SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Magac Jab

Xasan Cabdi Cumar "Dharbaaxo Jin" (Sacad Muuse, HA)
Waa gabaygii Xasan Cabdi Cumar Iley (Dharbaaxojin) ugu Jaaabay Khaliif Madhuudhyooday

Nimuu miriray maankii qalbiga mohoraddii nuurta
Oo masaxan Quraanbaan u marin magane waa yaabe
Adoo deel micnaha uga waduu miim akhriyayaaye

Allaa Maaliga buu xuskii muran ka keenaaye
Marinkaad tustaabuu derbiga madaxa saaraaye
Magacaaga hadalkii xunee mirir ku reebaaya

Dib baa looga maagaa intaan uunku kaa maqalle
Mar hadduu magaalada dhexgalo xaalku kaa murugye
Allaa Maaligee gabaygi waa kaa maroorsamaye

Aduunbaa is maax dumiyayoo ceeb u soo mudhaye
Aduunbaa sirtiinnii mutuxay aad maldahayseene
Maqashiisay aadmiga inaad maanta jilicdeene

U miyiri wax badan waanigii maandhow ku lahaaye
Waanigii maslaxadiinna wadey maalin iyo Leyle
Musuqmaasuq ruuxii bartaan waano kaa maqalle

Waydinkii intii madax madow simay majeerteene
Waydinkii Malyuumaadka ruux sheegtay midhihiiye
Waydinkii is moodmoodi jirey sida Maraykaane

Ayaa muruqi aad sheegaysiyo kaa masaxay xoogga
Durba yaa mataanaha ku jaray kuguna maansooday
Durba yaa Muwaashiga la raro magane kaa yeelay
Sidii oori maamuus lahoo joogta milaheeda

Oo mudanahedii la diley qaylo laga meerye
Durba muusanaw iyo tollaay xaalku kaa mudaye
Macaruuf inaad naga heshaan haw malaynina'e
Waxba hay maslaxan beri horaan maanka kaa jaraye

Afartaa sidii Mayay onkoday mayska daba miisay
Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
Mudanoow Afloow iyo sidii Muxumud maw yeedhshey
webiyadaan ka soo miisan jirey miig ma kaga keenay
Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye

Macne maleh adduunyada ninkay soori malagtaaye
Majeerteen haddii aad tihiin maydhe sharaftiiye
Maamuusna waa kala tagteen maanta dabadeede

Magtiinuna inay naaqus tahay miinka laga sheegye
Maaddiinna uunbaa beryahan laysla marayaaye
Gumeysiga madow iyo markaan Moosko dirirayney

Markay Warsaw Miiggii cirkiyo keentay Minawaarro
Marsadii Berbera iyo illaa marinka Haadaamo
Yaa Maali-jirayeey markay ciiddu murugootey

Nin waloo mucaaridi markuu dan u muraaqooday
Waydinkii cadaawii na miray gees la soo maraye
Waydinkii mashiinnada gubiyo madhixi noo yiille

Waydinkii masaakiiinta iyo laayey maatada'e
Asalkiinnu meeshuu ahaa waydinkii maraye
Waydinkii matuuxsaday wallee meheraddiiniiye

Seyidkii midhkuu sheegi jirey maanta la ogaaye
Mabda' nimaan lahayniyo la barey Maxay-Saleebaane
Inse maqnaanshihiinnii la tebey haw malaynina'e

Micne dawladeed iyo qabiil kala mid weeyaane
Haddaan Diini magantiisa nahay ama Mariixaanba
Nama midab-gumeystee xaquu noo Mitiriyaaye

Waxan nahay mataaniyo dad aan kala maqnaanayne
Mid uunbaa wax maamuli lahaa labada meeloode
Haddaanse mawd i helin taasi waa mehered ii taalle
Kuuma muuqatee tiinnanaa muran ka joogaaye

