Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 Xirsi Dabacaydh

Yeesif, Habar Jeclo  

Somali Poetry



Xirsi Dabacaydh (IHUN) wuxuu ka mid ahaa abwaannadii noolaa qarnigii 19 aad. Waa Abwaannadii ka gabyayey colaaddii riiqda dheeraatay ee beelaha walaalaha ah ee Yeesif iyo Aadan Madoobe oo labaduba ka tirsan beelaha Habar Jeclo. Abwaankan weyn nasiib darro suugaantiisii waa luntay. Waxanu mahad ballaadhan u jeedinaynaa Maxamuud Yuusuf Bile oo meerisyadan kooban ee Xirsi Dabacaydh tirshey na soo gaadhsiiyey.

Dhudhumada haddii lay hayo, oo la ila dhoofaayo
Ciisaha Dhurwaaga ah hadduu, dhamayo dhiiggayga
Adhi dhiriqdi iyo meel dhudhuba, dhuunka galin maayo
Dhoollaha intaan qabo tolkay, xilu dhawayn maayo
Dhimashadana Eebbay hayee, dhuuman kari maayo.


Mar kalena waa kii Xirsi Dabacaydh lahaa

Cawkoow hadaad gabay lukiyan, iga lahiib doonto
ladnaantuu tolkay igu jeclaa, laydha iga raacye
Salaantii lil-laahiya hadday, igala leexdeene
Ladhka uurka, laabtiyo wadnaha, labanlagdoonaysa
Haddaan Eebbahay iga ladnayn liif bukaan ahaye.


Gabaygan qiimaha leh isagana waxa la sheegaa inuu Xirsi Dabacaydh lahaa waloow rag kalena aamminsan yihiin inuu lahaa Abwaankii weynaa ee Jaamac diiriye-Xuur (Ciidagale).

Lixdan nimay u fooftiyo nimaan,layli raranaynin
Nin labaatan wiilliyo nimaan,wali lammaanaanin
Laalays nin fuuliyo ninki,lugo ku rooraaya
Kol haddaan ninnaaba laasimayn,waxa u laacaaya
Maxaan kaga lurmoodaa adduun,lumaya weeyaane.

Xirsi Dabacaydh waxa kaloo laga hayaa isagoo isla reer kale oo HJ ah oo dagaal dhex maray la hadlaya;

Rag Cayaayir iyo Col iyo nabad, cayn walbuu dhimaye
Cudurna waa dilaa kaan markaa, calaf u laabnayne
Rag Cigaal ka dhigan baa jiree, Caaqibo ogaada
Cugtan haddaad ka garataan magtoo ceebla' naga qaata
Haddii kale carceerriga rogaal caymanka u giija.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com