|
1. Axmedoow rag badanbaa ka hadhay,
hawlihii gabaye |
|
2. Ma haweysto maansada colkii, waayo
hayn jiraye |
|
3. Waxaan anigu uga haayiraan kuu
hawalayaaye. |
| |
|
4. Haweenkii buraanburi jiriyo,
dhaantadiyo heesta |
|
5. Iyo niman ……… hoose iyo, sebi
hadaaqaaya |
|
6. Iyo qolada heellada tuntuu heer la
joogsadaye. |
| |
|
7. Afka waxan higaagaba marbaan, hilayga
diidaaye |
|
8. Halka iyo hiraabtii xaliyo,
hadhimadii maanta |
|
9. Wax i huriyey mooyee qalbigi soo hadh
geli waaye. |
| |
|
10. Ragga haatan joogee murtida, u
hanqal taagaaya |
|
11. Iyo odayadeennii horee, iilka lagu
hooyey |
|
12. Hal abuurka Soomaliyeed niniyo
heerkiise. |
| |
|
13. Hawraarta maansada haddaan, hab uga
faalloodo |
|
14. Hadna uma sinnayn uumiyuu, taniyo
Haabiile |
|
15. Hadbase kii horseedka u baxaa loo
hanayn jiraye. |
| |
|
16. Haddiise maanta weel loo heloo,
Haamo laga dhaanshey |
|
17. Waa niniyo hayntiye markay, hibato
laabtaadu |
|
18. Hadal iyo hiddaba waa inay kala
hufnaadaane. |
| |
|
19. Ma hagaagto xaajadu haddaan, loo
horbaxantayne |
|
20. Hadhuubkiisa oo madhan ninkii, faras
ka heenseeyey |
|
21. Hanfigiyo dabaylaha dhacuu ku hafan
doonaaye. |
| |
|
22. Sidii heego roob iyo cirkoo,
halalaclaynaaya |
|
23. Hordhac iyo hal buu leeyihiyo, qaar
hadoodilane |
|
24. Halka ararta lagu hooriyaa lagu
hagaagaaye. |
| |
|
25. Ninna gabayga iib kuma helee, waa
hiddo-aroore |
|
26. Ninkii hurinta Biibiisidiyo(BBC),
hebel u baaqaayey |
|
27. Kumanyaal Jihaal ka hadliyaa soo
hanbaabiraye. |
| |
|
28. Wax waliba hu buu leeyahoo, lagu
hagoogaaye |
|
29. Debedaa siday uga rogeen, habaqlihii
yaacay |
|
30. Haydaarto badan bay faleen hadise
maayaane. |
| |
|
31. Afartaa halkaasaan dhigee, ha iyo
sheeggay dheh |
|
32. Hujuunkii Ugaaskiyo[1],
Khaliif[2],
halabsigii Shaacir[3] |
|
33. Helimayno
weedh lagu hirtiyo halisti Iidaane[4]. |
| |
|
34. Hagaag laysu waajahay haddii, gole
la heedaamo |
|
35. Hormuudkii Cabaade[5]
iyo Nuur[6],
mahadhadii Jaamac[7] |
|
36. Iyo waxa haloosiyi ogaa, Badhiyo[8]
Heebaane[9]. |
| |
|
37. Hiladii Cayuuniyo[10],
Xirsiyo[11],
hanayihii Caafi[12] |
|
38. Hawadooda ........hadloon, la
hunguraynaynin |
|
39. Helimayno Ina Beenaliyo[13],
hawdi Cali Jaare[14]. |
| |
|
40. Hubkii Ina Cabsiiye[15]
iyo Carab[16],hadhici
Gaagaale[17] |
|
41. Hugur[18]
iyo Cismaan Aadaniyo[19],
hanaddadii Awdal |
|
42. Hudle[20]
iyo hankaarkii Xayiyo[21],
ma hayo Liibaane[22]. |
| |
|
43.
Axmedkii[23] sidii Haro biyo leh, lagu hagaagaayey |
|
44. Hodaarkii Indhooliyo[24],
Afgaab[25],hanashihii......[26] |
|
45. Heli mayno Cali Geelle[27]
iyo, higilki Qoorleexe[28]. |
| |
|
46. Habaarkii Dallaayad[29]
iyo Xuur[30],
halakadii Ciise[31] |
|
47. Higtii Weerar[32]
iyo Caamiriyo[33],
erayadii hiille???[34] |
|
48. Hadhkii Ina Galaaliyo[35],
Cabdiyo[36],
lama hurii Geeddi[37]. |
| |
|
49. Hootada
Ducaalii[38], Carrabey, beri ku haareeyey |
|
50.
