WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Habbis

Maxamuud Daallin(HJ) (1856-1990)

Gabaygan wuxuu abwaanku tirshey 1952kii oo colaadi ka dhex aloosantay beelo soomaliyeed oo deris ah. Maxamud Wuxu tilmaamaya sidii loogu soo duuley ayagoo war-ma-qabto ah ee ay isaga caabbiyeen raggii soo hujuumey. Wuxuu kale oo gabaygiisa ku soo darayaa colaad hore oo uu goobjoog ka ahaa oo dhexmaray HabarJeclo iyo nin Bari (Warsangeli, Dhulbahante, Majerteen, iyo Daraawiish). Goob goobahaas ka mid ah waa tii Suldaankii Warsangeli (Garaad Maxamuud Cali Shire) ay rasaasi dabada uga dhacday isaga oo carar ah. Waxa kaloo uu tilmaamayaa fardihii ay Daraawiish kaga dhacsadeen goobaha ay ka mid ahayd Kalxoor.

Wuxu yiri Maxamuud Alle ha u naxariistee;
  1. Codka gabayga caynka iyo ba'daan caalim ku ahaaye
2. Cirkaa kaa sarreeyiyo dhulkaan cidi u faanayne
3. Ciidiyo baddoo kugu qarxaa caafimaad malehe

4. Maroodigu hadduu cadho is maro looma caal heloe
5. Aar soo cadiigsadey wuxu cunaba naaafeeye
6. Wiyil caratay cuun geeda leh yaa looga cararaaye

7. Caqli malaha nimankaa na yidhi Cayn ha daaqina'e
8. Carra edegba waa laga hayaa caariyaa dhacaye
9. Cidda GeedQuwaax loo baxshey iyo caamadaa ururtay

10. Kolkuu ciidankii Ararsame iyo Caliba soo duuley
11. Colka ayda laga soo dhureen cidina noo sheegin
12. Ayadoo ciyaalkii Nirgaha culus ka soocayso

13. Cascasaanka waaberi haddii nalagu ciireeyey
14. Cilcillowga qayladu markay cayn walba u yeedhay
15. Caddadkeeda guutada intaan cidi is weydiinin

16. Kama cararin Mayliig raggii caanbaxa ahaaye
17. Solamdow haday carato waa ciidankii yurube
18. Abtidoonku waa cadaw hadii caanadoox dhacoe

19. Ku celceliye DhawrQaad intay cagaha laabeene
20. Cadaabkii ma tage Dhuuxyaraa ceebka dhiidhiyaye
21. Cadceedbaa Sengaha noo dhashoo waa cawo aduune

22. Cismaanbaa jarayn jirey waqaan cududi naafoone
23. Cishiibaa la doodoo gobbay caadadeed tahay
24. Markuu Caynab iyo Bood Fagaas Cali ku soo qaaday

25. Cuunkiyo Jaleeloba intuu calan wallaysiiyey
26. Cooflii nugaaled miyuu cagidi noo keenay
27. Ma cabaar yarbuu leebidii cadawgi gaadhsiiyey

28. Caashii Goldheer maalintaan rag isu caalaynin
29. Kolkii caaradhuubtiyo suntii laysku wada ciirshey
30. Goortii cabbaar laysla dhacay cadawgi maadhiinka

31. Sanweynaha casuusta leh markii cidhifka loo saaray
32. Cabaadkii afdiinlaha miyaa cidina hayn weydey
33. Sidii (Caamo) diday bay dhirtii caasha mariyeene

34. Casarkiyo Salaaddii baqaa cawdhis maw eriney
35. Careey Wira mar soo roga miyaa lagala caal waayey
36. Caday iyo Gurracan meydka yaal cuud ma hudhi waayey

37. CagaarKulule Yeyliyo Dulgaal cagaha maw saarnay
38. war ma cadaab aduunbaa la baday camalku yeelkiise
39. Cishii fiigihii galay miyaa caato ledi waayey

40. Ma calaacal iyo hoogneybaa laysu celinaayey
41. Calaf go'ayda naagaha miyaad ciyowga hawd moodey
42. Cirka da'ay miyaan geelayaga cidi la daaqaynin

