Haaraanka iyo faanka wayska hidda raacdeene
  Rag haddaad u haysiyo barbaar halabsatoo fuusha
  Mar uunbaad u heensayn lahayd hawlyaraan subaxe
Aduunbaa hayaayda u guntane heeryo lagu saarye
 | Home |Gabayo |Maqal |Abwaan |Halqabsi | HalxiraaleSheekooyin | Siyaasad  |










 
 
 
     

M  A  Q  A  L

Ali Dhuh Adan
Jama Xirsi "Ina Dubbe"
Ismail Egal Bullaale
Ismail Mire
Qamaan Bulxan
Maxamed Fiin
Qamaan Bulxan
Ali Dhuh Adan
Jama Xirsi "Ina Dubbe"
Maxamed Nuur Fadal
Ali Dhuh Adan
Salaan Carrabey
Salaan Carrabey
Max'd A Caws"Yawle"
Samatar Bahnan
Max'd A Caws"Yawle"
Maxamed Cumar Dage
Max'd A Caws"Yawle"
Maxamed Cumar Dage
Cali Dhuux
 
 

SILSILADDII
"GUBA"

     
Hadba dawdar falan baa u kaca nimanka Daaroode
Dadkoo nabad isaga jooga bay dacar ku oogaane

                                    Max'd Aadan Caws "YAWLE"
Duq gaboobey wax u  roon afkii inu dabooshaaye
Marse hadduu duleeddada ka ciyo waa darxumo weyne
Daan-daansigaagii ka baday Digada xoolaaye
Dux ka guro dibnun baad u dhiman duugga weligaaye

                                  Jaamac Xirsi Guuleed "Ina Dubbe"
Denbi iyo xasarad baa ilaah kuugu daw galaye
Dariiqada Janada loo maraad dacal maraysaaye
Diintii Rasuulkiyo(SCW) shariciga waa lagaa dedaye
Nin dardaarankii seegayoo doorsan baad tahaye

                                  Jaamac Xirsi Guuleed "Ina Dubbe"

H  a  b   a  r   -   Y  o  o  n  i  s

Ismaciil Cigaal Bullaale

Jaamac Xirsi Dubbe
Maxamed Fiin
Maxamed Adan Caws (Yawle)
Qawdhan Ducaale (Ciidagale)

H  a  b  a  r  -   J  e  c  l  o

Salaan M. Xirsi "Carrabey"
Maxamed Nuur Fadal

K  u  u  m  a  d  e

Qamaan Bulxan
Maxamed Cumar Dage
Xuseen Hudle

K   O   O   M   B    E

Cali Dhuux Aadan
Ismail Mire Elmi
Samatar Baxnan

     

Q O R A A L

Ali Dhuh Adan
Jama Xirsi "Ina Dubbe"
Ismail Egal Bullaale
Ismail Mire
Qamaan Bulxan
Maxamed Fiin
Qamaan Bulxan
Ali Dhuh Adan
Jama Xirsi "Ina Dubbe"
Maxamed Nuur Fadal
Ali Dhuh Adan
Salaan Carrabey
Salaan Carrabey
Max'd A Caws"Yawle"
Samatar Bahnan
Max'd A Caws"Yawle"
Maxamed Cumar Dage
Max'd A Caws"Yawle"
Maxamed Cumar Dage
Cali Dhuux
 
 

SILSILADDII
"GUBA"

     

Silsiladda Guba waxay salka ku haysaa duullaamo ay Beelo Habar Yoonis ahi ku hanteen Garduur iyo Doollo oo ah ceelal taxan oo ku yaala dhulka maanta loo yaqaan Zone 5 ee bariga Ethiopiada Soomalidu degto. Duulaamada habar Yoonis ku daaduunsheen Ogadenka waxa qaybtooda hore dhacday 1870 kii oo beesha Habar Yoonis taabtay Ceelal badan oo Harooyinka ku yaal. Silsiladda iyadana waxa soo gelaysa dhulka Cali Dhuux reerahooda laga hantay ee la yidhaahdo Cayn iyo Nugaal Godan.

