WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Giiro

Ismaaciil Caaradhuub (HJ)


Ismaaciil Caaradhuub ayaa iyadoo qurbe la joogo ay kaftami jireen niman Habar Yoonis ah. Caaradhuub waxa nimanka Habar Yoonis ku jareexayn jireen in Habar Jeclo Riyo dhaqato oo aanay geel lahayn. Inkastoo Ismaaciil ku baanay in dhaqanka geela aan reerkooda looga horrayn haddana waxa ka tan batay dacaayadii raggii ay kaftan wadaagta ahaayeen. Ismaaciil markii laga dayn waayey dacaayadii Riyaha ayuu gabaygan tirshey uu Riyaha ku ammaanayo oo isagoo weliba kaftankii ku xeeldheeraaday oo uu Yarad u soo tubayo boqollaal riyaad.
  Gabdhahay Garaaddadu dhaleen gaanka Habar Yoonis
Ee uu ninkii geel lahaa goosan kari waayey
Anoo geesigii Oday watiyo Geeddi iyo Jaamac

Sidig Giiro, Sidig Gaatis iyo Gara-yar oo naaxday
Iyo Tiro gugii hore rimay oo haatan Gudhayoobey
Iyo Tiro markay soo guraan dumarku geesaaso

Iyo Gubadlahoo qooqay oo giirka kicinaaya
Waa inaan Gabaatiga Riyaha galab ka geeyaaye
Waa inay gob lama caasiyee gole hagaagtaaye

Waa inay Garraaf uma baxshee gololo keentaaye
Waa inay Goolasha idiin qalaan kan ugu gees dheere

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com