WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
M.Daalin/CabdulahiMuuse

Abwaankii Cabdullahi Muuse ayaa tiriyey tix gabay ah oo ay ka mid ahaayeen erayadeeda;
  Fidmo Eebahay noo abuur farana noo yeelye
Nin fallaago doontaaba waa finish garoobaaye
Haddaan fulinney Faarax Cabdulliyo farac wixii raacay
Awal hay fadhiyo Arabna way fiiqda caanaha'e
Faska dhowna waa reer xxxx fooska baxayaaye


Niman Faarax Cabdulle ah (HJ) ayaa Maxmuud Daallin u yimi oo u sheegay gabayga Cabdillahi Muuse. Maxamuud wuxu ugu jawaabay HJ bari baan u gabyaa anigu idinna gabyaa waa idinka buuxaaye ninka wax iska dhah. Raggi waxay maxamuud u sheegeen in aan Cabdullahi nin ciyaar lagu haweysan karo ahayn oo Salaan Carrabeyba sixi waayey.
Maxamuud wuxu yidhi ninku waa idiin faanaye maad u faantaan. Markaasu tixdan kooban tirshey.

Faan kuuma meel maro haddi aan laguu furine
Haddaan hadalka loo fiirsan waa kula fogaadaaye
Adoon fiiqda aqoon baad faw la soo tidhiye
Faraha iyo shiishkaba rag kaa fiican baa jira'e
Fidnana Habar Jeclaa loo og yahay fil iyo waayeele
Fallaagadana Hagar Aadanbaa ugu fil roonaaye
Ka fajicinnay Habar yoonis iyo faracdi Daaroode
Fanka geela laayaanu nahay fooska dirireede
nimankii Daraawiish fidhaa kuu (faniigsadaye)
Majeerteen falaadhii Xargaga noo fadhiyi waaye
Fadxi yeelay Aarkuba markuu foodda dhiig daro'e
Maantii feddada layska helay Faarac xeradeeda
Franjaa Ilaah kuu baxshey iyo (faalki)gaalada'e
Waxan kugu furfuray uumiyii faallo kala daalye
Halka Farowgu daaqiyo Nugaal waanagaa furanne
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com