WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Indharide

Maxamuud Jaamac Waal "Daallin", (HJ)


Guutadii la magac baxday Indha-Ride ayaa ku duulay Daraawiish horraantii qarnigii aynu soo dhaafnay. Colkaas waxaa Abaanduulihiisa ahaa Cismaan Abokor Fiqi Yuusuf oo ahaa nin geesi ah oo caalim ah adeerna uu u ahaa ninkii caanka ahaa ee Kite Fiqi Yuusuf la odhan jirey.
Maxamuud Daallin oo colkaas ku jirey ayaa la yidhi wax maxaad odhan lahayd caawa Fardihii way rokoocayaane.. markaasaa Maxamuud tirshey Geeraarkan soo socda;
  Geeraarkii iska daayey
Gabay waanan dirayn
Duxbaan iiga kordheyn
Haatan waana da'oobey
Dadkiina way maqli waayey
Duunyana way noqon waayey
Duxna way gelin waayey
Denbina waan kaga yaabay

Waxaan diinta ahayniyo
Dacwad aadmi ku faaniyo
Dagaal baan naf lahayne
Degmadoo Balanbaal
Dirindiirta Cadaale
Dalsankii Karammaan
Dadkii oo qamaddaada
Maxaan guuto dareertayoo
Dunta shaalka nin saartayoo
Duullaan loo xakameeyey
Doc intaan kaga yeedhay
Dalandoollay abaaroo
Dal shisheeye u moodneyoo
Dooyadii na hor meertayoo
Waayo dawga ahaynoo
Dalyo meel la lahaa iyo
Dagaar sii mirannay
Habeenkaannu dul joogney
Doodad baannu ahaynoo
Darbaddii dhaxantii
Nin-Doorkii ledi waayeyoo
Doqontii la canaantayoo
Kolkii waagu daliiley
Dalab loogu dhawaaqayoo
Deleb heense la saarayoo
Digta waaga aroooryo
Degmo meel la hawaarshey
Ku dillaacinnay weeraroo
Senge duubi Libaax leh
Doc intaan u barriijey
Intaan Jeedal ku duugey
Muquuskaw debciyoo
Ku daardaaray rakaaboo
Delaad aan qabanayn iyo
Dilib qoobka u saarray
Geeli ay didiyeen
Isagoo dunbudhyaysan
Uu darbaddiiba sariirtoo
Doc fuluu uga baydhayoo
Dib u soo celinoo
ku daanbiinay Hardaf
oo dooxo laysugu keenay
Ay raggii Daawad lahaa
Ma Dabbuuna la'aatee
Dagaal soo humiyeenoo
Duufaan laysku afuufoo
Dedibtii gargariirtey
Duhur goor ay ahayd
Dabkiina uu yaryaraaday
Dogob meydka la moodoo
Darbadays u dhacayso
Ninkii Khayre Ducaale
Dhoylaawoo ka darnaa
NInkii Diiriye Gaab
Daallinoow rag ku biimay
Aan dallaan u dhaqaaqnoo
U daliilinnay shiishkoo
Ninkii Doorka ahaa iyo
Dilaagii ka abbaaray
Ay dumeen oo hinqadeen
Oo intaan laan ku dillaacshey
Dawlaabeey ku dhawaaqnay

Cismaanoo Dabrin weyn
Daaddahaye ku jooga
Danabki an ka beermay
Dawrigii JeeniCadde
Xasanoo ka darraa
Ducaalii Ina Dooyo
Raacdeeyoo dadba yaabay
Niman dawlad ahaa
Wada duudda Cismaan ah
Doc intaanu kadlaynay
Dawgee geelu maraa
Dabse maxaynu sidnaa
Ayaa heegan danbeeya
Sidoo loo delbayaa
Dacwaddaa u dhaqaaqnay
Habeenkaa Darrin meel leh
Daawadeey ku xeraynoo
Debeddaanu ahayn
Subixii ka dareer
Ku sii daaqyey taxaabo
Waado Dawga ahayd
Durdur xaabo leh geynney
Danbadii ka qalnay
kolkii waagi dillaacay
Xabbaad loo daba joogsey

Laba Dawri irmaan ah
Laba Dayr-Rin ahaa
Duqdii geelaba beertay
Dacalloow Rati qoodha
Laba Qaalin-Dameer
Intaan saami ku duugey
Doc maxaan ula baydhay

Denbigaannu samaynay
Haddaan maanta ku doodo
Duxbaan iiga kordheyne
Daayinkoow iga saamax

Isaaquna waa dad ibleys
Oo dadka waa xistiyaa
Deyl Cali oo la yiqiin
Oo Dab-La-taagey ku jooga
Dacay oo ka darnaayoo
Duduwaaya Bullaale
Danabkii Ina Dhiil
Dawdarkii Ina Niiqle
Cawke oo nala duuliyo
Fardaalahaa dacalkaygiyo
Daarood ii furayaa

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com