Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 Saalax Max'ed (Saalax laydiray)

  Sacad Yoonis - HY

Somali Poetry

Gabaygan qiimaha leh wuxuu Saalax u dirayaa Majeerteen oo xilli kan ka sii horreeyey marti qaaday xidhiidhna uu ka dhexeeyey

 


Xasanoow arlada Hoobiyaad, aad is leedahay
Ayaan iyo labaa kaaga hadhay, imitinkii mayle
Waa amar Ilaah iyo shil yimid, waxaad ku ooshaaye
Ammana Alla faataxana waan, kuu akhriyayaaye
Jidka oday iyo habar aan wax dhimin, kaaga dhig Ilaahe

Aftidaan ku sii taarto, iyo weri akhbaarteyda
Oo kulan akhyaarta is waddiyo, urur ka faahfaahi
Oo hadalkan caynkaan ku idhi, meel haka ilaawin
Axmed iyo Suldaan arag iyo arayihii Muuse

Ismaa'iga arbacata cashar a, iyo boqolka aayaadka
Iyo wuxuu igu soo aftiray, alif salaamaad dheh
Ha eedina ayaamaha jimciyo, billaha Iideed dheh
Ha arkina abaar iyo col, amase eedaad dheh
Halka oogadiina ah cirkana laga irmaanee dheh.

Alafaad la’aan tashigu, kiin isugu ool dheh
Ahmin wanan ah awr goola, iyo dibi abeerowday
Alif daba, askara saama, iyo oodan laga aafin
Ilaahay ka hela xaajadaad ugu axdaataane.

Mid orda, mid oogada mara, iyo aradka kii jiifa
Iftiinsade alleylkii gudoo, goor walba ugaadha
Ka adkaada uunkoo dhan sida arnaa'uud dheh.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com