SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Guba

Samatar baxnaan (DH)
Gabaygani wuxu Samatar Baxnaan kaga Jawaabayaa gabagii Yawle ku diganayey Dhulbahante oo geyinga Cayn la yidhaahdo ay ka maroorsatay Habat Jeclo.

Wuxu yidhi Samatar baxnaan;

Nin Haduu maluugaha bartiyo mooradiyo faalka
Isaga iyo fircoonbaysku mida maalin aakharoe
Waxba Habar Jecladan aan makalay haw makaabirine

Shan qolaa mataanaha ka jaban Maxamedkiiniiye
Madmadoobayaal oo dhanbaan loo muraadqumine
Maadhiinka nimankaan la dhacay miidha habarYonis

Magta Geedquwaax lagu xukumay waa rag kaa maqanne
Ma mardaadibay kaa jiraan muuqanmahayaane
Haddii dayrtu waa mudan hartiye nala mihiibsiiyo

Meermeerka Gubaddood haddii lagu maqnaan waayo
Ida Maylka geedigu haduu mudh isasoo siiyo
hadday muusayaal nala dersaan nagama maarmaane

Rag ninkii manaaya leh haddii midigta loo dhiibo
Maajeenta ceelkii lahaa amase maygaagta
Muusiyo Qudeer iyo jabkaad nala mushaaxayso

maatada halkee reer cismaan madaxa loo saari
Masbaad kaga ridee ceelka yaa mar uga soo dhaamin
Aduunbays maqiiqay dhulkaad magan ku daaqaysey

muslin meelxun laga qaatay waa inuu mastuurtaaye
Ma munaafaq baad tahay maxaa mahadnaq kuu diidey
Magligaad afaysaa ku goyn muruqa Yawlow'e
Adoo macawis iyo shaal sitoo muunaddii boqorle

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com