Cilmigii[39] jacaylku halligaye, Hodan u geeryoodey |
|
51. Iminkaa higgaadduu ka tegey laga hal
qaataaye. |
| |
|
52. Hannaankii Gahayriyo[40],
Salaan[41],
himiladii Raage[42] |
|
53. Ma hadhadi Aflow[43]
iyo Jadeer[44],
hoga-galkii Saahid[45] |
|
54. Heli mayno
Aw Yuusufkii[46] heegankaw galaye. |
| |
|
55. Hanqadhkii Darwiishka[47]
iyo Dhuux[48],
hadiyaddii Qawdhan[49] |
|
56. Haldhaa[50]
iyo Xarbiyo[51]
Tarabbi[52]
iyo, hoga-furkii Aadan[53] |
|
57. Hoggaanshii Gabyaayaan[54]
tebiyo, halawgi Baar-eege[55]. |
| |
|
58. Halgaaddii
Qamaan[56] iyo tixduu Cali ku haaraamay |
|
59. Halyeygii Casayr[57]
iyo Xuseen[58],
hubantidii Faarax[59] |
|
60. Heli mayno hanigii Cigiyo[60],
hogoshi Laanjeere[61]. |
| |
|
61. Boqorkii sidkii uu hantiyo, ku
hindisoonaayey' |
|
62. Halxidhaalihii lagu dhuftiyo,
hadimadii gaadhay |
|
63. Heli mayno
maahmaah hadhiyo, hadalki Wiilwaale[62]. |
| |
|
64. Hurre[63]
iyo Gammuute[64]
iyo Xoon[65],
hadhimadii Saalax[66] |
|
65. Hoobaanta
Cumarkii[67] ka tegey, laga hammuun beelo |
|
66. Halgamii Ismaaciil Miriyo[68],
maqashe Haabiile[69]. |
| |
|
67. Sidii Aar hamaansaday markii, laabta
ka hingoodo |
|
68. Hiyigiyo Shucuurtiyo codkii, haadda
kicinaayey |
|
69. Haasaawihii
Timacadde[70] yaan hibanayaa qaare. |
| |
|
70. Hurdankiyo hanboorriga haddii, rag
isu haaneedo |
|
71. Markuu fule huluulaha galee soo
hadhgali waayo |
|
72. Cabdillaahi[71]
baa hanan jiriyo hebelki Guuleede[72]. |
| |
|
73. Hirkii ina Gardaafe[73]
iyo Dage[74],
horumarkii Quulle[75] |
|
74. Halkuu Ina
....[76]Murtida hore u gaadhsiiyey |
|
75. Nin kastoo naftiisa hawiraa haaban
kari waaye. |
| |
|
76. Hoggii Maxamed Nuuriyo[77],
Cabdiyo[78],
heedhe Ina Beyle[79] |
|
77. Ma hilmaamin Maxamuud Caliyo[80],
Haarigii Fadale[81] |
|
78. Waxa maanta loo hadal hayee, looga
hadhi waayey |
|
79. Herer iyo Burcoba waa raggay ugu
hanweyneyde. |
| |
|
80. Hohdii Cali
Sharma'arkiyo[82] godkuu, halac ka liishaamay |
|
81. Hillaacii Baxnaaniyo[83]........[84]
halasihii Yawle[85] |
|
82. Siduu Cige
Baraar[86] u hanjabee, kabacadaw heeray |
|
83. Wax badanbay la heed-heetiyeen,
hawshi berigiiye |
|
84. Iyagays halleeyee sidii uma
hashleeyeene. |
| |
|
85. Hubkii Maxamed Xaashi[87]
iyo Dacar[88],
hanadki Aw Jaamac[89] |
|
86. Geyigeenna
waa laga hayaa, heeddi ina Baare[90] |
|
87. U hagaage aakhiro raggii, hawlkarka
ahaaye |
|
88. Halkanna caawa kuma koobi karo, qaar
kalaa hadhaye |
|
89. Hanbalyiyo salaan baan u diray
hadiyad waayeele. |
| |
|
90. Hayeeshee waxaan la hinqadoo,
hadalka ii geeyey |
|
91. Hawd iyo Hargeysiyo Togdheer,
hilinka Laascaano |
|
92. Hobyo iyo Nugaal hoose iyo, Haaman
iyo Doollo |
|
93. Hoosada Sanaag iyo Berbera,
hogobbadii Awdal |
|
94. Ka hayaantay maansadu dhulkay hoyga
ku lahayde. |
| |
|
95. In kastaan higaashiyo Abwaan, hayna
ka idlaannin |
|
96. Weli ma hayo qaar la higsadoo, gala
halkoodiiye |
|
97. Hunguraan hantaatacahayaa, hoday
dadkii qaare. |
| |
|
