Hadba dawdar falan baa ka kaca nimanka Daaroode
Wixii Daarufley laga samray bay dibada keenaane
Dadka oo nabad isaga joogabay dacar ku oogaaye
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
Imanmayso HY
Miyaanaan
Cibaaradaa daya
Moqorraysta
Jawaabti Samatar
Gadhka-Yogolka
Hadhuudhle
Dawdar falan
Daarood-ku-Xaar
Jawabti Dhuux
Yawle & Hinnig
Yawle & Hinnig
Keligi maahayn
Maax & Gadiid
Colaad Sokeeye
Ha samrina
Maa la heshiyo
D o o d
Ma magoolo
 










 
 
 
 
  DawdarFalan

Maxamed Aadan Caws "Yawle"

Ninka La odhan jirey Maxamed Cumar Dage oo guubaabainayey Dhulmahante ayaa dhawr gabay iska danabaysiiyey. Gabaygan wuxuu ku guubabinayaa
Dhulmahante inay dilaan niman cuqaal ah oo reer Burco ah. Guubaabadan wuxuu Ina Cumar Dage kaga jawaabayay tii Cali dhuux. waxaa ka mid ahaa gabaygiisaa

Sheybiyo haddii aan la layn ina shiraa Jaamac
Haddaan shiqiga colujoog ka tegey loogu shalax siinin
Ararsame shafkii maaha iyo shuunki reer boqore
Hanasheeganina waxaydin dhalay beliyo shaydaane


Sanadkaasuu misana soo gabyoo tirshey gabay kaloo guubaabo ah oo ku kicinayo dhulmahante kuna tilmaamayo guulo uu leeyahay waxay u soo hoydeen ogaadeen. Wuxu ka mid ahaa gabayga
danbe ee Maxamed Cumar dage

Ogaadeen Dannood iyo dig iyo durugsey ceelkii dheh
Deegaanka Xagarreyna waa degel Makaahiil dheh
Daaftii Garaad Faaraxbaa daad ka soo galay dheh


Halkaa markay marayso ayaa Cali dhuux ugu jawaabay Ina Cumar Dage sidan;

Gunbaan ahay ganbocad ban xidhnay iyo garnaagode
gashaantida sidedoo kalaan guur u sugayaaye
Anigiyo hablaha loo galmoon waa gudboonahay
Jeer oon ganboorka iska rogo guudka iga saaran
Godobtaydu HabarYoonis waa lagama goostaane
Ugaadeenka noo soo gabyow waa gar xaajaduye.


Yawle oo ka jawaabaya gabaygaa Maxamed Cumar Dage iyo calaacalka Cali dhuux wuxu yidhi. wuxuu yidhi:

In dhaweydba doodiisa gabay daayayoo dhigaye
Dahrigayga waataan ka jaray dihashadiisiiye
Marba aniga oo daayey baa mid i danqaabaaye
Caawana digbaa igaga timi Haradi Doolloode


Hadba dawdar falan baa ka kaca nimanka Daaroode
Wixii Daarufley laga samray bay dibada keenaane
Dadka oo nabad isaga joogabay dacar ku oogaaye

Ina Cumar Dagoow waxa la yidhi diidde nabadiiye
Dekenada Isaaq waa beryaba waad dewerisaaye
Docmo nimanka yaalbaad intaa duula leedahaye

Dadka kama xishootaan markaa dili karaysaane
Siday dawladuu ugu kulmeen dunida hoosteeda
Anagu deyney Dibisyoonadii nimanka Daaroode

Denbi kama shaqayniyo colkii diiqanlayn jiraye
Dullinimo sidaa nooma gelin daacadda Ilaahe
Dabci gobannimaan leenihiyo dul iyo misaane

Daratoole iyo Caado oo wada diraabaaya
Danbar kulule daahyaalihii Deero laga qaaday
Markii udubkayagu daadsanaa Daaqatiyo Faafan

Ee geelayagu diisha dheer daaqa ka idleeyey
Goortuu dubbuu nagaga dhacay Dalalna ooyaayey
Duqa Cali ogaadeen markuu diradiraynaayey

Daa'ima caruura iyo markuu doqon ku sheegaayey
Dorraad hadalku waakii ahaa Doollo laga qaadye
Ma dabkii Talyaanigu qubaa daafad kugu biirshey

Ma dibbaa naloo tumay raggii dilayey sow miihin
Dalkan laysku haystaaba waa degeladiiniiye
Xagaa durugsateen gabaygu waa idinku deelqaafe

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com