WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Guul

Maxamud Jaamac "Daallin" (HJ)


Abwaanku wuxu gabaygan tirshey dagaalkii ErgaLayska ka dillaacay oo Habar Jeclo iyo Dhulbahante ku colloobeen. Dagaalkii Xargaga meesha la yidhaahdo ka dhacay ka dib ayuu marshay gabaygan, Isagoo tilmaamaya guusha la helay iyo in ay gobanimo tahay in HabrJeclo bixiso magtii dheeraadka u fuushay.
Colaaddan waxay ka bilaaban tay ka dib markii Dhulbahante dileen lix nin oo ergo ah oo culimo u badan oo ka shaqaynayey sidii ammaan loogu soo dabbaali lahaa geyigaas. Arrintan oo Dhulbahante ku ceeboobey qabiil walboo soomaliyeedna ku dhaleeceyey dilka Bir-ma-geydada ayaa dagaal ba'ani ka dillaacay.
Wuxu yidhi Maxamuud Alla ha u naxariistee.
  1. Gubataye adduunyadan maxaa galabta ooyaaya
2. Maxaa reero guuyow ahaa gelengel loo saaray
3. Maxaa oday gaboobiyo barbaar gumuc la lefsiiyey

4. maxaa geesi lagu eeran jirey Guduri loo loogey
5. Giddigoodba ----------- iyo gaanki Hagar Aadan
6. Iyo Geed Quwaaxii soke ee geelayaga quuday

7. Goonyaa Nugaal Godan miyaa Galaw ka dhiilleeyey
8. Nin kastoo is gaafaba dharaar gacanta maw taagney
9. Go'o iyo Cadaadleey miyaa guunyo laga waayey

10. Berkedii gudboonaa miyaa guura lagu dhaafay
11. Gumucii Birroole yaad lafaa galayax mooddaaye
12. Gudguduudka waaberi markii guuto nala saaray

13. Goortii Horweynnada gingiman lagu galaa feedhay
14. Gurboodkiyo markii Geeljirkii geesta loo mariyey
15. Galaayuuska qaylada kolkii la isku soo gaadhay

16. Gegidii Xargaga maalintay Goodir ololaysey
17. Sowtii raggii Good lahaa goobo dhigay maaha
18. Gorgorkiyo sowtay dhergeen gudurigii maaha
19. Galgashiyo Galaal niman ogaa nama guhaadsheene

20. Gaashaanku weligiiba waa nagu galoollaaye
21. Kobtii Geeri laga eegayaba waysku gudubnaaye
22. Gashi Bixinta dheeraadku waa gob iyo caadkeede
23. Allaylehe bagaa rag isu galay laysba garan waaye

24. Geyigii Nugaal Godan haddaan rag uga googooyey
25. Garoowe iyo Qawlaba haddii gaadhka lagu meershey
26. Geeddiga Ugaadhyahan hadduu goorna furi waayey
27. Gadhcas iyo Majeerteen hadday garagaleen maanta

28. Gabbalka iyo waagaba hadduu gaade dami waayey
29. Oon geel tolkay dhaqay nin kale gorof ku maalaynnin
30. Oo aanay Caynaba golweyn gobo' ka qaadaynnin
31. Sow geeri waa loo dhashaa gama' haddeer maaha

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com