Duulalka si xun wax u sheegga ah ee suugaanta ka sinaystaa waxay beryahan danbe caado ka dhigteen Inay majara habaabiyaan murtida mugga leh ee Soomaaliyeed.  Suugaanta "Guba' la baxday taas kama duwana ayadoo la isku dayo
1. In taariikh aan meesha ku jirin la abuuro mid jirteyna daaha la saaro. Si kastoo la isugu dayey in loo taxriifiyo suugaanta soomaalida 20 sano ee hororada ma xishoodayaasha ah dalka gelelefayeen, misana way ku guulaysan waayo beentoodu iyaga ma dhaafto Soomaalida kalena dheg uma leh.
2. In magacyo aan qaarkood jirin gabayada "Guba" qaarkeed loo nisbeeyo. Waxa qosol leh in cajlad iyo buug lagu qoro gabayo aan jirin oo ragga qaarkooda loo nisbaynayaa aysan jirin.
3. In rag ku jirey laga saaro taasoo uu ka mid yahay abwaankii da'da yaraa ee Jamac Xirsi Gulleed "Ina Dubbe" oo ahaa ninkii ugu horreyey ee radiyey diradiraha ninka reer Koombe ka soo yeedhay.
4. In tirada ka qayb galayaasha silsiladdan la yareeyo ama la badiyo hadba sidii tebiyuhu dantiisa iyo tan reerkiisa u arko.

JAAMAC XIRSI GUULEED "INA DUBBE"
Habar Yoonis, Reer Caynaanshe.
Jaamac wuxu ahaa ninkii ugu horreeyey ee ka soo jawaabay gabaygii Cali Dhuux A. Gorayo uu bilaabay. Jaamac oo markaas 26 jir ahaa wuxu yidhi "Waxan sitey qori Maadhiin Yare ah oo hilka Shakaddu u dhammayd. Labada gelin ka hore ayaan Daarta Bunduqa kala soo jeedsan jirey, gelinka dambana waxan raaci jirey Fooska wareega heelka duleedka ceelka Wardheer". Jaamac iyo Cali Dhuux waxa u dhexeeyey da' badan. Wuxu yidhi Jaamac maalin saddexaaddii markaan
u jawaabay Cali Dhuux ayuu ii yimi oo igu yidhi, isagoo da' iigu hanjabaya:
Dahaba maad eegine Ina Dubboow rag waa iga danbeeyaaye.
Ismaaciil Cigaal Bullaale
Habar Yoonis, Sugulle Caynaanshe
Ismaaciil Cigaal oo "Ismaaciil Baashe" ku magac dheeraa wuxu ku abtirsadaa Suldaan Diiriye Sugulle iyo Boqor Xirsi Ammaan Suldaan. Ismaaciil oo ka mid ahaa waxgaradka iyo waayeelka Habar Yoonis wuxu kaloo ka mid ah dadka soo dhaweeyey Dhulmahantadii ku caydhoowdey daaduunkii ina Cabdalle Xasan Canbaro Dhool Cigaal Bulaale u dhisay Cali Dhuux. Gobi waa tii abaalgudda'e Wuxu Ismaaciil aad uga xanaaqay abaaldhaca uu geystey ina Gorayo oo reerihii wanaagga u falay uu col ku soo hoggaamiyey.
Ismaaciil wuxu kaga qaybgelyaa tixda la yidhaahdo DACWI.
Salaan Carrabey
Habar Jeclo, Aadan Madoobe
Salaan Carrabey bilawgii silsiladdan dan kama aanu lahayn nimanka daarood ee midba kan kale ku riixayo isaaq baa i Xilo iyo Xooloba  tiray. Salaan oo ahaa nin Abwaannimadiisa ay u dheerayd ilbaxnimo waxa la sheegaa in xilliga ay maansadani curatay uu Tacabbir ugu maqnaa dalka dibeddiisa. Cali Dhuux markii ay silsiladii uu bilaabay ee Magac-ku-doonka ahayd istaagtay ayuu damcay inuu Salaan iyo Abwaannadii Habar Jeclo meesha soo geliyo si ay gabayadu u sii socdaan. Cali Dhuux waxa shaydaan ka yeedhsiiyey erayo daandaansi ah oo isagoo diiftii HJ ku dhigtay doogteedii weli qaba ayuu miciinsaday afxumo mase mahadine waxa Salaan is daba dhigay labadiisii tixood ee caanka ahaa ee uu kaga jawaabayey labadii afarrey ee Cali Dhuux.
Waxyaabahaas iyo kuwo kaloo badani waxay ku tusayaan sida naf-la-caaridnimada ah ee la isugu dayo in beentii xilligii Afweyne la fidin jirtey ee la xijaabatay dib loo soo nooleeyo oo weliba baalal loo yeelo si loo khaldo bahda Suugaanta jecel.

