LOODH, CAYNAB& BASHIIR

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
   
Waxay taariikhdu hoosta ka xarriiqday inaan Isaaq u kala hadhin dagaalkii ay la galeen hororrada Faqashta hayeeshee bilawgii halganka waxa is fahmi waa soo kala dhex galay beelo Isaaq ah. Waxaannu hore idiinku soo tebinney laba gabay oo ay kala leeyihiin Bashiir Ismaaciil iyo Caynab oo Ciidagale ah kuwaasoo ka gilgishey gabay uu tiriyey Maxamed Cabdi"LOODH" oo HY ah. Loodh wuxuu gabaygiisa oo "Damaashaad" la yidhaahdo kaga warramayaa dagaalladii ugu horreeyey ee horraantii 80-aadkii dhacay ee ay HY afka dhulka u dartay Reer Doqon-Ma-Waaye oo ku dhanqalmay dhalanteedkii afweyne u dhigay ee ahaa in uu gacan ku siin doono inay iska xayuubiyaan wahabkii weligoodba saarnaa. Loodh wuxu ku taamayaa guusha Habar Yonis u soo hoyatey iyo hantaaqada gaadhay kuwii maleegayey inay Qaranka Somaliyeed dib ugu hayaanshaan qabyaaladdii laga koray.
 
Loodh waxa kale oo uu gabaygiisa ku sheegayaa sida Isaaq ugu diyaarka yihiin inay curyaamiyaan dulinka ku dhashay xorriyaddii ay dhiigga u hureen, sidaa darteed buu u  magacaabay qabiilloyin  Isaaq ah oo uu ku dhaadanayo isagoo ka tegey oo aan magacaabin Ciidagale oo inkastoo aanu eed u jeedin misna la qoonsaday in ka tegistiisaasi huwan tahay dhaliil.  Dhaliishaas inkastoo aanu Loodh carrabbaabin waxay ahayd dareen jirey iyadoo ay jireen rag gabayo kale tirshey oo muujinaya tuhunkaas oo waakii nin HY ah oo aannaan magiciisa hayn kana gabyay jabkii Cagdheerta lahaa, 
Warka xalayto Ceelbaxay ka yimi, Caado iyo Faafan
Ciidagalaha mooyiye Isaaq, caafimaad geliye 
Inkastoo aanu Loodh Cabdi waxba odhan Ciidagale haddana waxaad mooddaa inuu u go'ay sheegis la'aanta Ciidagale taasoo Abwaannada u jwaabaya siisay fursad ay ku reddiyaan tuhunkaas;
Gabayga Loodh ee Ciidagale qoonsaday waxa ka mid ahaa; 
Sow daali maynee xigtada, doc uma noolayno
Sow dacalka layskuma hayoo, laysku dayan maayo
Sow duurka kuma seexatoo, wada diyaar maaha
Sow duudda Sacad Muuse iyo, Arab ma dooyeeyo
Doolaaladii Habar Jeclaan, durugsan waayaaye
Nimankii daguugnaa haddii, daasad lagu tuuro
Sow buurahaa daadsan iyo, Daalo guban maayo
Sow danab wax laayiyo Isaaq, wada dabayl maaha 
Sida gabayada ka muuqata waxa Loodh ka daba qaadanaya Bashiir Ismaaciil iyo Caynab. Caynab oo jawaabta ku horreeyey waxa gabaygiisa ka mid ahaa,
Ninka magaca kaa suuliyaa, wuu ku saanyadaye
Sacad iyo inaad Arab Galbeed, naga sokaysiisay
Ood gabayga nagu seegan tahay sibigu waa mooge
Hayeeshee siqiir iyo kabiir, nala silloonaaye
Inaad sebenka naga maaranteen, kaa siniinsadaye
Sokeeyiyo xigtana waynu nahay, soohdin wada yaalle
Uurna waynu wada seexanniyo, hooyo sabarkeede
Mar haddaa saluugteen raggii, sibiku laynaayey
Salaama Alla waa ina Isaaq, kaad la socotaaye.
 
Inkastoo Caynab wadacayo HY oo uu lee  yahay nimankaad naga doorateen baan idinku ognaahay, hadana wuxu uga gudbayaa isagoo tilmaamaya in Ciidagale aanu marnaba HY hiil kala masuugayn.
 
Daauud intuu simanyahee, Subulo guud yaallo
Sarsarrada Digeed iyo intuu, Hawdka sare joogo
Inuu sararta cadaw kaa mudaa, waa si aan jirine
Bashiir Ismaaciil oo gabaygiisa ku bilaabaya Manna sheegasho wuxu si hufan u tibaaxayaa inaanay eedda loo soo jeediyey Ciidagale ka suuroobin ee ay iska tahay male iyo tuhun-beenaad.
 
Inkastoon malyuun gabay ku siman, siiyey Habar Yoonis
Oon aawadood godob u sidey, eedna ugu seexday
Seben tegey dorraad, shalay haddii laga sokaysiiyey
Ninka saaka uun garanayaa, sebi yar weeyaane
Sanco aan isaaq xeer u noqon, saynka lagu duugye
sanqadh-tirasho beeniyo waxaan, siisan kari waayey
Marna nagama suurtoobi karo, tay sawirayaane
Sina nooma qabanayn waxay, shalay sameeyeene
Single waxaw ekaan kara ninkii, sooc ahaan jiraye
Sifo inan-gumeed Ciidagale, laguma suurayne
Senge muruqya weyniyo colbaan, saami ku lahaaye

Balse Bashiir gabaygiisa waxa ku jirta sarbeeb aad mooddo inuu ku yara leexday beelo Isaaqa oo aan ahayn kuwa uu Loodh Cabdi ka dhashay oo waa ka mar leh. 

Sakaarada Biciidkii herdidey, loogu sacabbeeye
Gorayada waqtigi seeddiyee, daal la socon weydey
Iyo Diinka saaruukha koray, sebenka weeyaane
Sunta halaqa laga waalan jirey, saaka laga waayey
Iyo Mulaca waabayda sida, waad la socotaane
Wuxu Bashiir ku gunaanadayaa gabaygiisa;
 
Danba wuu u saamayn Isaaq, salaw colaadeede
Waa la kala sifoobiye bagaa, suurka la afuufay
 
Cabdillaahi Muuse jiciir baa laga hayaa
Tabantaabaday laba gacmood tabar ku yeeshaane
Tiska waxa la qaadaa markay, tiirisaa bidixe
Hadday midigtu keli taagan tahay, tahar ma goyseene
 
Inkastoo Isaaq dhammaantii colaadi saamaysay misana waxa marag madoonto ah inaan loo kala hadhin oo qabiil kastoo ashraafta ka mid ahi galaas dahab ah mudan yahay siiba qolyihii Bashiir gabaygiisa ku taabtay.
 
Waxan qormadan kooban uga dan leenahay sifayn xaalad waqti hore jirtay oo aan ku noqoshadeedu dux lahayn hayeeshee maansadii ka ratibantay aynu madhaxsanayno.
 
Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com