Cabdi Hurre (Ciidagale)

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
 
 Cabdi Hurre
Gabaygan calaacalka ahi wuxu Cabdi Hurre wuxu tirshey isagoo jooga Cadan markii uu dhacay dagaalkii Dhurwaale oo rag badan oo Ciidagale Galbeed ah lagu laayey. Cagdheertu waxa waagaas caawiyey oo hub iyo saanadba ku kaalmeeyey Xabashida oo ay weligood u qabbaani jireen isagoo Cabdi arrintaa tibaaxayana waa ka gabaygan ku leh "Cadkan baa Amxaar kuu ridee Cali ma noolayne". Waa gabay isugu jira calaacal iyo gooddi.
Digniin: Gabaygu ma saxna. Fadlan soo sax wixii ka khaldan gabaygan iyo kuwo kaleba.
 

 
1. Cirku waayo badan buu gudhaa, caadku duug yahaye
2. Dhulku wuxu caddaadaa markuu, Mayay ka caagaaye
3. Ceeryaamo roob maleh hadday, curato jiilaale
 
4. Warka xalayto Cadan iigu yimi, cudurkan lay saaray
5. Cududaha sidoo layga xidhay, calawga uurkayga
6. Cagta socodka ciir-ciirisee, Lawga ka cuslaatay
 
7. Waa midaan canaanteeda qabay, ceebtu suulayne?
8. Maantana tolkaan ku camirraa, cawdu ma duushay
9. Cabdi Bari miyaa go'ay sidii, madag cuf loo waayey
 
10. Ma canbaar-cadkii baa la jaray, curaddadii iido
11. Caleen jilicday saw reer Gobdoon, caawa kama liito
12. Cabdi Ciise, caal-saarradii, Ciise iyo iidle
 
13. Ma casaanyo jaban baa raggii, caaradka u joogtay
14. Carfigii miyaa layga ridey, calanki guudkayga
15. Ma car-jabay shisheeyuhu baguu, caawa lee yahaye
 
16. Sida Faras col dheer lagu galoo, orod ku caatoobey
17. Oo Caawaduu yimi rugtii, ka cabitaan waayey
18. Caraafiidayeey xalay miyaan, caato ledi waayey
 
19. Sida Halaq godkii ku caddilmoo, cawski qarin waayey
20. Curduduubmayeey xalay miyaa, cidhif bannaanaaday
 
21. Sidii inan cadradahoo hugiyo, gogol ku ceeboowdey
22. Oo Aabbaheed inu caddibo, uga cabsoonaysa
23. Ciiltaamayeey xalay miyaan, cawdi ledi waayey
 
24. Sidii dhaan carceeroo ka yimi, lebida cuunkeeda
25. Ama caynab geeloo Berbera, cagaha soo joojey
26. Caatoobeyeey xalay miyaa, cagaha aan jiidey
 
27. Sidii Cawl ban lagu weeraroo, baydar celinaayo
28. Cag halkii u saaraba mid kale, kaga ciyoo baacshey
29. Is caguujayeey xalay miyay, cidhibti dhiigowdey
 
30. Sidii naag cusayb lagu eryoo, caado lagu baajey
31. Oon Curado aadiyo lahayn, gabadh u ciidmaysa
32. Oo ceeb in lagu sheego iyo, cay ka baqanaysa
33. Carcaraafayeey xalay miyaan, ciil la ledi waayey
 
34. Ma haddaa dhulkii laga cammiray, aqallo caarcaarle
35. Geelii casaha lagala baxay, cobol ma loo daayey
36. Raggii ay cafuufleey dhigeen, curashadii dayrta
 
37. Nimankii la caansiirin jirey, ma calqadaa saaran
38. Cududaha miyaa loogu tolay, Alifyo caarcaarle
39. Cishiriinka soo hadhay miyay, damacsanyiin caawa
 
40. Cidna miyaanay kaga yaabahayn, caasiyada daatay
41. Cashiiriyo miyaan laga baqayn, ciidamo u hiisha
42. Waxba yaan calaacalin rag waa, cayn walba u jooge

43. Waayadan Cawaaloow ma tirin, Aayadaa culuse
44. Ma callaqay madaafiicdu waa, taan cabbayn jiraye
45. Cutub kalena waa maansadaan, idinku cayntaarshey
 
46. Caqli male ogaadeen hadduu, cunay jalkiisiiye
47. Caawuu ka geeraarayaa, Ciyow dushiisiiye
48. Culayskiyo danbaabkaan ka baqay, iyo caraafiidka
 
49. Igu celiye cayntaaradiyo, colalkii dheeraaye
50. Xarbiyow cargaagtan iyo faan, maanta kugu ciirye
51. Cisi laguma waariyo aduun, coodin libineede
 
52. Ciyoonbaa ratiga aanu rari, ceeshka noo sida'e
53. Koran cabudhle coogflaha biyaha, lagu ceshiimeeyey
54. Waanu soo ciyaarbogi sidii, Caabbi Duullane'e
 
55. Casar libinta inaan dheelmi, way sida cadceedaase
56. Caska Sibi, cufkii Dhagax madow, Sagag cankuurkeeda
57. Cascaska duuri, caal saaradii, cabitinkii geela
 
58. Calawgii Bullaaliyo intaa, Cagasur eegaysa
59. Cag haddaa dhigtaan meel banaan, sida shabeel caarle
60. Oonaan carada idinka wadin, waad na cariseene
 
61. Cismaan digin sidiisii haddaan, caydhu idin leefin
62. Carab Laagba reerkoodu waa, caydhiyo agoone
63. Calaydh kama danbayn ba Abaskuul, cululuf mooyaane
 
64. Cadkan baa Amxaar kuu ridee, Cali ma noolayne
65. Is cunbulinti Ina Nuur Siyaad, haadka la cunsiiye
66. Wax Gurraase Garaskaw cunaa, caabuqii galaye
 
67. Geelii Caddaysnaa ma dhaqan, calawgi heemaale
68. Cabdi Cumar caweyskii la dhacay, caydh la dalandoolye
69. Cawdaannu kaga seexannee, waa na cariseene
 
70. Cabdullena u yeedh iyo haddaa, Camar helaysaane
71. Caska waaga maadhiin ciyiyo, ciiro naga eega
72. Hana cararin waataa baqaha, culus tiqiineene
 
73. Cutub kalena waa maansadaan, Ciidagale saaray
74. Wax badanbaa nimaa ciil baddeen, ciil la jiifsadaye
75. Wax badanbaa waraabaha cashiyey, subag cabsiiseene
76. Gobannimo caruuskeedu waa, col iyo duullaane
 
77. Caarada warmaha niman ku helin, loo cag dhigi waaye
78. Haddaydnaan cardaaduqa ka dhigin, kuma ciseeyeene
79. Miyaa mawdku naga caaggan yahay, waydun calawdeene
80. Ciddiyaha u gura dirirta waa lagu cusboonaanne.
 

 

Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com