Q O R A A L

  D a n n o o d

  Haddaan fulinnay

  Gabayo googoos ah

  Xasanoow walaal

  murankii ka dhacay

 

 

 

 

Cabdillahi Muuse Jiciir

HY - Reer Xuseen Gabayo Qubane ah

Somali Poetry

Gabaygan qabyada ah waxan xasuusta waagii Iskoolaadka oo aan filayo in uu ku daabacnaan jirey suugaanta dugsiyada dhexe. Waa ku mahadsan yahay walaalkii noo soo tebiyey annagoo ka dhawrayna inuu soo dhammeeyo inta ka dhiman.


Xasanoow walaal taladu, waa xay intaan ahaye
Xeerbeegti bay uumiyuhu, igu xisaabshaane
Inta aan xabaal laygu ridin iga xigmaad qaado.

Xawxawsi maalin ah bad waa, laga xawaystaaye
Soomaali wax u xaasil gala, xoolo dibadeede
Wax kale oo la xaradhaamiyaa, xero ma yeeshaane

Xayawaanka nool baan innagu, xagan naqaanaaye
Adigoo xanuun qaba mid aan, kugu xannaaneeyo
Amase wadaad qardhaas kuu xadilay, lagu xurmaysiiyo
Xergi gaabnidaa neef qudhuun, xerada maad keentid.



Gabaygan inta yar aad nooga soo dirteenna waa mid uu ku dhaliilayo dhawr nin oo uu u hanweynaa.

Ku dhaliilay Nuux Diiriyoow adiyo dhawrkaaye
Idin dhaafe niman haddaad, dherertamayseene
Dhillawade Camay raganimo ayay, kala dhaqaqeene


 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com