Murtadkiyo Amxaaraha anaga kabaha noo maydha
Allaa Maaliga ee waydinkaa mooyahaw tuma'e
Muslinnimona waa kala tagteen Macatab mooyaane

Afartaa sidii Mayay onkoday mayska daba miisay
Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
Mudanoow Afloow iyo sidii Muxumud maw yeedhshey
webiyadaan ka soo miisan jirey miig ma kaga keenay
Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye

Macna maleh aduunyada ninkii muran la joogaaye
Maskax-xumada iyo caydu waa meheraddiiniiye
Iidoor marduuf qaad ah helay kaa martabad roone

Intay sharafti maydheen Kufriga uma miciinaane
Calankii maqnaa iyo Dhulkii Saynka may marine
Ma martiyin amxaarada siduu yahay Majeerteene

Moxog diirayaa iyo Hawiye Muufa dubayaaba
Waa niman masuul qaadi kara magacna kaa roone
Habar Gidirta Mudug joogta iyo Sacadka aad maagtay

Murursadiyo Caydhiyo Abgaal mudane weeyaane
Waa niman halkaas aad marteen maro ka saarnayne
Waa niman midnimadooda jecel midhaha Soomaale
Waxba hays marmarin waa dad aan kula masoobayne

Ugaadeen dhulkiisuu mulkiyey kii malgaad tahay
Ma ay mooga ceebtaad shalay ugu miciinteene
Waad mala habowdaye ayaga ma aydun maagteene

Madfac bayba kula goobayaan meel fog kaa dila'e
Ninkiise marinka seegaa khalqiga ways miyiriyaaye
Idinkuna majeerteen shafkaad soo mutuxaysaane

Wixiinuba macaac kama duwana lala mashquulaaye
Kuwanaan bahday moodayiyo muranku waa beene
Ninka Moosko joogaad tahee muusanow kicinne
Hartinnimadu meeshay ahayd waydinkaan marine

Afartaa sidii Mayay onkoday mayska daba miisay
Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
Mudanoow Afloow iyo sidii Muxumud maw yeedhshey
webiyadaan ka soo miisan jirey miig ma kaga keenay
Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye

Soomaali waa mide waxaanad meel u kala geynin
Waxanad magac qabiil iyo hayaay ugula meeraysan
Waxanad mudanayaalbaa la diley noo maqmaqashiinnin

Mabda'iina waan wada ognahay aad maldahaysaane
Macaruuf inaad naga heshaan haw malaynina'e
Waxba hay maslaxan beri horaan maanka kaa jaraye

Inkastood colaad maamushood wax is mihiibsiiso
Inkastood kufriga Moosko iyo Minilik soo raacdo
Inkastoo hub magac weyn leh iyo miigba lagu siiyo

Inkastaad magaalada qandala oohin kula meerto
ma adaa malkada caabudwaaq miig ku tegi doona
Sow inaan mataanaha ku jari miinka kuma taalo

More lagu gartiyo midu ku yaal magaca saynkoodu
Mawluhu ma soo rogin Illeen calan majeerteene
Nacasnimada maarowdey waa meheradoodiiye

Waxan mudannay maamuus-darriyo ceebti lagu maydhay
Qabiiloyinkays madhiyey iyo meydki tira beelay
Wixii geesi magac wey lahaa dhiiga laga miiray

Dhulkii deyrka lagu meeriyee laysku mari waayey
Anaa mahan leh meeshaas ha degin murugadii joogtey
Masuulkaba ninkii looga dhigay maamulkiyo ciidda

Meydkii rashiid ee la yidhi Mudug ha loo qaado
In xabaashi maal loogu gaday cidi ma moogayne
Nin maqliyo nin meeshaba fadhiyey midhaha soomaali

Mudaniyo marwaba maalintaa laga madoobaaye
Intaasaa mataal noogu filan meheraddiinniiye
Muraadkaa ku toos Awgayoow hay makeekiyine

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com