43. Cagaarweyne iyo Toon miyaa caawa laga foofshey
44. Ma haddaan horweyn ciid u baxay cidi jalleecaynin
45. Geeddiga casuusta leh miyaa ciiro nala moodey

46. CariDhaaf miyaa reerkayaga Caalin uga baaqay
47. Cudurkii fallaagada miyaan laysu celinaynin
48. Caqliyeysey reer Hagar markuu cunay waraabuuye

49. Gobeysane(1864) caruur baan ahaa celisa xoolaaye
50. ninkaygaa caddaadee gugaa caana talinaayey
51. Calooshaan ku jirey maalintay carar ku dhaafeene

52. Caynaba intay hibanayeen ciidba laga qaadye
53. Casha qudha baquu naga daran cirir abaareede
54. Waxay noola caytamahayaan waa cilmi la'aane

55. Cibaarooyin kale yaa uumiyuhu nagu canaantaaye
56. markay laba cadaawe is heshooy caawin ololayso
57. Wallee dirir nin nagu caajiyaan Caalamkaa jirine

58. Ma coogcoogno maantii dagaal coonka loo yamiye
59. Nimankii dadkaba caajey bay calaf u doonteene
60. Callaaqado u jiifiyo sunbay cuna yidhaahdeene

61. Cishiriin kunoo shiish taqaan looma caal helo'e
62. Kol hadday guryaha Coon gashooy cidhifka dhow joogto
63. Caruurta iyo maatada haddii caana laga siiyo

64. Cirir baa ku toommama ninkii Caawin weerara'e
65. Cayaar looma gelin maanta iyo curadki reer shiikhe
66. Wax badanbaa qabiil soo calmaday cunay waraabuuye

67. Calqaddii Talleex iyo Qore yaanu caaradka lahayne
68. Cali Keenadiid,Nuur Dhalbaas Caamir lays hororye
69. Cadaad iyo Ilkacad baa Bah Geri coodha loo dilaye

70. Cumar iyo Dubeysna ways ogeyn ciidha dirirkiiye
71. Cashadii Gadh baa rer Garaad nagu ciseeyaaye
72. Cali shire iyo Dhaharbaa ogaa ceebihii dhacaye

73. Calanside iyo Weyseysane iyo Cawro iyo Siigo
74. Cali Karey fardii lagala hadhay ciil ma uu ledine
75. Cabdi Macallin iyo Hiirad baan cidi is weydiinne

76. Abshir baan na caasiyin markuu Caarre jeedladaye
77. Dadka kale cayaar weeye iyo caana galabeede
78. Cadaawii Baroo idil raggii caabbiyaan ahaye

79. Cabdulle Xasan baa nagu ogaa col iyo laystaane
80. Cayuun buubleh waa lagu yiqiin Caliyo Haaruune
81. (Camar) iyo dharaar weerar bay kaga cabsoodeene

82. Cumar Daahirna waa lagu ogaa cadhiyo liishaane
83. Weligood cidhiidh lagu ba'ay yay calanka qaataane
84. Cabbayseey markii laga didsaday cidhifka Xaabaale

85. Cidijiidka raacdada intuu caymanka u giijey
86. Col war diliyo baaruud intuu Ciise daba qaaday
87. Caanii intaan lagala bixin Cadar ma soo gaadhey

88. Codka dalabka waa niman yaqaan caynka Faransiise
89. Cidhba-gogolka Laydhoonku waa camaladdoodiiye
90. Cabbaarkiiba ba'ayeey miyey Canab la soo booddey

91. Jidhjidhoonka caanka ah kolkii caara yari duushay
92. Callaan sidan ee sow hand Garnayl laguma ciil beelin
93. Cabbaar erigi Maadeys miyaa curaddo loo toogtay

94. Uma caalo aadmiga kolkuu caaradhuub helo'e
95. ma shaluu carceeraa ka ridey cudud yaroow Khaalid
96. Allaylehe bagaa loo casilay was cajabiyeene
97. cidba niman ka dhalan oo horweyn cawdhiyaan nacaye
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com