SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Ina Cawed Canjeex
&
Caateeye Jugux


Ina Cawed Canjeex wuxu gabaygan tirshey ka dib markii la diley nin Aadan la odhan jirey oo reer Saraareed ahaa. Nin hore oo inta la diley la qariyey ayaa loo tirinayey jilibka Caateeye Jugux ka dhashay. Ina Cawed Canjeex oo ay ninka dhintay qoys ahaan is xigeen wuxu tiriyey gabay uu ku tilmaamayo godobta jiifta reerkaas.
  Dabka bilig leh beelaha rogmaday ba'ayda yeedhaysa
Maantana Kaliil baa ku ba'ay Buuligaa dhacaye
Batalkii Wareeg baa la dhigay Aadan Baashane'e
Booraanta Nuur lagu ridey bay beeshu werisaaye
Bannaf iyo ur buu keenayaa banaha jiilaale
Sideebaa Ba Bacadooy tihiin waa badhkiin maqane
Baaba'ayda naaguhuna sow idinma beer qaaddo


Caateeye Jugux, (HJ) wuxu gabaygaa kaga jawaabay:.

Wey daastey reer Maxamed kaad igu diraysaaye
Dulli lama dhaqdee layga daa dab iyo baaruude
Weligiinba duul nabada yaad dira-diraysaane
Xidaar oo dameer fuushanbaa aabbahaa dilaye
Dalanbbaabigii buu ku dhacay dalaqi oodnaaye
Dawac meel ka ciyey baad tahee duule naga aamus



 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com