Ciise Qudhaanyo

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
   

Ciise Qudhaanyo (HJ)

Ciise wuxu saluugay dagaal Qurjiilaha lagu jebiyey 1951-kii oo 10 nin oo keliya laga dilay halka Ciise ka filayey in oodaha loo rogo. Gabaygan aan intan ka haynaana arrinkaasuu ku muujey;

Timadhiiska markay yaacayeen taaggi Gocondhaale
Toobigaankii la sidey miyaan lagu taraarsiinnin
Toban qudha siday ula hadheen waa u tudhayeene
Hadday taarka noo soo diraan tani ma joogteene


Isla colaaddaa waa kii Ciise lahaa isagoo tilmaamayo nin Aadan Carab la odhan jirey oo Dhulmahantada u gabyi jirey maalintaasna la sheegay inuu cagaha wax ka dayey:

Dhabaabacada sow Aadan Carab uguma dheeraynin

 
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com