WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Shuhuboobe

Cismaan Aadan Dibi "Guniyobaareeg" (HJ)


Ciidamo Daraawiish iyo Bah Geri ah ayaa weeraray dhulbahante galbeed. Ciidaankaas waa la jebshey waxana halkaas gabay ka mariyey Cali Dhuux oo ku taamaya guusha tolkiis haleelay. Cali Dhuux wuxu Carrabka ku godey Habar Jeclo oo uu tilmaamayo in ayaga lagu soo khaldamay balse hadday habar jeclo humaajiyi lahaayeen ay guul la gurya noqon lahaayeen.
Waxa ka mid ahaa gabaygaas Cali Dhuux tirshey.

Cayuun Shacabka wiilkii lahaa shaah ka karinaayo
Waayeelna xeeb uga shir tegey maleh shirshooruuye
Sharba idinma daareen haddaa shalay na dhaaftaane
Dar aan idin shiddeeyeenba waa naga shisheeyeene


Gabaygaas jawaabtiisa waxa Cismaan suagayey 23 sannadood. Waxay muujinaysaa dhaqan wanaagga gabyaagii hore oo ah inaysan gabayga iska marin jirin ee ay u miidaan deyi jireen oo hadba midhka ay rabaan ay madashii ku habboon ka marin jireen.
Majeerteen (biciidyahan) ayaa ku soo duulay Dhulbahante Galbeed oo indhahoodoo shan ah waxay geel lahaayeen meersaday. Faankii Cali Dhuux iyo faduushii Habar Jeclo u geysey ayay noqotay inuu midhaheeda durduurto. Cismaan Aadan oo tilmaamaya sida loo galay nimankii Dhulbahante kuna diganaya ayaa marshay tix aad u qurxoon oo ay naga soo gaartey erayadani macaanka badani.

Wuxu yidhi Cismaan Aadan (Gun iyo Baar eeg) isagoo warbixin siinaya Salaan Carrabey;
  Shilka dhacay Salaanoow miyaan weli lagu sheegin
Sheekada God-dhuub timi miyanay shaaca ka cadaanin
Shangaliyo Dhulmahantoo fadhiya shiilcaskiyo ceelka

Ayadoo shirkoodii dhan yahay sheybe iyo wiilba
Oo qoriga lala soo shirtegey kun iyo shii' gaadho
Shanbacood la naar nimanku waa shiqibka Daaroode

Shaki maleh Majeerteen inuu Sheemo weeraro'e
Iyadoo Shamsadu soo baxdoo waagu shararaaxay
Shifay uga dareersheen xeryii laguma shaaddayne

Laye laba shanaad raacdadaa daba shanbuurrayde
Shanlahooda goortay arkeen ama shallaadkooda
Ka shakiye? markii loogu yimi sheedda Dhagaxley'e

Ararsame shafku dhigay siduu shuux ku soo dhacaye
-------------------------wadnaha shiil Allaw dhigaye
Shimbirawga ciyey Ayihii wada shareerraaye

Shullaweynta rer hagaar ma gelin shaaxin dirirtede
Shuhuboobe nimankii lahaa shayga saa'idahe
Hadhowbaa hagoog lala shuxlayn shacabka caymeede

Oo geelayaga biir la shubay loogu shiikh noqone
Shurbaddii magaaliyo maxaa shaaha lagu fuudi
Sharafmaa hablii Khaalid dhalay lagula sheekaysan

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com