Suugaanta "Guba" la baxday waxay bilaabatay 1923kii xilligaas oo dagaallo sokeeye oo badani socdeen ninkii laga muruq badnaana la muquunshay oo maatadiisii iyo dhulkiisii rag kale meersadeen. Ceelka Dannood oo ka mid ahaa deegaan ballaadhan oo Beesha HY ka maroorsatay Ogaadeenka ayaa Cali Dhuux hal uu gorofka u sitey loo diidey inay ka cabto markaasaa ninka meertadan bilaabay isagoon waxyaabo badan xeerin marshey gabay calaacal iyo ciilkaambi ku jiro oo uu ugu talo galay inuu ku guubaabiyo hunbbannida deegaankoodii rag kale degey.

Cali Dhuux Aadan Gorayo waxa, sida taariikhda suugaantu
qirayso, uu  ka lahaa ujeeddooyin u gaar ah curinta maansadan. Waxa xusid mudan in aan Soomaalidii hore gabayga iska marin jirin ee la dhawri jireen munaasabad iyo mansab ku habboon si ay dhaxalgal u noqoto. Soomalida gabayda waxa kalooo dhaqan u ahaan jirtey in xitaa haddii loo gabyo aysan ka jawaab celin jiren illaa ay u muuqato inuu ku gar iyo garawshiinyo helayo, haasaawahana ku asiibayo. Waxa taas nooga filan Abwaankii Dhulqas Aadan (Gun-iyo-baar-eeg) oo sida uu sheegay "Gaarriye" sugayey jawaabta gabay uu marshey Cali Dhuux oo reerkooda wax ka sheegayey.
Maalintii ay "Dhulu-dheer" dhacday ee Biciidyana (Majerten) maroorsaday wixii maal uu lahaa dhulbahantah hawd ayay u muuqatay inuu Cali Dhuux uga jawaabo gabaygiisii. Hadal Haan ma buuxshee, Cali Dhuux maansada "GUBA" wuxu marshey iyadoo aan kalkeedii gelin dhawr sababood dartood.

 

 
Maxamed Fiin
Habar Yoonis, Celi Siciid
Maxamed Fiin oo gabay wanaagsan ku darsaday silsilladan Guba waxa uu xidid la ahaa nimanka
Doqomada lagu sheegay ee maansadu u jeeday. Maxamed waxa nagu maqaala ah inuu lee yahay tix kale oo aan na soo gaadhin oo uu kaga jawaabay gabayga Qamaan Bulxan.
Maxamed Aadan Caws "Yawle"
Habar Yoonis, Muuse Ismail, Reer Cawl
Yawle oo isna taxanaha GUBA goor danbe soo galay wuxu suugaantiisii xoogga lahayd ugu muruq sheegtay Ina Cumar Dage iyo Samatar Baxnaan.Yawle gabaydiisu waxay ka mid yihiin kuwa ugu caansan ee illaa maanta lagu halqabsado.
Hadba dawdar falan baa ka kaca nimanka Daaroode
Dadkoo nabad isaga jooga bay dacar ku oogaane
Dadka kama xishootaan markaa dili karaysaane
 
