More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Axmed Colaad "Qorane"
Ciidagale Xuska Abwaannada



"Xuska abwaannada" waa gabay xusaya abwaannadii Soomaaliyeed ee tiirka u ahaa suugaanta Soomalida. Inkastoo abwaannadu wax gabay lagu koobo ka badan yihiin, hayeeshee ma arag gabay tiroba 90 gabyaa tix keliya ku falanqeeya. Abwaanku wuxuu gabayga ka sokow mid walba gaar uga sheekaynayaa abwaannada uu gabaygiisan ku xusay. Gabaygan qiimaha leh soo sax, cajaladdihiisana (Vol1&2) noo soo dir haddaad hayso.

1. Axmedoow muddaan ka hadhanaa, hawlihii gabaye
2. Ma haweysto maansada haddaan, waayo hayn jiraye
3. Waxaan sabanka uga haayiraan, kuu hawalayaaye.

4. Haweenkii buraanburi jiriyo, dhaantadiyo heesta
5. Iyo niman haiwadahoo sidii, sebi hadaaqaaya
6. Iyo qolada heellada tuntuu, heer la joogsadaye.

7. Afkase waxan higaagaba marbuu, hilayga diidaaye
8. Halka iyo hiraabtii xaliyo, hadhimadii maanta
9. Wax i huriyey mooyee qalbigi, soo hadh geli waaye.

10. Ragga haatan joogee murtida, u hanqal taagaaya
11. Iyo odayadeennii horee, iilka lagu hooyey
12. Hal abuurka Soomaliyeed, niniyo heerkiise.

13. Hawraarta maansada haddaan, hab uga faalloodo
14. Hadna uma sinnayn aadamuhu, taniyo Haabiile
15. Raguunbaa hoggaanka u hayoo, loo hanayn jiraye.

16. Haddiise maanta weel loo heloo, Haamo laga dhaanshey
17. Waa niniyo hayntiye markay, hibato laabtaadu
18. Hadal iyo hilbaba waa inay, kala hufnaadaane.

19. Mana hagaagto xaajadu haddaan, loo horbaxantayne
20. Hadhuubkiisa oo madhan ninkii, faraska heenseeyey
21. Hanfigiyo dabaylaha dhacuu, ku hafan doonaaye.

22. Sidii heego roob iyo cirkoo, halalaclaynaaya
23. Hordhac iyo han buu leeyihiyo, qaar hadoodilane
24. Halka ararta lagu hooriyaa, lagu hagaagaaye.

25. Ninnase gabayga iib kuma helee, waa hiddo-aroore
26. Intii hurinta Biibiisidiyo(BBC), hebel u baaqaayey
27. Kumanyaal dihaal ka hadliyaa, soo hanbaabiraye.

28. Wax waliba hu buu leeyahoo, lagu hagoogaaye
29. Heeryada siday uga rogeen, habaqlihii yaacay
30. Haydaarto badan bay faleen, hadise maayaane.

31. Hormadaa halkaasaan dhigee, ha iyo sheeggay dheh
32. Hujuunkii Ugaaskiyo [1] Khaliif [2] , halabsigii Shaacir [3]
33. Helimayno weedh lagu hirtiyo, halisti Iidaane [4].

34. Hagaag laysu waajahay haddii, gole la heedaamo
35. Hormuudkii Cabaade [5] iyo Nuur [6] , ma hadhadii Jaamac [7]
36. Iyo waxa haloosiyi ogaa, Badhiyo [8] Heebaane [9].

37. Hiladii Cayuuniyo [10] Xirsiyo [11], hanayihii Caabi [12]
38. Cawadoo [13] ayaantu hollado, la hunguraynaynin
39. Helimayno Ina Beenaliyo [14], hoygi Cali Jaare [15].

40. Hubkii Ina Cabsiiye [16] iyo Carab [17], hadhici Jaajaale [18]
41. Bucul [19] iyo Cismaan Haayiray [20] iyo, hanaddadii Awdal
42. Hudle [21] iyo hankararkii Xayiyo [22], ma hayo Liibaane [23].

