Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

Siciid Ayaanle (IHUN)

HJ > Biciide> Reer Iidle

Somali Poetry

Gabaygan aan inta kooban ka helnay wuxu Siciid Ayaanle (IHUN) kula hadlayaa Caaqil Maxamed Xaaji Ducaale Axmed Yare (IHUN) oo uu ku dhaliilayey inaanu tolka ururin.

Aw Maxamedoow taladu yaysan, aaran kaa geline
Ilma Faarax
(1) waa laba gacmood, oo oof ku wada yaale
Addimada midbaan goynayaa, waa aqoon xumo'e
Adiguna in aqal seexataad, kala eryeysaaye
Ugaas waxad ku tahay labada reer, oo is aamina'e
Mar hadday unuufaduu gashoo, ooddu kala guurto
Awr heeryadiisii cunay, oo oomman baad noqone
Sidii Ugubidaad meel cidla ah ka alwan doontaaye.

 

Mar kalena waakii isla Caaqil Maxamed ku eedeeyey amar-ku-taaglayn doog labada reer dhex tiil soo kicisay. Axmed Faarax & Iidle Faarax (Reer Iidle) waxay muddo 30 sano ah isku dilayeen aano ka dhalatay timir gibir ah oo boqorkii Indha-Aarre (1750 -1810) uu ku soo rogey beelo Reer Iidle ka mid yihiin taas oo markii la diiday ay ka dhacday colaad lagu riiqmay. Siciid Ayaanle wuxu Maxamed X Ducaale ku eedaynayaa inuu tubtii awowgiis Insha-Aarre hayo;

Indha-Aarrihii hore miyuu, alifyo dheeraaday
Maantana la eeddii miyaa, nalaga eegaayey.

Gabaygan soo socdana wuxu Siciid Ayaanle tiriyey 1960kii waana mid uu ku guubaabinayo Soomaalida si ay ula dagaallamaan Amxaarka.

Loo kala go' Gaaliyo Islaam, gooshka maanta ahe
Waataa garnaylkii la ridey, gaaxsanaan jiray'e
Gashi kuma lahayn reeruhuu, gubay Amxaarkiiye
Tanna wuxu ku soo gaadhayaa, galab-carawtiine
Miyaynaan geleyn waa Jihaad gawga baxayaaye.

Jamaal wuxu garoomaha ku helay, geesinnimadii'e
Hadduu maalintii dibu gabbado, gool ma dhaliyeene
Miyaynaan geleyn waa Jihaad gawga baxayaaye.

Nin walaalki geeryoodayoo, gacanta loo qaaday
Gaashaanka inuu soo rogtaa, gar Alla weeyaane
Miyaynaan geleyn waa Jihaad gawga baxayaaye.

 

____________
 (1)  12ka jilib ee Faarax Biciide, HJ




 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com