Q O R A A L

 

Gaabsada afkiinna

Annaga Saatirkay

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 




Aw Cilmi Ducaale Yuusuf (Basanbur, Biciide)

Ilaahay ha u naxariistee Aw Cilmi Ducaale wuxuu ka mid ahaa gabyaagii waaweynaa, siiba suugaanyahannadii safka hore ee Gobolka Sanaag. Abwaanku wuxuu gabyayey sannadihii afartameeyadii illaa lixdameeyadii qarnigii tegey. Suugaan badan kama hayo se inyar oo sawir ka bixinaysa balaaqadiisa gabay ayaan idin la wadaagi:

Aw Cilmi waxa laga hayaa:

"Annaga Saatirkeen uumiyaha naga sarraysiiye
San-ku-neeflihii nala murmoow taadu socon mayso"

Aw Cilmi oo la hadlaya nin Dooddi la odhan jirey:

"Warsangeli ragiinnuu deldelay , waa la duudsiyaye
Maxaad Dooddi deelqaafkayaga, uga danbayn wayday
Dabka iyo lagaa roon faraa, laysku daafaco'e
Ma diyaaradaa leedihiin, duula yaabbaniye."

Waagii hore qabiilooyinku isku martabad iyo maqaam ma ahayne isagoo mar kale qoladaa la hadlayana wuxuu yidhi;

"Sidii niman gudboonbaad haddeer, noola gurantaane
Gaabsada afkiinnaa marbaw go'i lahaydeene."

Dagaalkii sokeeye ee HJ & HY badhtamihii qarnigii tegey ayaa HY Bari gaadhi ay hub ku soo qariyeen oo galbeed u socda ayaa reerka Aw Cilmi ka dhashay qabteen;

"Haddaan dunida heesa xun iyo haybta laga deynin
Oo Habar Magaadlaannu nahay, Herer la gaadhsiiyo
Halow baa indhaha idinka mari waana la hubaaye."

Marna gabadh uu u hanweynaa ayaa qolo uu dhaliilayey guursadeen markaasuu yidhi:

"Maryaneey guduudane ma cuno, geelka weynaha'e
Garanuugta kama liidataan, sool u geedida'e
Iyaduba halkaan geed ka xigin, waa ka gudubtaaye

Geyaankii isaaq oo dhan baa, geesta kaa xiga'e
Gaaraa-bidhood iyo genbibaa, gubanku yeeshaaye
Ma gudoodi baad ceel ku tegi, gabadh adoo haysta
Ma nin go' iyo shaadh cawlan leh, baa gaadhka kula seexan

Googarad ammaano ah miyaa, gubato kuu laacdey
Durba labba galleydii miyaa, lagula soo gaadhey.
Ma galaas jinni'ay kuu dareen giniyadii beenta.
"





M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com