43. Axmedkii [24] sidii Haro biyo leh, lagu hagaagaayey
44. Hodaarkii Indhooliyo [25] Afgaab [26], Camanjihii hoyday [27]
45. Heli mayno Cali Geelle [28] iyo, higilki Qoorleexe [29].

46. Habaarkii Dallaayad [30] iyo Xuur [31], halakadii Ciise [32]
47. Higtii Weerar [33] iyo Caamiriyo [34], erayadii huube [35]
48. Hankii Ina Galaaliyo[36] Cabdiyo[37], lama hurii Feetin[38].

49. Hootada Ducaalii [39] Carrabey, beri ku haareeyey
50. Cilmigii [40] jacaylku halligee, Hodan u geeryoodey
51. Iminkaa higgaadduu ka tegey, laga hal qaataaye.

52. Hannaankii Gahayriyo [41] Salaan [42], himiladii Raage [43]
53. Ma habrade Aflow [44] iyo Jadeer [45], hoga-galkii Saahid [46]
54. Heli mayno Aw Yuusufkii [47], heegankaw galaye.

55. Hanqadhkii Darwiishka [48] iyo Dhuux [49], hadiyaddii Qawdhan [50]
56. Haldhaa [51] iyo Xarbiyo [52] Tarabbi [53] iyo, hoga-tuskii Aadan [54]
57. Hoggaanshii Gabyaayaan [55] tebiyo, halawgi Baar-eege [56].

58. Halgaaddii Qamaan [57] iyo tixduu, Cali ku haaraamay
59. Halyeygii Casayr [58] iyo Xuseen [59], hubantidii Faarax [60]
60. Heli mayno hilinkii Cigiyo [61], hogoshi Laanjeere [62].

61. Boqorkii filkii inuu hantiyo, ku hindisoonaayey
62. Halxidhaalihii lagu dhuftiyo, hadimadii gaadhay
63. Heli mayno maahmaah hadhiyo, hadalki Wiilwaale [63].

64. Hurre [64] iyo Gammuute [65] iyo Xoog [66], halabadii Saalax [67]
65. Hoobaanta Cumarkii [68] ka tegey, laga hammuun beelo
66. Halgamii Ismaaciil Miriyo [69], maqashe Haabiile [70].

67. Sidii Aar hamaansaday markuu, laabta ka hingoodo
68. Hiyigiyo Shucuurtiyo codkii, haadda kicinaayey
69. Haasaawihii Timacaddaan [71], hibanayaa qaare.

70. Hurdankiyo hanboorriga haddii, rag isu haaneedo
71. Markuu fule huluulaha galee, soo hadhgali waayo
72. Cabdillaahi [72] baa hanan jiriyo, hanadki Guuleede [73].

73. Hilkii Ina Gardaase [74] iyo Dage [75], horumarkii Quulle [76]
74. Halkuu Ina Faruur [77] Murtida, hore u gaadhsiiyey
75. Nin kastoo naftiisa hawiraa, haaban kari waaye.

76. Hoggii Maxamed Nuuriyo [78] Canbiyo [79], heedhe Ina Beyle [80]
77. Ma halmaamin Maxamuud Caliyo [81], Haarigii Fadale [82]
78. Waxa maanta loo hadal hayee, looga hadhi waayey
79. Herer iyo Burcoba waa raggay, ugu hanweyneyde.

80. Hohdii Cali Sharma'arkiyo [83] godkuu, Halac ka liishaamay
81. Hillaacii Baxnaaniyo [84] Afey [85], halasihii Yawle [86]
82. Siduu Cige Baraar [87] u hanjabee, kabacadaw heeray
83. Wax badanbay la heed-heetiyeen, hawshi berigiiye
84. Iyagays halleeyee sidii, uma habseeyeene.

85. Hinnig [88] iyo waxaan hibanayaa, hadalki Nuur Jiire [89]
86. Hulkii Maxamed Xaashi [90] iyo Dacar [91], hanadki Aw Jaamac [92]
87. Geyigeenna waa laga hayaa, heeddi Ina Baare [93].

88. U hadaafe aakhiro raggii, hawlkarka ahaaye
89. Halkanna caawa kuma koobi karo, qaar kalaa hadhaye
90. Hanbalyiyo salaan baan u diray, hadiyad waayeele.

