Written(Qoraal)

  Mawd Qarsoon

  More

  More

  More

  More

  More

 
     
 
Audio (Maqal)

  Cagdheer

  Is-Hubsada

 Mawd Qarsoon

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Axmed Aw Muxumad

 

 
 

  Arab Sh Isxaaq

  Mawd qarsoon

  Nin Qurjiile ah oo gabay-canjilka yaqaan ayaa intii aan colaaddii "Haye" dhicin ku buraanburay erayo ay ka mid ahaayeen.
i
idoorka qalalaasayoow qaata amarkayga

Markii dagaalkii dhacay ee guutooyinkii Afweyne, Dhulmahante iyo Daaroodkii ay cagaa ku wateenba dhawr jilib oo HJ ahi cagta mariyeen ayuu abwaanku gabaygan tirshay isagoo tixraacaya buraanburkii ninka dhulmahante oo malaha markuu arkay in hubkii iyoo Ciidamadii Qaranka lala hareer taagan yahay ku naalooday in uu guul aanu ab u lahayn hantiyi karo. Waxa caddaatay in inkastoo Daayeer uu Habar-Dugaag oo dhan shiriyo oo wuxuu tab iyo xeelad hayaba madasha keeno inuu sed Libaax sun ka yahay. Waxay arrinkani ina xasuusinayaa gabaygii Abwaankii weynaa ee Maxamed Nuur Fadal uu lahaa;
Bulbulloow Libaax iyo Dawaco boower kala roone
Haddii uu bulxamo Aarku waa bili cuslaadaaye
Waxan nahay rag lagu beegi jirey boqol ninkoodiiye


Abwaanku wuxu gabayga oo arartiisu aysan dhammayn ku bilaabay sidatan;

........

Meeshiyo anoo qaydleh baan qaari ku ahaaye
Qalin-duurrayaashaan afxumo qaladba moodeyne
Qurux maleh nin caytamay sidii dumarka qaarkiiye
Iga qoro qasiidooyin baan kuu qaddimayaaye

Aduunyadan qaskiyo weerarkiyo qaxarka loo uumay
Ee qaboowga loo diiday ee laysku qalanaayo
Ninkii gelin qadeeyaba waqtigan qoolka gelinaaya

Waataan qabkaagii ku idhi yuu qar kaa ridine
Waataan qasaaraha ku idhi qoorta haw dhiganne
Waataan xumaan kaa qabtiyo qoomihii hore'e

Waataan cajlado kuu qatimay waano qiiro ahe
Waataan hawada qaadday idhi qaaradaa mariye
Qasdigaygu waa tuu ahaa nabadda qiimeeye

Naf uu qaamudkeedii galaan qabarba faallayne
Raggii qayladaadii ku kacay waakuwaa qubane
Haddaa meydku qadawgii bixiyo qariyey dooggiiye

Waakaa qalfookii Hayiyo,  Qararro yaalyaalle
Imikaa dhurwaa qawdhamiyo haadku qodayaaye
imikaa qaxootigu Nugaal sii qulqulayaaye

Dhallaan qayladii waxa la yidhi waa qaboonada'e
Waayahan qalaadkii dhinte iyo korisu qaadkiiye
Wadnihii na qayraamin jirey waa qufulateene

Qosolka iyo haasaawihii kuma qaxwaysaane
Ma qafiiftay Uusloow adaa huriyey qiiqaase
Ma qatallantay waatii Siyaad iilka kuu qoday'e

Ma qunbacatay goortii warkoo qoran laguu keenay
Ma qandhootay geerida markaad gelisay qoyskiinna
Ma qayirantay maantaan tolnimo kula qalloocnayne

Ma qiyaastay noloshaa qabteen qaalinnimadeeda
Ma qiirootay waa lagu lumaa kibirka qaarkiise
Ma ka qooftay nimankaad lahayd qaata amarkayga

Ma qadderisay waa mawd qarsoon qaranka reer shiikhe
Qusurkaba adaan gaadhin iyo badaha qooqaaya
Qaxarka iyo kibirkii miyaa kaa qadhqadhinaaya

Qalalaasaahaagina miyaad qaadi kari weydey
Jeerooy Qunbuladuu dhacaan laysma qaaddimine
Qira gaabnidee sowdigii col u qalqaalaayey

Qudh la gooyo iyo dhaawac iyo maal la kala qaado
Qardoofadu rag waw soo taxnayd taniyo Qaabiile
Qammuunyada ilkaha iyo dibnuhu waa qashiinnimo'e

Nin xumaan qoday caadki tahay qoomamiyo ciile
Qabtii Samatar galay waadigaa qoobka soo dhigaye
Haddaad gacan-Libaax qaad is tidhi quusashaa xigiye

Ninkii Qaanso iyo leeb filanayoow qabarki weynaaye
Sunta qaraxday ciiddiina waa qori madoobaade
Waxba yay is qoosaalintii ila qadhaadhaanne

Haddaa nabaddi aad quudhsateen qiimo leedahaaye
Qaraabiyo abtiga waa kolkaa qiran ogeydeene
Maxaan kula qabtaa waatanoo qulubtay Uusloowe


 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com