98. Nin walbaan wuxuu hidin kariyo,
halabka weedhiisa |
|
99. Rag hubsiino badan baa jiroon, abid
hilmaamayne |
|
100. Wayse dhaqan habaabeen dadkii
doodda hayn jiraye. |
| |
|
101. Halna maaha waxay qaar haddeer kuu
hurdo seegaane |
|
102. Hal-qaskiyo xatooyada murtida, ku
hodmi maayaane |
|
103. Afkuse hadal ma daayee hadduu |
|
104. Heeraabta nimankii horaa laga hal
qaataaye |
|
105. Hanfadaa hantaatacahayoow, hugucu
waa ceebe |
|
|
|
_________________________________________ |
|
[1] Ugaas Nuur Ugaas
Rooble (Gudabiirsi) |
|
[2] Xaaji Khaliif (Ogaden) |
|
[3] Soo sheeg |
|
[4] Cabdi Iidaan Faarax
(Arab) |
|
[5] Cabaade Geelle (Ciidagale) |
|
[6] Nuur Ducaale
Suldaan “Dhegacun” (Ciidagale) |
|
[7] Soo sheeg |
|
[8] Hurre Badhe-tuug (Habar
Awal) |
|
[9] Soo sheeg |
|
[10] Cayuun (Ciidagale) |
|
[11] Waxan u
malaynaynaa Xirsi Caamir (Habar Yoonis) |
|
[12] Soo sheeg |
|
[13] Max’ud Cali
beenaley (Ogaadeen) |
|
[14] Cali Jaar (Ciidagale) |
|
[15] Soo Sheeg |
|
[16] Waxan u
malaynaynaa Aadan Carab (Dhulmahante) |
|
[17] Nuux Gaagaale (Habar
Jeclo) |
|
[18] Soo Sheeg |
|
[19] Soo Sheeg |
|
[20] Xuseen Hudle (Ogaadeen) |
|
[21] Xaye Galaydh (Ciidagale) |
|
[22] Aw Muxumud
Liibaan (Ciidagale) |
|
[23] Waxan u filaynaa Axmed
Dirir N Qoolaab (Dhulmahante) |
|
[24] Cismaan Indhoole
(Habar Yoonis) |
|
[25] Soo Sheeg |
|
[26] Soo Sheeg |
|
[27] Cali Geelle
(Arab) |
|
[28] Soo Sheeg |
|
[29] Xaaji Dallaayad
(Habar Yonis, Isaxaaq) |
|
[30] Soo Sheeg |
|
[31] Waxan u filaynaa
Ciise Demesh (Habar Jeclo) |
|
[32] Weerar (Habar
Yoonis) |
|
[33] Xirsi Caamir (Habar
Yoonis) |
|
[34] Soo Sheeg |
|
[35] Waxan u filaynaa
Xaaji Muuse Galaal (Habar Jeclo) |
|
[36] Soo Sheeg |
|
[37] Soo Sheeg |
|
[38] Ducaale Dheere (Dhulmahante) |
|
[39] Cilmi Boodhari (Ciidagale) |
|
[40] Cabdi Gahayr (Ciidagale) |
|
[41] Salaan Maxamed (Habar
Jeclo) |
|
[42] Raage Ugaas (Ogaadeen) |
|
[43] Ismaaciil Xayd
“Aflow” (Habar Awal) |
|
[44] Muxumad Liiban
Jadeer (Habar Awal) |
|
[45] Saahid Qamaan (Ogaadeen) |
|
[46] Aw Yuusuf Barre (Ogaadeen) |
|
[47] Ina Cabdulle
Xasan (Ogaadeen) |
|
[48] Cali Dhuux A
Gorayo (Dhulmahante) |
|
[49] Qawdhan Ducaale
(Ciidagale) |
|
[50] Soo Sheeg |
|
[51] Xarbi Ismaaciil
(Ogaadeen) |
|
[52] Xasan Tarabbi (Ciidagale) |
|
[53] Aadan Hurre (Ciidagale) |
|
[54] Cismaan Gabyaaye
(Habar Awal) |
|
[55] Cismaan Aadan
“Guniyobaareeg” (Habar Jeclo) |
|
[56] Qamaan Bulxan (Ogaadeen) |
|
[57] Casayr
(Ciidagale) |
|
[58] Xuseen Xasan (Ciidagale) |
|
[59] Faarax Nuur
(Arab) |
|
[60] Cige Aw Cali (Habar
Yoonis) |
|
[61] Faarax Laanjeer
(Habar Jeclo) |
|
[62] Garaad Wiilwaal (Bartire) |
|
[63] Cabdi Hurre (Ciidagale) |
|
[64] Max’d Cabdulle
Cali “Gammuute” (Habar Jeclo) |
|
[65] Soo Sheeg |
|
[66] Saalax Laydiray
(Habar Yoonis) |
|
[67] Cumar Ustareeli (Habar
Awal) |
|
[68] Ismaaciil Mire (Dhulmahante) |
|
[69] Cali Jaamac
Haabiil (Habar Awal) |
|
[70] Cabdillaahi Suldaan
Timacadde (Somali) |
|