|
|
 |
|
 |
| |
| |
| |
Minjo yaa na le'eg (Ma sana, Ma dhamma)
Saalax
Laydiray (HY)
Saalax laydiray wuxu noolaa 1880-1950kii, "Laydiray" waxa logu
bixiyay Gabay badnaanta, waxa lagu yidhi waar Saalax maad
gabayga iska daysid , markaasuu ku jawaabay "Maxaan daayaa
waaba laydiraye".
halkaas ayay naanaysta "LAYDIRAY" ka raacday.
Gabayganu waa gabaygii uu tiriyay Saalax 1923
kuna magac dheeraaday "Again H.Y" waxa la yidhi ninkii
wax ka qaba gabayga Saalax gabay hakaga soo jawaabo. Gabayga
Wuxu ka mariyay dhowr meelood oo layskugu yimi. Wax ka soo
Jawaabay ama dood ka dhiibtay gabaygaas maan maqal.Gabayga ma
dhamma
Maydh Xiis magaalada Xarshaw maakhir
gudaheeda
Malkada saaxil laga soo galiyo Awdal midigteeda
Meeshiyo Ogaadeen dagmada laysu wada muujay
Minjo yaa na leeg hadii la isu midho sheegto
Mataanaha ceelka Burco waa lagama maarmaane
Gobanimadu moodkeedu waa mood? nin loo yidhiye
Maanlaawe baa u leedihiin maydhaxdii boqore
Ayaa midigta nala dhaafay ee idinku maamuusay.
Warsangaliga maaraha sitee nabad la mooodaayo
Dhulbahantaha musiibada qabiyo Muuse lays eedye
Ayaa Hartigii maanicay idilku idinma muusayne?
Muranka Isaaq simanyahay waa maadda suuqyade
Meel adag hadaanan ka dhalan lama maqnaadeene
Muruqiina kuma haysateen maalin galinkeede
Noogu mahad naqa geelayaga nalagu maalaayo.
|
|
|
|
 |
|
 |
|