Maxamed Nuur Fadal - HJ, Reer Daahir
Maxamed Nuur Fadal wuxu ahaa abwaanada Soomalida kuwooda ugu caansan ee gabayadiisa iyo halqabsiyada uu innoga tegey ay taariikhda suugaanta Somalida baal dahab ah ka gashay. Maxamed inta la og yahay wuxu silsiladda kaga qayb galay gabay uu ugu jawaabayey ninka silsiladdan bilaabay oo ku leexday Habar Jeclo. Gabayga Maxamed Nuur wuxu kaloo ka hadlayaa dagaal ka dhacay gabadh la isku qabsaday oo dagaal ka dhacay waana ka leh
Dhedigoodku waw kala jiraan labada dhoomoode
Waa waxa rag dhuunta isku jaray dhirifka naagode
Dhafoor layska toogtiyo dil waw dhexidhsanaayene
Maantana DHulbahaanta ku lumay dhebi la moodiye

Dhulmahantaha gabayga guubaabada ah bilaabay waxay ka mid ahaayeen ama ugu horreeyeen dadka Ugaadenka xoolohoodii meersaday dhulkoodiina degey oo dhiishii fakhriga iyo Dhoobbinimadii ay caan ka ahaayeen ka raystay. Maxamed wuxu isagoo arrinkaas tilmaamaya yidhi:
Ogadeen dhasheega iyo sidii ceel dhanaan noqoye
Nin waliba dhabada waa yaqaan loogu sii dhacoe
Waa kaa dhulmahantii baqtiyey dhamaya caanaaye
Dadku dhoobbi iyo ciidan waa saad u dheregteene
Dhibbaa lagu qabaa xoolahaw dhacan ahaydene


Maxamed wuxu gabaygiisa ku soo gebagebaynayaa sida aan ninka gabayga bilaabay aan hadal ugu bannaanayn
maadaama isaga dhulkiisii la haystona ay ceeb tahay waxa uu u guubaabiyo duul kale.
Dhurwaaba ka ciya meel libaax dhuunta gool jaray
Raq la dhigayna haadkoo dherguu dhidar ka muuqdae
Maadhiin dhacaayad naftii kala dhuyaasheene
Maad dhicisid waataad sidii dhir u tubnaydeene
Dhaantada Ugadeeen intuu kula dhex meeraayo
Siduu dhaamo rer Webi intuu dhiilla gelinaayo
Alla dhoohanaa kiisa muu nagala dheeraado.
 

 

 

 

 

1.Isagoo Ugaadeenka uu lee yahay waan guubaabinayaa isagu dhacay sida ku cad jawaabaha ay bixiyeen raggii u jawaabay oo Daarood iyo Isaaqba lahaa. Tusaale aan u soo qaadanno dhawrkan tuduc:

Duunyada Fardood maalintaad deleb ku qaadaysey
Sidii Duul Amxaara ah markaad nagu dabrayneysey
Intaad haatan ii laba dublayn muu damqado jiidhku
Daabaca ninkii kugu dhuftee daabka kuu celiya
Iyo kii Duleedshaay ku yidhi wax isma doorshaane
Qamaan Bulxan

Nin dulmiyey Ogaadeen hadii cidi ka doonayso
Dunjigeeda Soomaalidaad ugu darnaydeene
Idinba waataa dubbaa Reer Subeer daan ku jabiseene
Idinkaa Dannood iyo ka hiray degeladoodiye
Jaamac Xirsi "Ina Dubbe"

Doqon iyo ogaadeen haddaad dalaw ku sheegaysey
Waxa daarahoodii kharibey duulka reer Gorode
Dunjiga reer Subeer oo dhanbaa duudsi loo naqaye
Adaa dalawadoodii dhacoo ceeb ku daababacaye
Weyl baan dabraabaad na tidhi waana didayaane
Nimankaad dadkii wada tustee daawo uga yeeshay
Waa maxay barordiiqdan aad ugu danookhyeysey
Ismail "Baashe"

