|
|
|
Copenhagen
Somali Radio |
Idaacadda Soomalida ee "Radio
Copenhagen" ayaa soo bandhigtay barnaamij qiimo leh oo ku
saabsan Taariikh suugaaneedkii Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim)
oo ay ka xogwaraysteen Abwaan Axmed Diiriye Liiban.
Hakan ka
dhegeyso ama booqo
somaliradio.dk |
|
|
INNAALILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Waxa Maalintii Jimcihii magaalada Hargeysa ku geeriyooday Alle ha u
naxariistee Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim).
Waxaa maamulka Hoygani ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa
geeridan naxdinta leh.
HALKAN KA AKHRI "TAARIIKHDII ABWAANKA" |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Waa suugaan mujaahid oo micne
qoto-dheer ku fadhida. Aad baannu uga xunnahay inaanu soo saari
weyney codka abwaankan ka midka ahaa Mujaahidiintii SNM. Fadlan
noogu kaalmee inaad noo soo tebiso magaciisa oo buuxa. |
|
|
|
Mustafe
Sheekh Cilmi |
Waa qayb ka mid ah
maansadii abwaanka waddaniga ah ee Mustafe Sh Cilmi.
Abwaanku wuxuu suugaantiisa guud ahaan kaga warramayaa waayihii
xumaa ee Soomalidu soo martay mudadii 16ka sano ahayd ee
burcaddu isaga beddeshey. Suugaanta Mustafe waxa ku jira gabay
uu ugu magac daray "Ergo Soomaal" oo jawaab u ahaa niman
geeljirayaal ah oo waagii Afweyne dalka qasayey curiyey maanso
ay ugu magac dareen"Ergo Daarood. Waxay ahaayeen dad sharaftii
iyo milgihii qaran lahaa ku doorsaday qabiil. Bal nala fiiri
Abwaan Mustafe oo dadkaa hallaabay wax tusaalaynaya. |
|
|
|
|
|
XAAJI DALLAAYAD |
Xaaji
Maxamed Guuleed "Dallaayad", Ilaahay ha u raxmadee, wuxuu ka
mid ahaa abwaaniinta Soomaalida ugu magaca iyo |
maamuuska weyn. Xaajiga oo qiyaasta dhashay xilli u
dhaxeeyey 1900 - 1905 tii wuxuu lee yahay murti aad u badan
oo meelmar noqotay hayeeshee inteedii badnayd waayuhu
dabooleen oo aan la haynin.
Xaajigu wuxuu caan ku ahaa oo Soomaalidu ku tiqiin
gabay-guhaanka oo aan cid sidiisa wax ku naafaysay illaa
hadda la hayn. Xaajiga oo "Tuf iyo karaamo" Eebbe siiyey
dadka iskama guhaami jirine ninkii dadka looga taag waayo
ayuu Ilaahay idamkiis awaadhi jirey marka uu damco inuu qof
yoolka saarona,Ilaahay idamkiis, waa la arki jirey. Waxa
suugaantiisii cabsidu ku dheehnayd ka mid ahayd abhis iyo
digniin uu dadka intooda dhibka badan ku baqo gelinayo.
Sida hororka buuraha galee wax isku
haameeya,
Halkan riix |
|
|
|
|
|
Cige Jama & Qoob Adhiile |
Cige Jaamac oo Cige "Dameer" lagu naanaysi jirey iyo Warsame
"Qoob-Adhiile" oo ka soo wada jeeday
degaanka |
Woqooyiga Hargeysa waxa dhex maray silsilad gabayo
ah oo muddo badan jiitamaysay. labadan afmaal oo ka kala
tirsanaa beelaha Bah Gobo iyo Reer Xaamud waxay xurguftoodu
ka bilaabantay nin labada reer ku kala dhintay oo qolo
magtiisii inay baxshaan gaashaanka u daruurtay. Halkan ka
sii akhri inta nooga suuragashay suugaanta labada abwaan
dhexmartay oo aannu idiin soo gudbin doonno.
Riix |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|