WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
InaDucaalow

Maxamuud Jaamac "Daallin" (HJ)


Tixdan wuxuu abwaanku tiriyey ka dib markii niman ergo ah oo Lix ah oo culmimo iyo waxgarad u badan lagu laayey carro Dhulbahante horraantii 1950. Arrintaas oo dhaqanka somalida iyo kan islaamkaba ku foolxumayd waxa ka dhashay colaad raagtey oo lagu riiqday laguna raadgooyey dad-la-moodkii dilkaas Biri-ma-geydada geystey. Markii dagaalkii bilaabmay ayaa Maxamuud Daallin Habar Jeclo bari ku guubaabinayaa inay dagaalka soo galaan. Abwaanku wuxuu gabaygan guubaabada ah u dirayaa Maxamed Xaaji Dualle oo reer CeelAfweyn ahaa oo markaa ugu cudud weynaa Habarjeclada bari. Wuxuu gabaygu kaloo tilmaamayaa dagaallo googoos ah oo ka danbeeyey dilka culmimadaas uu ka mid ahaa Xaaji Muuse alla ha u naxariistee.
Wuxu yidhi Maxamuud Alla ha u naxariistee;
  1. Meeshiyo Duraaye iyo halkiyo duudi Nebi Aadan
2. Dilkaa maanta dhacay waa midaan da'ina sheegayne
3. Ergo dadabta lagu gawracaa dunida waw koow'e

4. Dayac dhacay Shamsada duugantee dacal madoobaadey
5. Reeraha daqiiqaha noqdee doorki laga laayey
6. Diricyada agoomoobey iyo dumarka ooyaaya

7. Aqallada dabayshanahayee daaha laga gooyey
8. Dawlaabta naagaha xidhay iyo Duubcad iyo Weerka
9. Dunjigiisba reer Muuse waw daawo oodanahe
10. Miyaan Ina Ducaaloow Nugaal daniba kaa haynnin

11. Dalkii aragte qayrkeenna waakaa Dannood tegaye
12. Dayrtiyo diraacdaba miyaan Doox la qabanaynin
13. Dixiyaa Madheedhka leh miyaan Debec la geyneynnin

14. Daadka laguma oga Caws, haddaa degi lahaydeene
15. Deegaanta iyo geedihii laysu dacareeye
16. Sidii niman an duul adag ka dhalan laysasoo dadabye

17. Dirindiir bannaan laguma furo deero iyo Cawl'e
18. Didibta Ceelafweyn iyo Huluul duunyo hanan waaye
19. Intaad Daba Wareeg iyo Yanqarax dib ugu guureyso
20. Miyaan Ina Ducaaloow Nugaal daniba kaa haynnin

21. Dohda Siraw duggii Faafan iyo degeladii Dhiito
22. Habaryoonis way durugsatee Doollo malahayne
23. Dalal iyo haddaa reer Ugaas deriso qaateene

24. Reer Maxamedkii lagu dirraa sooma didiyaane
25. Dagaal wuxu ka dhacay geelashii dooxa loo rogaye
26. Duqna kama eryado Ararsamii damaca waallaaye

27. Hagar Aadan waxa loo deldelay dayr-rinkuu xadaye
28. Dubbihii ku dhacay Khaalidbay dibu xasuustaane
29. Dacarbuu marshee iga Wallaan abid la daayeene
30. Miyaan Ina Ducaaloow Nugaal daniba kaa haynnin

31. Duhurbaa la galay Reer Warsame dalawadoodiiye
32. Dildilaha iyo laamaha markii lagu daliigyeeyey
33. Ina Dhookirkii soo dunshee daraf ka raacaayey

34. Degdegsiinyo waatay afdhuub ugu dadaaleene
35. Waxa Caalin shiishka ugu deyey waa dirkuu qabaye
36. Darandoorigii Ina SHibbiin Doollo laga sheegye

37. Dunjigii Barruhu waa yaqaan daw rag loo maroe
38. Doqonniimo Baale iyo Cali bay degel la jiiftaaye
39. Dibu celiye rimaydii lahayde Daawad iyo xiise

40. Haddii laga dultago Aadan waa dili lahaayeene
41. Daleel lagama faanee baqay kaga dareersheene
42. Degelkii Higloolay wadheen danabbadoodiiye
43. Miyaan Ina Ducaaloow Nugaal daniba kaa haynnin

44. Qabiil waliba dalab buu yaqaan lagu dirsoocaaye
45. Axmed Yareba Dooyiyo colbuu daabax ku ahaaye
46. Darka Caynaboo laysku xidhay Daawad sibirteeda

47. Dil iyo shiish dagaal iyo buruud laysku wada daabay
48. Gortuu duqeeyey bay dhunkaal dib uga yaaceene
49. Dadoo idili waa wada ogaa diiqmadii Hagar'e

50. Waatay dillaamaha baqaha dumarka jiidheene
51. Ninka dirira iyo geesigaa dir u lahaydeene
52. Adoogaana danab buu ahaa maanta lays dilo'e
53. Miyaan Ina Ducaaloow Nugaal daniba kaa haynnin

54. Ba Farooyo Duubbaa la jaray dayrtan maanta ahe'e
55. Cali Faarax dooyiyo xarrago duube oo dhigo'e
56. Aw Nuur halkii lagu deldelay kama dareeraane
57. Dilkii Xaaji Muuse yuu Isaaq diidey gogoshiiye

58. Darraa laguma ledo Maxamedow Daarihii Yurube
59. Wax Idaacaduu doonayaan war ay dayaanshaane
60. Ku denbowney xaajada intaa dibu dhigaysaane
61. Miyaan ina Ducaalow nugaal daniba kaa haynin

62. Haddaad daacad tahay iga Wallaan laga danbeeyeene
63. Dusha Laasadaar iyo Jeddaan laga dareereene
64. Deex uma aroorteen lo'dii dacasha dheerayde
65. Haddii duub la gubo jeer danbaa dogob hulaaqaaye
66. Miyaan Ina Ducaaloow Nugaal daniba kaa haynnin

67. Damalkoo la gooyo iyo marada didibka mooyaane
68. Dacwi gabay illeen iguma jiro dayrtan maanta ahe
69. Daandaansigii aan aqiin waan dabranayaaye

70. Dusha sare anuunbaa ka jira daar nin fuulaba'e
71. Jeeroow dil kale soo noqdoo qolo ku daaduunto
72. wallee aniyo Daarood ka dheer duudsi nabadeede
73. Iminkana rag ways daba socda duugga bal an dhawro

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com