SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Cabdi Iidaan (Arab)

Cabdi Iidaan Faarax (Ilaah ha u naxariistee) wuxu ahaa abwaan weyn oo oo magac iyo mansabba ku lahaa maansada mugga weyn ee Soomaalida.
Gabaygan oo ka mid ah kuwa fara-ku-tiriska ah ee Cabdi ka tirshey Qabiilka waxa uu abwaanku u tirshey Abwaankii weynaa ee Qawdhan Ducaale. Qawdhan Ducaale oo da' ah iyo Cabdi oo dhallinyaro ah gabaygana bilaabay ayaa waxa colloobey labadii Juffo ee ay ka soo jeedeen. Colaaddaas oo koobnayd waqtigeeduna yaraa wixii lagu heshiiyey u cuntami waayeen Qawdhan Ducaale oo isagu soo gaadhay horraantii 1950-meeyadii.
Qawdhan wuxu tirshey gabay aannaan wax badan ka hayn balse ay tuducyadiisa ka mid ahaayeen;

Gobannimo la iibsaday sidii weden la gooshaashay?
Cabdiyoow ninkii gaabsadaa iima soo galo'e
Kol hadday go'doomeen raggaan garabka saaraayey
Gujo laguma faanee haddaanaan geydha soo celinnin
Gebagebaha haddaan reer Xuseen goosan ka hungoobin?


Cabdi iidaan intuu u tegey buu Qawdhan weydiiyey inuu gabayga tirshey taasoo uu u xaqiijiyey. Cabdi oo nin Ciidagale ah isugu sheegay Qawdhan ayaa yidhi "Nimankii Arab way soogabyeen oo waxay yidhaahdeen";

Waayahanba dawlaabta gabay kuma dedaalayne
In dhaweyd dan baan uga baxoo kuma dannuukhyayne
Dabshidka iyo waa laba habeen Dirirka-Cawleede

Danbarsamaha iyo Naafku waa kala danbeeyaane
Daruuraha cirkuna maalin bay di'itin maagaane
Xaluunbaan dawaarka u rogoo daaqadaa furaye
Bal an dayo denbina wuu gala laguna deyn waaye

Meeshiyo Duraay iyo halkiyo duudki nebi aadan
Dariiqada Islaamka iyo sidii dunida loo joojey
Dunta Maxamed iyo Ciidagale waa is dilayeene

Weligoodba labadeennan degel Daawo ma lahayne
Haddaannaan dacar qadhaadh idinku noqon nalama daayeene
Dadka wixii ku soo raaci kara daan walba u qayli

Inta cagaha lagu daaliyiyo doono ba Xawaadle
Diraac curataay roobkoo onkodey doogga naga waabi
Geerida wax kaa daaficiyo diricyo soo qaado

Ducaaliyo Warsame Gaanji iyo Diiriye u yeedho
Dalbo Aabbahaa baa ka iman daarta aakhiro'e
Maantaba Dayuurado ka kici dooxan gudihiisa


Qawdhan Ducaale markuu gartay in Cabdi gabayga tirshey ayuu yidhi;
"Adeer waad gabyaysaaye, gabayga Cayda ka ilaali"
 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com