Qoraal (Written)

 Doog-Sheeg

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  Doog-sheeg

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  C/Laahi Diiriye

 

 
 

  Habar Jeclo ?

  Doog-Sheeg

 

Gabaygani wuxu jawaab u ahaa buraanbur ay koox dibkanaaxyadii Daaquudka Afweyne midiidinka u ahaa tiriyeen iyagoo ay damacsanaayeen inay taariikh aan jirin samaystaan iyagoo hadafkoodu yahay inay ceebti iyo hullaabti gunnimo ee qarniyaasha saarnayd ay appeal ka qaataan.

Gabaygan wuxu koobayaa colaado dhawr ah oo tii "HAYE" ee 1983-kii ugu danbeysey oo dhexmaray Dhulmahante iyo dhawr jilib oo HJ ah. Markii xornimada la hantay waxay yididiilo weyne gashay dhammaan shacabka Soomaliyeed ee xalaal miiradka ah oo rajaynayey inay ka koraan qabiilkii waqtiga iyo waracyada badani kaga lumeen isla markaana u tafo-xaytaan higsashada quruumaha aynu ka hadhnay. Hadaba niyaddaas saliimka ah ee Soomalida 93% saaqday waxa jid-gooyo ku sameeyey dib-ka-naaxyo aan dan Soomaliyeed wadin ee hadafkoodu yahay inay fursad ay ku aarsadaan helaan. Halka Soomalida Abwaannadeedu ka gabyayeen Dayaxa tegistiisa waxa qoomkaas bukaa daba joogeen Colaadihii ahliga ahaa oo ceebo badani ka raaceen. Ma dhamma

Daarood buraanburay hadduu dux iga qaadaayo
Dhaaxay daliisheen habaar duq iyo waayeele
Daayinna iima qaadee iyaguu dib ugu laabmaaye
Doqon baanse garanayn halkay doogtu kaga taalle
Daaraanta abidkiinba waa dira lahaydeene
Dakhar nimu ku dhacay waa gartii inu dawaamaaye
Nimaan diley siduu iigu digan bayga degi weydey
Dameerkuba dushoo laga raruu dookhad kiciyaaye
Duunyaduu u liitaye si kale uma dinnaahsheene
Adiguna dammiinyohow inaad derejadaa joogto
Sheekada daciifkeed waddaa taa daliil u ahe

Damcad sheekadii aan lahayn looma daadego'e
Oo deelqaafku waa kaa dilaa deriska geeraare
Oo waa laga diqoodaa waxay dheguhu diidaane
sidayadaa dawaar loo marshaa daxal la'aaneede
Dahrigaaga geli maansadaan daayacc baa tahaye

Taariikh durugsan adigaa dalbaday inaynu doonnaaye
Degel-cuna, Hawaar iyo taniyo dooryaanle
Deris Habar Jecliyo baa ahaa duudda aad tahaye
Markii daaqa cawskiyo biyaha la isku daw dhaafo
Dirir lays qabsaday oon tolkaa dacar la leefsiinin
Ninna duunka kuma sheegi karo dir iyo daaroode

Darayada Jidbaaliyo cadduur Daranta ruuxeeda
Dagaalkii ka dhacay ee warmaha la is dabbaalsiiyey
Dooddiga fardaha maalintay didibtu hayn weydey
Darbadii cuskaday reer jibriil diifti waa weli'e
Bah Idarays diraac qudha ayaan dooxayoo jaraye
Sidii aan dugaagga ugu wadhay daab ma soo roganne
Dibna inay u soo ciidanshaan damacu siin waaye

Ararsame waxaan dabarjaray ugu darraayeene
Nimankii maryaha daabaca leh dacalka jiidaayey
Ee aan dardaray Teerigiyo, Daab-caddiyo Kaalka
Af Bakayle kama daabaqaan doobka soo hadhaye
Dibno aad qaniintiyo afxumo kuma daweeyaane
Haddaa digigixooteen degmadu waydin dacal tiille

Barkad doogta uu qabo haddaan diirka ka caddeeyo
Dubaaqadi God-Dhuub maalintaan dala'siguu laayey
Darka saan u wadhay ee tukuhu uga dul geeraaray
Danqashiyo hadday ciil qabaan daaraddu u dhow'e