91. Hayeeshee waxaan la hinqadoo, hadalka ii geeyey
92. Hawd iyo Hargeysiyo Togdheer, hilinka Laascaano
93. Hobyo iyo Nugaal hoose iyo, Haaman iyo Doollo
94. Hoosada Sanaag iyo Berbera, hogobbadii Awdal
95. Ka hayaantay maansadu dhulkay, hoyga ku lahayde.

96. In kastaan hoggaanshiyo Abwaan, hayna ka idlaannin
97. Weli ma hayo qaar la higsadoo, gala halkoodiiye
98. Hunguraan hantaatacahayaa, hoday dadkii qaare.

99. Halla maaha waxay qaar hadeer, ku hurdo seegeene
100. Sidii neef dhurwaa ku habsadoo, mici ku haylhaylay
100. Rag hubsiino badan baa jiroon, abid hilmaamayne
101. Suugaanta geeridu heshiyo, dacawga hiigaaya
102. Hadba waxan u saafaa ciddaan, sii huddo ogayne.

103. Afkuse hadal ma daayee hadduu, soo hirmaco uurku
104. Heeraabta nimankii horaa, laga hal qaataaye
105. Hanfadaa naftiisa hawiroow, hubucu waa ceebe.

106. Nin waliba wuxuu hidin kariyo, hadafka weedhiisa
107. Rag hubsiino badan baa jiroon, abid halmaamayne
108. Wayse dhaqan habaabeen dadkii, goolka hayn jiraye.

109. Ninkii gabayga kala haadiyee, hibada loo siiyay
110. Hablihiyo markii hooballada, laga horraysiiyay
111. Hirwo kama duwana maansadii, haybadda lahayde.

