| |
Ina Jadeer & Xirsi
Boqon
Xirsi Boqon iyo ina Liibaan Jadeer waxay noolaayeen
badhtamihii qarnigii 19aad. Labada abwaan waxay leeyihiin
silsilad gabayo ay is weydaarsadeen maraaxiil kala duwan.
Xirsi & Muxumud Liibaan Jadeer noloshooda miyiga waxa u
dheerayd inay ahaayeen rag aan magaalada ka madhnayn, Xirsi
Boqon oo Berbera oo geyigaba u bender ahayd joogaya ayaa loo
sheegay inuu Ina Jadeer magaalada imanayo. Xirsi oo
tijaabinaya afmaalnimada iyo xigmadda Eebbe ugu deeqay Muxumud
Liibaan ayaa yidhi markuu yimaaddo Ina jadeer ee isa soo taago
ayaan u gabyayaa. Xirsi wuxu sii saadaaliyey in markuu gabyo
haddii uu ina Jadeer yidhaahdo waan fadhiisanayaa oo aanu
gabayga ka jawaabin markiiba inuu ka badin doono isagu;
Waxa gabaygii Xirsi ugu gooddiyayey Ina Jadeer ka mid ahaa;
Wiyil lama ragaadshoo naftaa lagala
rooraaye
Aar lama rogaanrogo hadduu raari jiifsado'e
Maroodiga ninkii riix yidhaa waanu ridihayne
Badda uurka iga reemi baa ruuxa kaa jari'e
Muxumud Liibaan jadeer isla markiiba isagoon dhannaba eegin
ayuu ka jawaabay gabaygii.
Gabaygaa jawaabta ah oo aannaan hayn waxa ka mid ahaa;
Wiyil lama ragaadshoo naftaa lagala
rooraada
Hadaanaan rakadin mayadaa raxanka noo keentay
Aar lama rogaanrogo haduu raari jiifsadayda
Rabbi nama cadaabee warmaha raabax kaga yeelnay
Badda uurka iga reemi baa ruuxa kaa jarida
Sow waxaa....................... raaf ka marin maaha
|