WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Hoobal-Cayaar

Maxamud Jaamac "Daallin", (1856-1990), (HJ).

Xilli ku aaddan abaara 1910 oo Colka Indha-Ride la baxay  ku duulay Daraawiish oo ay colloobeen ayuu Maxamuud geerarkan uu faraskiisii kula hadlayo tirshey habeenkii Ciidanka la dul fadhiyey ee subaxdeedii dagaalku dhici doono.
  Neefyow heeggan bilaashaa
Hadhkan geedka qaboow
Badhidaan ku hiraabshey
Hodankii Dixidii
Hanfigii Darantii
Hoosadii Balanbaal
Kibirkiiba ku halleeyey
inyar hawl iyo ooniyo
Haraab kaamarebeynin
Inyar meel an hoydiyo
Hurdadiskama deyn
inyar heerre Libaaxa
Habeen kaama ilaalin
Waa haddaanan hagoogtiyo
Hullaabtii iska xoorinoo
Intaan heensaha qaato
Hafiyaa Xakamaa
Afka kuugu hagaajin
Koorii oo hog-ka-qaad ah
Bustaa raanta Haldhaa leh
Hab intaan kugu siiyo
halhaleel u rakaabsan
habka aad u dhaqaaqdiyo
hardafkaad kala soocdana
hoobaanoow lagu daawan

Magaan waa hakadaa
Higsiguu ku lumaa
Dabada kaaga han weyni
Dhexdana huur iyo siigiyo
hufin baa loogu dhintaa
Habeenkaa la gudaayeen
haasaawaa balxinaayo
Ay hadalkayga rabaan
Raggu waygu hirtaayoo
Hareerna kuu duwi maayo
Colki wuu hufayaaye
Haddii aanad horraanta
Sidaad heello tumayso
kolba hoobal cayaarinoo
Marka waagu hagaagee
Higta weerar dhacdee
hebelloow la yidhaahdo
Hormasaartiyo boob
Kolla waadan hurayne
Haddaadan wiilka haweysan
Hubkiisii la diyaaree
haybadeey ka sokeeya
Anaa haadka cunsiinne
Halkuu joogo i geyn
Oonad neef hab wanaagsan
daruur hoortay la moodoo
Heensihiisa la yaabo
Halyey wiila ka xoorinoo
Haliiloow dhacsannin
Marka geelu hagaago
Xabbaadhiisu hirqaadona
Laba heeshi Irmaaniyo
Laba Gooja Hudeeciyo
Laba Aaran hayeesiyo
Rati Haamaha dhaanshiyo
Gabantii hulganaydee
Hooyadeed laga gooyoo
hifataa ololeysa
Haqaqaysiga maahee
Hadaadan hoodo lahaannin
hurintaa mar kaxayn
Wallee haybis danbeeto
hawshaa loo noqon maayo
Ninkaa soo higsan waayey
Hadhowtoy ma tidhaahdid.

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com