SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Cige Baraar(Cidagale)

Cige oo ku magac dheeraa cige baraar ayaa dagaal xaga kaftan ka iyo is xanaakadinta ihi ka dhaxeeyey Kabacadii Hargeysa. Markaa gabayo, heeso, iyo guurowyo aad u fara badan ayaa dhex maray ninkaa Cige_Baraar iyo Kabacadii Reer Hargeysa. Inta badana marka fooda lays daro Cige ayaa toobiyaa u qori jirey Kaba-cadii Hargeysa sidaan maqlay. Laakiin mar dhexe ayey sheeko fakatay, kaba-cadii ayaa waxay soo ogaadeen in ninkan Cige_baraar uu jecelyahay Inaabtidii oo reer hawd ahayd, kadarane Cige_baraar Geel muu lahayn!!!. Markaasey Kabacadii cige suuqii ka saartay ooy raad kiisa gureen kuna yidhaahdeen, Cigoo- bar'laawe ayaad tahay (Geel melihid) innan reer hawdna waad caashaqday. Hadaba maxaad yeeli nimankii reer-hawd Geel Cascas ayey rabaan hadaad inanta weydiisato eh !!!!Caashaq Bilaa Geel Yuniikul Hawaa ayey hadal ugu soo gebagebeeyeen Cige_baraar. Cigaa gabayo badan ayuu u tiriyey inantii uu jeclaa, mase wadda hayo: Wuxu yidhi:
Hablaha sebenkay u sidataa
Siiqdii webigaad Sahray tahay
Xidigta waaberi ee xujaaj dulmartiy
Xaramkay Sahri xaraf ku leedahay

Kaba-caddiina waa tii ku lahayd Cige:
Damaaci rag waa ladaba dhigaye
Ku daashay naf aan ku dooneyn.


Mar danbe ayuu Cige tiriyey Gabayga soo socda, yidhina Dayuurad ayaan kaxaysanayaa markaa inantii ayaan ku soo qaadayaay: kumaa illa soo gelbinaaya..Kabacadiiyeey..Markaa Kabcadii way ka jiifsadeen gantaashaa.. Oo waxay yidhaahdeen Cige tuu keenaaba tii kale ka daran. Ugu danbayntii cige inantii wuu ku soo guuleystay.

Xaluun baa hilaac iiga baxay haradi doolloode
Haab haabtay labadii go oo shaadhki maan helin
Ninkii hawd tegaayaa dab buu ku hindisoodaa
Oo horar dugaag iyo rag-bay mid is helaayaan
Anigana hubkay wuxu ahaa hootadaa qudha

Nimankii Hargeysiyo fadhiyey heegadiyo suuqa
Hanaqay lasoo wadda kaceen huguguftaydii
Kolkaasaan daruur halabsadoon heegada u baxay
Kolkaas baan ilaah baa hayee hoortay samadii
Kolkaan hugun kii reeraa maqlay baan hoos u soo degey

Kolkaasay hangool iyo gudmiyo harag layaaceen
Inanta hooyaddeed baa layidhi haatan buu yimi
Habkii gobilahayd iyo salaan ii hadoodile
Dermo waayo badan loo hayeyey hore u keeneen

Wallee gool habeen kii laqalay hilib naloo keenay
Sooryada miyigu waa hanfaqe hilib lageedeeyey
Hanbadii markay iga gureen ii halaan hale

Markuu reerki kala hooydey buu haatuf ii yimi
Inantii hubkii loo dhamee heensihii dumarka
Hablo badan waa lagu dhexdaray ooy lahayb-tahay
Iyagoo maryaa hab u xidhay oo hiririgleeynaaya
Oo higilka soo muujiyoo hab u dhaqaaqaaya

Heblaay dhaaf iyo heblaay dhaaf waxay meeshii ka hayaanba
Hortayday yimaadeen kolkay nabar(Cabaar) is hiifeen
Kolkaan jeedal ku hamsiiyey ayey hulal baneeyeen
Kolkaasaan yartaydii hantiyey taan u hawl-galay.

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com