Q O R A A L

 

Gaabsada afkiinna

Annaga Saatirkay

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Aw Cilmi Ducaale Yuusuf (Basanbur, Biciide, HJ)



Gabaygan qiimaha leh waxa tiriyey abwaankii weynaa ee Aw Cilmi (IHUN) oo ka sheekaynaya nimcooyinka Eebbe aadanaha kale dheeraysiiyey.


 Saatirkay uumiyaha naga sarraysii

Ilaahii sameeyee khalqay, baan uumiyaa simine
Labadii salaad wada tukada, sadar midbaa dheere
Saraakiisha Gaalada cad, baa qaar sabool yahaye.

Annaga Saatirkay uumiyaha, naga sarraysiiye
Sariiraa cagaa leh, iyo furaash, kuma sardhayneene
Sanaaduuqda kama buuxsanneen dhar iyo saabuune

Ooryaha Suldaannadu dhaleen iyo suur ma guraneen
Samatar iyo Waadhowr xarrago, kama sinnaaneene
Siraad nooma kaaheen markuu, saamac daakiro'e
Burka sixinta lagu soo dubiyo, sarar la geedeeyey
Sooryada wan weyn iyo bariis xidid ma siinneene.

Haddaanaan Saldanadii ahayn, sidig ma maalleene
San-nirgood, suryada Uubaley, sulub ma daaqdeene
Seeree Biciiduhu Nugaal, sabarradeediiye
Saryan iyo wixii cawl fadhiyey, wiilal baa sugaye
Siidhiga baxaayiyo dabkaan, sawjar aamminine
Maantana wax sahan loogu diray lebi sagaalaade.

Samane iyo Nuux Maxamed, seedda Cumaroo dhan
Sir magaalo, suudh iyo xariir, saamic iyo qaari
Si loo dhigo Uduruxmiin xumaan, saxarle loo waaye
Soomaaliliin baannu nahay, Sugulleheediiye
San-ku-neeflihii nala murmoow taadu soconmayso."































M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com