_________________________________________
[1] Ugaas Nuur Ugaas Rooble ( Gudabiirsi )
[2] Cabdi Khaliif ( Habar Awal )
[3] Aw Cabdi Shaacir ( Arab )
[4] Cabdi Iidaan Faarax ( Arab )
[5] Cabaade Geelle ( Ciidagale ) waana ninkii ku jiray silsiladii Miyi iyo Magaalo ee matalay dhinaca miyiga.
[6] Nuur Laangadhe ( Ciidagale ) waana ninkii lahaa gabaygii ( Afmiishaar iyo Gidhish ).
[7] Jaamac Xiid
[8] Hurre Badhe-tuug ( Habar Awal )
[9] Heebaan ( Habar Awal )
[10] Cayuun ( Ciidagale )
[11] Waxan u malaynaynaa Xirsi Caamir  (Habar Yoonis)
[12] Caabi Nuur ( Ciidagale )
[13] Cawad Qamaan ( Ciidagale )
[14] Maxamed Cali Beenaley (Ogaadeen)
[15] Faarax Cali Jaar ( Ciidagale ) waxaanu ahaa gabayaa weynoo togga Hageysa iyo nawaaxigiisa laga yaqaanay.
[16] Xirsi Cabsiiye ( Ciidagale )
[17] Aadan Carab ( Dhulmahante )
[18] Aadan Jaajaale ( Ciidagale ) Waxay tixa badan is weydaarsadeen ninkii la odhan jiray Xuseen Xasan Iyo Faarax Nuur labadaba.
[19] Cali Bucul ( Gudabiirsi )
[20] Cismaan Haayiray ( Habar Jeclo )
[21] Xuseen Hudle ( Ogaadeen )
[22] Xaye Galaydh ( Ciidagale )
[23] Aw Muxumud Liibaan ( Ciidagale )
[24] Axmed Tafe ( Ciidagale ) Abwaan Qaran Wuxuu ALLE haw naxariistee ahaa nin weyn oo soomaaliyeed wuxuu lahaa gabayo badan oo soomaalida iyo wadaniyadaba ku taageero.
[25] Cismaan Indhoole ( Habar Yoonis )
[26] Afgaab soo sheeg.
[27] Camanje ( abasguul )
[28] Cali Geelle ( Arab ) Ninkan iyo kan ka horeeya waa labadii nin ee lahaa silsiladii Abasguul iyo Isaaq.
[29] Qoorleex ( Ogaadeen )
[30] Xaaji Dallaayad ( Habar Yonis, Isaxaaq )
[31] Jaamac diiriye-Xuur ( Ciidagale )
[32] Ciise Cigalle ( Ciidagale )
[33] Weerar ( Habar Yoonis )
[34] Xirsi Caamir ( Habar Yoonis )
[35] Huube (Habar Yoonis)
[36] Xaaji Muuse Galaal ( Habar Jeclo )
[37] Cabdi Fadal ( habar Jeclo )
[38] Feetin Max'ud Shirwac (Ogaadeen)
[39] Ducaale Dheere ( Dhulmahante )
[40] Cilmi Boodhari ( Ciidagale )
[41] Cabdi Gahayr ( Ciidagale )
[42] Salaan Maxamed ( Habar Jeclo )
[43] Raage Ugaas ( Ogaadeen )
[44] Ismaaciil Xayd Xirsi "Aflow" (Habar Awal)
[45] Muxumad Liiban Jadeer ( Habar Awal )
[46] Saahid Qamaan ( Ogaadeen )
[47] Aw Yuusuf Barre ( Ogaadeen )
[48] Ina Cabdulle Xasan ( Ogaadeen )
[49] Cali Dhuux A Gorayo ( Dhulmahante )
[50] Qawdhan Ducaale ( Ciidagale )
[51] Haldhaa Bullaale ( Ciidagale )
[52] Xarbi Ismaaciil ( Ogaadeen )
[53] Xasan Tarabbi ( Ciidagale )
[54] Aadan Hurre (Ciidagale)
[55] Cismaan Gabyaaye ( Habar Awal )
[56] Cismaan Aadan Dibi (Habar Jeclo) waa ninkii lahaa "Daarood siduu beri ahaa loo dad-qalatowye.
[57] Qamaan Bulxan ( Ogaadeen )
[58] Casayr ( Ciidagale )
[59] Xuseen Xasan ( Ciidagale )
[60] Faarax Nuur ( Arab )
[61] Cige Aw Cali ( Habar Yoonis )
[62] Faarax Laanjeer ( Habar Jeclo )
[63] Garaad Wiilwaal ( Bartire )
[64] Cabdi Hurre ( Ciidagale )
[65] Max'd Cabdulle Cali "Gammuute" (Habar Jeclo)
[67] Saalax Laydiray ( Habar Yoonis )
[68] Cumar Ustareeli ( Habar Awal )
[69] Ismaaciil Mire ( Dhulmahante )
[70] Cali Jaamac Haabiil ( Habar Awal )
[71] C/Laahi Suldaan Timacadde (Habar Awal)
[72] Cabdillaahi Muuse ( Habar Yoonis )
[73] Guuleed Dhoolayare ( Habar Yoonis )
[74] Ina Biixi Gardaase ( Arab )
[75] Maxamed Cumar Dage (Ogaadeen)
[76] Quulle Indhoole ( Habar Yoonis )
[77] Ismaaciil Nuur Faruur-Buur ( Ciidagale )
[78] Maxamud Nuur Fadal ( Habar Jeclo )
[79] Caydiid afcanbe ( Habar Jeclo )
[80] Abokor Cawad Beyle ( Habar Jeclo )
[81] Maxamed Cali Fadal ( Habar Jeclo )
[82] Cabdi Fadal ( Habar Jeclo )
[83] Cali Sharma-arke ( Majeerteen )
[84] Samatar Baxnaan ( Dhulbahante )
[85] Faarax Afey ( Ogaadeen )
[86] Maxamed Aadan Caws (Habar Yoonis)
[87] Cige Baraar ( Ciidagale )
[88] Cabdillaahi Hinnig ( Habar Jeclo )
[89] Nuur Jiir ( Ogaadeen )
[90] Maxamed Xaashi (Ciidagale)
[91] Dacar ( Habar Awal )
[92] Aw Jaamac Gacanlow ( Habar Awal )
[93] Ina baar ( Ciidagale ).


