WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Xamar Qaayib

Maxamuud Jaamac "Daallin", (HJ)


Part III (Part I, Part II)

Maxamuud Daallin Alla ha u naxariistee oo ahaa maansa-yahan taariikhyahan ah oo murtida soomalida wax laga weydiin jirey ayaa la weydiiyey ninkii Ammaanta fardaha u haystey. Wuxuu maxamuud ku Jawaabay "Salaan carrabey, Cali Dhuux, Faarax Nuur, iyo Qamaan Bulxan midna afar eray oo uu faraskiisa ku ammaano mooyee Fardaha si gaar ah uma ammaanin". Maxamuud oo hadalkiisa sii wataa wuxu yidhi "Fardaha ninka ammaantooda u haystey wuxuu ahaa Ina Cabdulle Xasan oo Kun-kun buu u kala xabbaadhay waana haystey oo fardaha waa yaqiin. Ninkaa soo Labeeyaana aniguu ahaa oo number 2-giisaan ahaa".

Xilli hore oo ku aaddan abbaara 1930s ayaa ingiriis meesha God-Dhuub la yidhaahdo ka qabanqaabiyey tartan fardaha ah. Faraska kaalinta 1aad ku guulaystaa wuxuu qaadanayey 500 oo markaas ahayd lacag aad u badan. Faraska 2 iyo 3aad galana iyana lacag bay qaadanayeen. Fardihii nugaaleed oo dhanbaa yimi oo ay ku jiraan fardihii Maxamuud Cali Shire. Ninkii nugaal joogeyba waxa damac ka galay lacagtaa oo ayadoo aan loo kala maqnayn baa Goddhuub laysugu yimi.
Intaan tartankii la gelin ayuu yidhi maxamuud daallin ;
  Neefkan qaararka weyn
Quwidiisa la yaabay
Hooyadii qadan weeye
Qawlaanay uurka ku qaaday
Qalalaasiyo boob
Meel qasaare ka duulay
Qolana aanay tudhayn
Rasaas laysku qubaayoo
Meydku qaararka deylayoo
Mayadii ka qadaysey
Qalwo geel ololaysaan
Qoolaabow la wareegney
Qormadii Balanbaaliyo
Qoyski reer Abokor
Iyo qudhacduu ku dhashay

Qoolki waa laga dhawray
Dawan Qaaxa ballaadhan
Baa qoorta loo geliyey
Rag rasaas ku qabiiban
Yaa qaatilkii ka ilaashey
Qabaalkii Xanigeed
Haadla' qooriyadeeda
Qolmadowgi Kulaale
Durdurkii qulqulaayey
yuu kolba qaar u tallaabay
Dixidii ku qubnaydiyo
Darantiibuu laba qaaday
Qummaatibuu u mirtay
Qaybaa looga shaqeeyey
markaasuu quwad dhaafay

Qurux waa u Isxal
Qiimana waa u Taleexi
Quwadna waa u maroodi
Qafal waw Xamar Qaayib
Qorshena waaba u kaa
Neefki maanta la qooqana
Qoomamaa u danbayn

Qoobabakiisa fudaydka
Qanaantuu kor u taagi
Qardabaynta Muquuska
Qaybbaa loo arkayaayoo
Ninnaba loo qarin maayo
Keebaa soo qaddinteenoo
Qudheebaa u baxaaya

Waxaa qoobyar la keenay
Qaarna waaban aqaan
Qaarna waan yar qiyaasoo
Qolona maanta ma hayso.
Haddii laysku qac siiyona
Qaabka uu u ordaayo
aniga way Qorraxdaase
Keebaa soo qaddinteenoo
Qudheebaa u baxaaya

Qunyar hoos u habaarkiyo
isha laysku qalloocsho
Qalin-Ruug u duceeyiyo
Quwaddii Rabbigay iyo
Qardhaastaas bawga Xijaaba

Qummud maaha gabobey
Qaydhab maaha darmaana
Qayax maaha iftiina
Qaaje maaha Caddaan ah
Qumbe maaha Kudaad ah
Qobtol maaha sarriiga
Quufle maaha magaan ah
Qayir maaha madaw ah
Qallaf maaha margaaga
Qoone maaha kudaa ah
Qawax maaha cir weyn
Qooljeex maaha wareega
Quufle maaha xarraana
Qoobweyn gaabiya maaha
Inkastay cadho qaaddo
(Qaadhadid) qasan maaha
Xalayna wuu qatanaayoo
Qoomiibaa sawaxmaaya
Laba qaar iyo feedhiyo
Waa calool qamaddaadda
Keebaa soo qaddinteeno
Qudheebaa u baxaaya


markii Calanka loo tuuray ee uu kaalintii koobaad qaatay buu sii waday oo yidhi:
Xamaroow quruxdaada
Xamaroow Quwidaada
Xamaroow qafalkaaga
Qaadhaankaaga kaleeto
Bal an qaafka ka sheego

Xamaroow quruxdaadu
Qabiilka aan ka dhashay
Oo qolo laysa sinbiidhay
Qolkuraag iyo heense
Iyo qooryarii Sumucii
Dhawrqaad qaali ahaa
u soo qaatay shirkiiyoo
Qamaamaaya miyaa

Xamarow Quwidaadu
Qalajaakan Maroodiyoo
Intuu qoof yar dareemay
Qabiixaaya dhirtii iyo
Waa qaabkii Wiyileed

Qaadhaankaaga kaleetona
Adigoo lix qadoodey
Lixna qaad ku maqnaa
oo qol abaariyo meel fog
Intaad Qaawe ka doontay
Qaradaadi yaraatay
oo qalalaasiyo weerar
iyo ku qattoobey rogaal
Oo dhididikii ku qarshay
Qamiiskaan gashaanaa
Qaylidaa u ekaadayoo
Geela Qaawiyo Laan leh
Soddon qayb kugu raacay
Oo daba qoonbinayoo
oo Qoomihii sawaxmaayo
Wiiqiina aad qori mooddo
oo sidiisii qollajoobey


Ismail Mire ayaa yidhi " Waaryaa Gaanddaa galabtaynu Dhabayaco galnay waa siduu Ina Qooqan u soconayey".
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com