Geelii ogaadeen ninkii goofiyaad tahay'e
Giddiga reer Subeer yahay ninkii gaadhay baad tahaye
Ninkii geed ku xidhay baad ahayd galabti weyshiiye
Gudaha Adari waa laga tirshaa gabayadaadiiye
Maxamed Fiin

Ogadeen dhasheega iyo sidii ceel dhanaan noqoye
Nin waliba dhabada waa yaqaan loogu sii dhacoe
Waa kaa dhulmahantii baqtiyey dhamaya caanaaye
Dadku dhoobbi iyo ciidan waa saad u dheregteene
Dhibbaa lagu qabaa xoolahaw dhacan ahaydene
Max'd Nuur Fadal

Gabayada kor ku xusan oo dhammi waxay tibaaxayaan sida Clai Dhuux raaskiisu godobta uga qabeen Ogaadeen ee aysan ugu
bannaanayn inay tirtirsi iyo tiiqtiiqsi gabay loo yidhi ay tirshaan. Qodobkan oo keliya ayaa ridaya gabayga cali Dhuux kuuna
Tilmaamaya in Cali Dhuux gabayga u tirshey si uu Magac uga helo maadaama suugaantiisu aysan deegaankiisa dhaafsiisnayn.

2. Arrinta labaad ee kuu caddaynaysa ujeedada dhabta ah ee Cali Dhuux ee magac raadiska ahi waxay tahay in dalkiisii la haystey, duunyadiisiina khayrkii ay meersadeen. Qodobkan labaad waxa isna ka markhaati ah taariikhda iyadoo raggii markaa gabaygiisa aanu hubsan ka jawaabayey ay sidoo kale sheegeen.

 
  Hunbannida Ogaadeen intaad soo hirgelinaysid
Wax hortaada lagu maalayaa kii Hagoogane'e
Salaan Carrabey

Hannas iyo harraad kulul adoo habaqle soo guurey
Caynaba hadhuub kama dartaan hoga Kaliileede
Ka hulleele Hagar Aadankii hooballayn jiraye
Aduunbaa hayooyda u guntane heeryo lagu saarye
Salaan Carrabey

Idinkuba darkii Caynabaad deris ku taalliine
Dagaallama nin doorkii la laa duubcaddii Hagare
Ama na daaya waa wada qabnaa daawashiyo ceebe
Qamaan Bulxan


Dhaantada Ugadeeen intuu kula dhex meeraayo
Siduu dhaamo rer Webi intuu dhiilla gelinaayo
Alla dhoohanaa kiisa muu nagala dheeraado.
Max'd Nuur Fadal
3. Ugu danbayntii arrinta kale ee muujinaysa magac-doonnimada Cali Dhuux waxay tahay isagoo;
           a. Dhawr afarrey iska daba tiriyey markii gabayadii istaageen taasoo oo uu uga jeeday in sheekadu sii socoto
           b. Markii afarreyduu tirinayey socon weydey buu bilaabay inuu gabayga soo geliyo Salaan Carrabey oo aan isagu  soo gelin silsiladda isagoon dan ka lahayn nimanka Daarood ee doodaya. Cali Dhuux si uu u sii fidiyo sheekada ayuu gabay uu Salaan iyo HJ, oo maalkiisi iyo dalkiisaiba haysta, u tiriyey afarreydan
  Ogaaden Hadhuuudhkyo sidii hilibka loo boobye
Nin waliba hadhuubuu toshiyo haamo gooniyahe
Nimankaan harraadkiyo aqoon hawdka maristiisa
Kulay habar Jecliyo Ciise tahay waa ka helayaane
Haweenkuna hadday doonayaan inay hidiidaane

{{{{{ WAA SOCOTAA }}}}}

     
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com