilan hunguri xumadu waa, ceebaan kaa harine
Inta aad hadhow noqon lahayd, hebelka ceeboobay
Adigoo hamuun qaba haddana, heysa sharaftaada
Hanti haybis kugu soogashaan laga harraad goyne
Hor Ilaah u samir hawa adduun, waa har galinkeede
Hammigana Ilahayow iiga yeel halowda meel dhaanta.


Murtidii raggii hore haddaan wax ka milicsanno, Ilaahay ha u naxariistee, abwaankii Aw Cilmi baa asna laga hayaa beydkan qiimaha weyn ku fadhiya;

Waa kugu adkeeyee haddii aad iga ajiibayso,
Ogoobey aduunyada ma jiro edeb wax dhaamaaye.

 

Abwaan Cumar Max'd Max'ud ayaa isna naftiisii hawada raacday u dardaarmaya isagaoo leh;

Macna daran naftaydaay haddaan, kuu masalo sheego
Runta lagama maarmee haddaan, waano kuu mariyo
Nin waliba wuxuu meel dhigtuu, maanka ku hayaaye
Adigana mirqaankiyo wakhtigu kula macaanaaye.

 

Abwaanka Cali Nuur Maxamuudna wuxuu na lee yahay Allaha deeqtoon baa iiga filan inaan hadba qolo u rixiyo waayo buu lee yahay aakhiro jannona ima geyn kartiin cadaabna igama baajin kartiin.

Nin I raba iyo kii aan I rabin aniga ruuxayga
Rug Jannaad iyo ima geeyn kartiin raran cadaabeede
Rabi iyo Rasuul baa igu filan raallinimadoode
Raqiib iyo catiid aa roggaan(1) labada reedoode(2)
Iga riix, reer hebal u riix, raadka iga leexi
Rabbi marag ninkii been raboow kula rafiiq maahi.

Ashkir Cilmi Kooshin ayaa la sheegaa inuu erayadan yidhi isagoo aad u da'yar ujeedkiisuna 3da bayd bay ku caddahay.

Hooyaday ninkii iga eryoo, iga agoonteeyay
Iridkaan ka soo galijiray, ninkii ooda iga saaray
Mindhaa uhunigaan caawa qabo aabbe ma iraahdo.

_________________

(1) Roggaan=taagan
(2) Reed =Dhinac

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com