Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Saalax Max'd (Saalax Laydiray)

  HY - Sacad Yoonis

Somali Poetry

Nin majeerteen ah baa Suldaan Keene-diid ku yidhi "Ninkan Saalax arlada Isaaq lagama yaqaan ee iska hubiya". Markasuu yidhi saalax :



Waabeyda teeda qadhaadhee
Qooshanoo la haddeeyay
Dhab ma loo qudh qudhshaa

Qol rasaasi ka buuxdo
Qarxayoo la arkaa
Qun maloo hagayaa

Libaax waayo qadooday
Maalintii tulud qoomay
Qayla roorkii ku yaacay
Qudhuu sheegtay dagaal
Qun usoo kadalooba
Qanaantiis la dhacaaya
Qayd ma loo guntadaayoo
Ma lasoo qabsadaa

Qaran ma,aha tolkaa oo
Maalintuu qolo maago
Qiyaamaha la mid ma,ahoo
Rag ninkay is qabtaanba
Qun yar sow ma muquunshoo
Ma loo qaadanayaa

Afartaa hal qorsheeyayoo
Qatimoo iska dhaafayoo
Qodob wayga su,aale

Nin shareecada qaatayoo
Qaariyoo ku wadaadoo
Qawlka eebbe rumeeyay
Qamro fuud isku kaaja
Qaa'in aan cabsanayn
Horta meysu qalmaan

Deeqsigii qummanaa oo
Quudhsanaayey adduunkoo
Aan Qaadineyn islaam oo
Qara weyne bakheyloo
Qandharaan halna dhiibinoo
Qarsanaaya wixiisa
Horta meysu qalmaan

Gaarridii qurux lehoo
Qaboow oo edebsanoo
Qoyskeedii hantidoo
Goombaartii qaawanayad ee
Aan dharka qaadan aqoon
Qasaaleynin nafteedoo
Quullahaa ka madoow oo
Qilaafeysa ninkeeda
Horta meysu qalmaan


Nin qasaaro ka daal ahoo,
Qaac rasaas iyo dhiig iyo,
Qalalaas walba joogayoo,
Qaatil oo la yaqaan,
Niman qayliyo yuusoo,
Qax indhaa wali saarrin,
Intay gaaladu qaaday,
Qoorigaba aan dhaafin,
Horta meysu qalmaan


Nin Qabiil dhalada,
Qawlkiisu ku yaalloo,
Ku qaddiimi ahaa,
Qarsanoo la yaqaan iyo,
Nin haddeer qabsanaaya,
Aan qoladiis la aqoon,
Horta meysu qalmaan


M A Q A L

  More

  More

  More

 

 































Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com