Kagase daran Daarood ku xaar dayrta maanta ahe
Hays dul yaalo meeydkoodu waa doqon abaalkeede

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
<Cali Baarjeex>
 

MAYLA SOCOTAA

Cali Cilmi Habarwaa oo ku magac dheer <Cali Baarjeex> waa gabayaa caan ah oo
had iyo jeer gabaydiisa lagu arko silsiladaha gabay ee kaftan wadaaga iyo
xifaaltanka reer magaal u badan .

Cali Baarjeex oo ku dhashay kuna barbaaray hadana ku nool magaalada
Hargeisa waxay gabay wadaag lahaayeen rag badan oo gabayaa ah sida Muuse
Hudle , Ibraahim Cabdi <afgaab> , Cabdi Malaw iyo Aw Cilmi yuusuf, rabbi
intooda dhimatay iyo inta noolba ha u naxariistee.

Gabaygan la magac baxay <Mayla Socotaa> waxa uu Cali Baarjeex tiriyey mar
loo sheegay isaga oo ku sugan kana shaqeeya Berbera in saaxiibkii Ibraahim
Cabdi <afgaab> alla ha u naxariistee uu Hargeysa Badhasaab ka noqday , Cali
Baarjeex waxa uu Afgaab ku dhaliilayaa in Maamulkii lagala wareegay.
Cali baarjeex waxa uu gabayga u soo dhiibay nin ay saaxiib ahaayeen oo u
soo baxayey hargeisa.

Wuxuu yidhi

Mudanihii Afgaab waxaad tidhaa maalintaad aragto
Muddo aad ah buu kala maqnaa muhindiskeeniiye
Waxase igu maqaalo ah adaa meel gudoonshe ahe
Arrin murugtay oo labada dhinac laysku mari waayey
Kol hadaanad maarayn karayn maragna loo haysto
Macno malaha badhasaabkan aad maanta sidataaye
Waxaad tahay maqaarsaar la yidhi hay muftaaxyadane
Kuwa furinka miis miisayaa kaa martabad roone
Maamulkaad lahayd niman kalaa kaa maroorsadaye
Ku maaweeli naagaha Milgooy mayla socotaa


Waxa ku deeqay
Cabdikariim Cali

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com