Dugulyaxunta reer Jaamac way naga danbeeyaane
Duulkii xaglaha debecsanaa loo dardaar weriye
Oo waa dooxadii garab waxay dibu xasuustaane
Sacad yooniskii dili ogaa duur fog muu jiro'e
Waa kaa ku deyrane fadhiya yeyle iyo daade
Muuse-na dushay kala jiraan kii danqaababa'e
Haddii ay dubaaxsahaanna waa uga daraaayaane

Dulbiciid qubuurahan darbadhan duuga weli reebban
Dadbay kuu xigeen oo iyaba duudsi laga yeelye
Dirawgiyo higlada muuuqataa darib rag weeyaane
Axmed Garaad duntiisaa sidii dawri loo dhigaye
Digtii raydab-dhuub baad qabtaan dakharadeediiye
Dixdii Ceel-Bardaalana annagaa dooradda lahayne
Darka Caynabiyo, cuunka iyo, damasha Ceeldhaaba
Dibirootigii kaaga dhacay duun haddaad garane
Daad-guraysigii waydinkii Laasahaw degaye
Dulgaal iyo Goldheeriyo Galgalo, Dogoble meesheeda
Maantaan dalkaba kaa eryee debedda kuu saaray
Aan dorraato kaa dhigay miskiin duunyo laga qaaday
Eed Moqorka Dooryaanka weyn diirka ku cabbaysey
Ee aan ku duudsiyey ma dhalan duqi adoogaaye
Dadkuna haatan waa wada og yahay dunida joogaaye
Maxaan kaala doodaa horaan kuu daraa-tumaye

Afartaa dacwada aan ritiyo darar nin waayeel dheh
Doog-sheeg intaan idhi murtida, ma idin deeqsiiyey
Denbi kuma hadlaayee anoo daacad werinaaya
An daliisho suugaan da'weyn daammad baan ahaye

Way idiin darraataa nimcadu daayin abidkiiye
Duuflaal ma weydaan ibleys daasadaw tumo'e
Waxaan dani ku jirin buu mar qudha idin dukhuulaaye
Dabinkuu idiin dhigay siyaad maydan daalacane
Waxad duulal qaaddeen markaad doolar gurateene
Degdeg nooma saarteen hujuun daarran meel kale'e

Daafacaadda waa lagu yaqaan duulka aan ahay
Damaaciga raggii noogu yimi kama dam siinneene
Goortay daguugmeen wixii dulundulcaynaayey
Durba weer madoow iyo baroor lama dekaameene
Dooxii Hayiyo lama dhigeen dacalladiisiiye
Goortii wax duugiyo xabaal dedan la waasiiyey
Dirxi kuma dhasheen reer wacays danabyadoodiiye
Daba-nirigga Khaalidi mudday nagu dirraayeene
Duni aan hadda ahayn kuwaan Kiridh ka soo duubay
Durujaayadii sow ma rogin waa dalbanayeene

Samakaab sidii loo dabxaday ciil la dalandoolye
Daadduunka uu qabo Cigaal daawadii maqale
Ninna uma dub-naxo uurar-weyn daamankii jabaye
Duubiya-xun Hayaag, iyo yaxyaan diric u noolayne
Doofaar-qodkii bay sidii sarab dednaayeene
Diktaatoorradii Hagar u file inaanan daarayne
Daandaansi hore waa wixii didiyey reeraaye
Maantana sidii dogobyadii ma is dul saarsaarray

Cali Geriga soo dumay hadduu diirku xadantooday
Duul waxay yihiin iyo ab-baa ficil ka daarraaye
Waxay kala duddeysteen dekano laga dawaareeye
Dabadhilifku soo dire raggii daabbadda ahaaye
Hayeeshee ma diirsane markaan BoQOL ka dawlaabtay
Dabayaaqadii sow ma helin nimanki doonaayey
Doorroonahoodii sow sidii Deero lama toogan
Dugayeeyda Goor iyo Marqaan dumar la eedaanye
Dimcadkiyo sarmaantii waxaan idinku daad-xoornay
Daacuun markii lagu danniyey, iyo dulin inay beerto
Duqsigiyo qadhmuunkii ka kacay laga dabayl roorye
Dixdii looga yaac iyo halkay daribtu kaa tiille
Alloow yaa duddada nooga gura dayma xumadooda


 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com