SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Kolba Heer

Cige Aw Cali, (HY)

Markii hore Candhuuf baan ahaa Caano oo kale'e
Markii xigey Casaan Dhiigahoo Cad iyo Jiidh yeeshay
Markii xigey Calooshii Haween yaan ku cararaayey

Markii xigey caweys baan dhashoo Cige la ii bixiyey
Markii xigey culays hooyaday Cududahaan daashey
Markii xigey Cuudkaan ceshoo caawiye ahaaday

Markii xigey cayaar baan tego cayn walba u boodey
Markii xigey Cawaa lay dhisoon Cawda kula loolay
Markii xigey Caruur dhawr ah baa culuq naloo siiyey

Markii xigey Caqlaa ii kordhoon Eebbe ka cabsooday
Iminkana Cirraan yeeshayoo Coomir baan ahaye
Allahayoow Cadaabta iga hay caaddil baad tahaye.
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com