Xaaji Cali Geelle "Arab"
Gabaygan waxa Xaaji Cali Geeelle u tirshey nin Camanje Yogol la odhan jirey oo ay isu gabyi jireen. Camanje ayaa la sheegay inuu Hal ka lunsaday reer Isaaqa markii hashii la weydiiyey oo uu arkay in la ogaadayna wuxuu ka baqay in loo gabyo markaasuu asagu gabay bilaabay. Halkan riix qisada gabayga intaannu ka hayno. Fadlan gabayga soo dhammee.
 

Abasguul Isaaq inan la simo, igama eegtaane
Aanada rag kale haw dhintee, eray yarbaan baanay!

Waataan Ugaadeen noqdaa, ahabta diidaaye
Waataan in Gooniyo habaas, kala afuufaaye
Waataan Awaaraha Badhyaha, dibugu aastaaye.

Waataan sidii Eey anbaday, Ila ka yeedhaaye
Waataan aduunkoon la dhicin, ka arradnaadaaye
Waataan Agoon xoolaheed ku intifaacaaye.

Waa taan irbado iibsadaa, sida Ugaas Nuure
Waa taan aroortii kacaa, arah u guuraaye
Anigoon adduunyaba lahayn, adhi iyo geel toona
Waa taan bir wada aad ah iyo gudin afaystaaye.

Waa taan ib dhuunyaale iyo, dhiraha eegaaye
Waa taan abqada meeriyaa, idil dharaareede
Waa taan Absame Kuumade, iyo ehelki sheegtaaye

Abtirsiinyo waataan Hartiga, uga ekaadaaye
Araddayda waatay dhashaa, inan Mareexaane
Waa taan Majeerteenka Eyl inan ka doonaaye

 
     
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com