Raga gabayga ku xusan qaarkood waa Abwaano geyiga soomaaliyeed oo dhan ka caan ah halka qaar kale gobollada badhkood laga yaqaano kuwo kalena gobollada ay u dhasheen oo qudha alaga yaqaano.Waxa kale oo ka mid ah Abwaano aan dadku magacyadooda aqoon aada u lahayn gabayadoodana halqabsi laga dhito murtida ku jirta awgeed sida kuwan.

[7]
Jaamac Xiid: Wuxu laha mar uu Balool oo carrooyinkaa gaalada joogay:
[24]
Axmed Tafe: Wuxuu lahaa mar uu soomaalida guubaabinaayay:
[31]
Jaamac diiriye-Xuur: Waxa ka mid ahaa gabaygiisa:

Adduun waa hadh labadasiisa galin,waana la hubaaye.
Maantaa faqiir la hojiyaa,hodanna deegaaye.
Wax caleenta laga hoodhiyaa,geed hadoodilane.
Hal galgalatay waxa looga dhigay,yaan ninna u hadhine.


Waxa Kaloo ka mid ahaa murtidiisa:

Lixdan nimay u fooftiyo nimaan,layli raranaynin.
Nin labaatan wiilliyo nimaan,wali lammaanaanin.
Laalays nin fuuliyo ninki,lugo ku rooraaya.
Kol haddaan ninnaaba laasimayn,waxa u laacaaya.
Maxaan kaga lurmoodaa adduun,lumaya weeyaane
.

[32]
Ciise Cigalle: Waxaa ka mid ahaa erayadiisii:

Qabqab dhaafaybay laba qabiil,qaran ku weydaaye.
Qardoofiyo nimaan qaadanbuu,qabar ku duulaaye.
Qaabiilba Haabiil markuu,qoonsaduu dilaye.
Waataa qormaday noo mideen,qariyay doogiiye.
Ma haddaa qalbigu diidayaa,qoofkan dami waayay.


[37]
Cabdi Fadal: Waxa ereyadiisii ka mid ahaa:

Hadduu aamus doqoniimo dhalay,hadalna aafoobay.
Allow yaa wax lag eed baxoo,aada garanaaya.

[73]
Guuleed Dhoollayare: Wuxuu yidhi mar uu wakhtigu yar xumaaday:
Wakhtigay haye Jadamiyoow,kuma wareersheene.
Nin wanaag ku ceeshaba marbuu, waayir xidhayaaye.
Wadartii Ismaaciil Carriyo,waladdadii Muuse.
Habar Yoonis waagii horaan,waafi la ahaaye.
Maantana waraabaha ka ciya,wadhan ka liitee.
Anna yaan waxyeellada ka biqin,Waaxid ii qoraye.
Adna hay wadeecayn intaan,waadhka kula jiifo.


[77]
Ismaaciil Nuur Faruur-Buur: Waxa ka mid ahaa gabayadiisii:

Tagaabi ALLAA laga helaa,taliyo miisaane.
Tookh weeye aadmiga ninkii,tabac ku faanaaye.
Tuulaha magaaliyo miyiga,teeyo lagu maalo.
Haddii aan miduun tagi lahaa,tii kalaa maqane.
Tabantaabaday laba gacmood,tamar ku yeeshaane.
Hadday midigtu kali taagantahay,tahar ma goyseene.
Tiska waxa la qaadaa markay,tiirisaa bidixe.


[91]
Dacar: waxaaka mid ahaa dardaarankiisii:

Dhallaan iyo adoo reer u weyn,dhaaxa lama laayo.
Haddana kaan dhawaaqaaga maqal,looma wada dhaafo.
Dhalinyarada kula ayniga ah,lagama dheeraado.
Haddana kii dhabbada seegan ee,dhoohan lama raaco.
Ninkaan dhogortu kuu qaban karayn,laysma dhinac taago.
Haddana kaan waxbaba kuu dhimayn,dhiifti lama doono.
Haddana kaan sharciga dhawrinee,dhaafa lama yeelo.


 

Waxa saxay: Adan Handuleh Haiban (UAE)

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2009, Hoygasuugaanta.com