Qoraal (Written)

 Gabay Macaankiis

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  Gabaygii Durdur

  Jawaabti Maruuryo

  &  Qawdhan

  Xalay dhimatay

 Ammaan dumar

Qasiido

 Allaha daayinee

 Sideed Dumara

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Maxamuud Max'd Yaasiin "Dheeg"

 

 
 

  Ciidagale - Guuyoobe

  Gabay Macaankiis

  Gabaygan wuxu abwaanku uga jawaabayey nin Majeerteen ahaa oo gabay uu ku caayayo Soomali oo dhan soo tirshey. Ninkaas dhawr nin oo aan is ogeyn baa u gabyey waxana ka mid ahaa Maxamed Dheeg oo gabaygan aanan wada hayn tirshey. Wuxu yidhi Maxamuud Dheeg; (Gabaygu ma dhamma)
 

Murtida iyo macnaha gabayga iyo muunaddiyo luuqda
Waa martabad saroon uumiyaha Mawle wada siinne
Mulki kaleba soomaaliyeey waa ku murannaaye

Maansiyo kolkay gabay tihiyo midha la luuqeeyo
Sow Miidhayadan reer Isaaq lama mihiibsiinnin
Mankiisiyo Mullaax iyo Laf iyo gabay macaankiisa

Macdantiisi sow Eebahay naguma soo meerin
Milgaa hadalku lee yahay haddii maalin nala siiyey
Uma mumo nin murudkii hadhiyo moodki xaabsadaye

Majeerteen ha noo soo tirsheen maansa-Boolida'e
Iyagoon malcaamado u gelin miinkiyo hingaada
Oon Macallin wax u sheegin bay mus isku qaadaane

Dar maqiiqayoon u hubsan bay eedday maansaduye
Murtidiyo Af Soomaaligii waad ka madhantiine
Nin Mallaay ku koray baan xikmada miiqna loo darine

Haddaan lays makeekiyin xaqana laga mildhaawaynin
Murti gabay ugaadeenka waysugu majiibnaaye
Maandhoow Dhulmahantahana ways midha naqaanaaye

Warsangelina marar waa tirshaa maanso loo boga'e
Midna ma tihid saddexdii qolee loo malayn jiraye
Maandhoow Khaliif gabaygi wuu kaa maroorsamaye
Mid horoon ogaa iyo kaniba way kaa memelanyiine
.....SOO DHAMMEE

 

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com