Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 Xuseen Jaamac

  HJ - Biciide - Cali Faarax

Somali Poetry

Abwaan Xuseen Jaamac waa nin gabyaa weyn ah hayeeshee murtidiisa aan wax badani naga soo gaarin. Gabaygan inta kooban naga soo gaadhay wuxuu abwaanku tirshey qiyaasta 1992kii. Abwaanku wuxuu ka yaabay ashraaftii la isu bahaystay in la dabar gooyo oo markii Eebbe guushii mulkisiiyey aan ku mahadine iyagii isku jeestay.

Raggii cadawga tiirshaan lahaa, taaj ha loo xidhoe
Tiknikadu ha gaadhaan lahaa, tuulo Buuryoqabe
Torogey ha daaqdaan lahaa, toommo iyo hawde
Adhiguna ha tago baan lahaa, taaggi Dhacadiide
Dumarkii tafsaday baan lahaa, taagti haw dhaloe
Tafaraaruq iyo maanigaa teerba filanaayey,
Taageer Allahayoow aday taada noqotaaye.


Mar kale oo aad uga sii horraysayna waakii Xuseen Jaamac lahaa;

Haddii Cumarba Reer Yoonis yidhi, caamo yahay aamus
Cirku muxuu da'aa sow arliga caasi kama buuxo.


M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com