SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Caateeye Jugux, (HJ)

Caateeye iyo Wiilkuu adeerka u ahaa.

Caateeye Juguc oo geed shir loo fadhiyo ku sugan ayaa laba nin oo walaalo ah dagaallameen oo midba kan kale damcay inuu dilo. Caateeye oo walaalkiis gacantiisa ku baxay baa arrinkaasi soo cusuusiyey denbiguu galay wuxuuna halkaa ka tirshey gabay aan erayadiisa ka xasuusto.

Anigaan warma iskala dhaceen waraci dheeraaye

Caateye markuu intaa yidhi ayaa waxa geedkii ka kacay inan uu adeer u yahay oo uu dhalay marxuumkii Caateeye Jugux gacantiisa ku baxay. Wiilkii yaraa wuxu yidhi isagoo Caateeye Jugux dhaleecaynaya.

Caateeye weerroow haddaad waxun ka tiidaysid
Maxaad waracyadii kula dhashay ugu waraabowdey


Caateeye ma jeclaysan wiilka yar ee uu adeerka u yahay iinuu isagoo beesha gabyaa u ah magacna ku leh ceebeeyo wuxuuna bilaabay inuu wiilkii Halxidhaaleeyo.
Halxidhaalayaashaas oo geyiga Cayn, Saraar, iyo gubanba caan ka ah waxaan nasiib darro ka xasuusto dhawr tuduc oo u dhacay sidan;

Caateeye wuxu yidhi isagoo xujeynaya wiilkii;

Shan hal oo aan xalay qafilay maraan qoyskayaga joogey
Haddaad gabay nin Qaari'i ku tahay qaafka ka hingaadi
Haddii kale qatalantee ka joog qiro lagaa roone

Nin Billaawe lagu soo qabtoo qoorta laga gooyey
Oo aan qudhiisuna baxayn quruxna waayaynin
Haddaad gabay nin qaaraca ku tahay qaafka ka hingaadi
Haddii kale qatalantee ka joog qira lagaa roone


Wiilkii baa yidhi isagoo hal raacaya adeerkiis Caateeye

Nin Billaawe lagu soo qabtoo qoorta laga gooyey
Oo aan qudhiisuna baxayn quruxna waayaynin
Qalbigaan ka fiirshee haddaan qoodhya-xero sheego
War sow Inan yaroo Buuryadii qaar la jaray maaha


Caateeye wuxu hadana yidhi;

Gudcur qam ah habeen qaarki tegey qawyo kala oodan
Nimay labada dhaayood qam tahay oon cidina qaadaynin
Oo haddana meesha uu qabo is yadhi qayb u garanaaya
Haddaad gabay nin qaaraca ku tahay qaafka ka hingaadi
Haddii kale qatalantee ka joog qira lagaa roone


Wiilkii isagoo furaya halxidhaalahaas wuxu u celiyey adeerkii;

Gudcur qam ah habeen qaarki tegey qawyo kala oodan
Nimay labada dhaayood qam tahay oon cidina qaadaynin
Oo haddana meesha uu qabo is yadhi qayb u garanaaya
Qalbigaan ka fiirshee haddaan qoodhya-xero sheego
Qaafada haween iyo Raggoo laysu qoray weeye.


Dood-Suugaameedka dhexmartay Caateeye Jugux iyo wiilkuu adeerka u ahaa waxay maalintii oo dhan socoto oo rag isu daawadoba waxay ku danbeeysey in markii Caateeye Loodin kari waayey wiilkii uu habaaro. Tixda uu ku Guhaamayo wiilka oo inta ka dheerayd waxan ka xasuustaa.

Wiilyohow qaliif noo kacoo qaaddiyaad tahaye
Qufac lagu daf sii qaaxadaa Durey la moodaaye


Waxaa taariikhdu werisaa in wiilkii uu ayaamo ka dib dhintay.
 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com