SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Geeraar waa af-ku-hayn

Cabdi Aw Yuusuf Abokor, (HJ)


Cabdi Aw Yuusuf Abokor Fiqi, Alla ha u naxariistee, wuxu caan ku ahaa oo ahaa ninkii ugu horreeyey ee gabay iyo geeraar kulmiya eee isku dara.
Gabay/ Geeraarkan soo socda wuxu ka tirshey aroos Burco laga dhigayey oo la isugu yimi.
Geeraarka oo ka hadlaya Toddoba qodob waxaanse ka haynnaa Shan Qodob oo kuwaas ka mid ah.
  Meeshani waa urur weyn
Waa ardaayo magaalo
Asaxaabiga shiikhdiyo
Ardo waa fadhidaa
Rag kaloo odayaalana
Agtaydaan ku arkaa
Allii daayin ahaayoow
Aan ishaaro na raacin

Geeraar waa af ku hayn
Xoolo waa nin ayaan leh
Habaarna waa Alla maagid
Aabbe waa ka ducayso
Anfac waa iska dhiib
Arrin waa tol ha dhaafin
Ooriyi waa ha samaatoo

Geeraarku waa af ku haynoo
Sida Ayrada geeloo
Beryo oon lagu raajey
Kol hadduu qalbiga aad u galo kaba idlaan maayo

Aabbe waa ka ducayso
Kol hadduu ku inkaarona
Ishii kaa hadhi mayso
Ninkaan waalidkii erey xun odhan ehelu-Naar maaha

Habaarna waa Alla maagidoo
Nimaan Eebbe dilaynin
Inkastaad erey baas
Aweytuu qarisaanoo
Ardo looga Fal doono
Ood Ku adaadumataan
Ileen nimaan Ilaahay dilayn Aadmi kama gooyo

Xoolo waa nin ayaan leh
Inkastoo idhankoodiyo
Ismadooda la gooyo
Kol haddaad ayaan-dhalad u tahay Ooddu madhanmayso

Ooriyina waa ha samaato
Ha addeecdo ninkeedoo
Aqalkeeda ha joogto
Marse hadday edeb weydo
Ardaageedu xumaado
Awrku Seetada gooyoo
Adhigeedu tasoobooy
Araggaaga la yaabtoo
Ubadkeeda habaarto
Ajasheeda ha qaadine
Mar hadday indhaha laga rid tahay eri maxaa dhaanta

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com