Sow waxan illaawaba nin xumi ima ogeysiiyo

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
  Dhoohnaanta Dhoodaan
Sow waxaan illaawaba nin xumi ima ogeysiiyo
 
Waxan ka cudur daaranaynaa inaannaan idiinla soo degdegin jawaabahii ku saabsanaa isku daygii reer Doqon-ma-Waaye isku dayeen inay hadh cad ka sinaystaan suugaanta Soomaalida iyagoo sidii caadada u ahayd ka been sheegaya dhacdooyin taariikh iyo suugaan raggii lahaa waa hore allaystay balse murtidoodii weli nooshahay. Abwaannadii hore inkastoo iilka la wada jiifshey misna tayada Suugaantooda ayaa qaar noolaysa qaarkoodna loo ilaawaa taasaana keentay in abwaannada loo kala saaro qaar dhintay iyo qaar nool oo weli erayadoodii ka dhex iftiimayaan dhaqan suugaameedka Somalida.  Abwaannada dhintay ee aan dhaxalka weyn ka tegin ayaa eheladoodu isku dayaan inay nooleeyaan magacooda iyagoo geyeysiisa inay suugaan rag kale lee yahay ku qurxiyaan  ayagoo ka diimoon in wax tegey oo taariikhdu hoosta ka xarriiqday aan la beddeli karin si kastaba ha la isugu dayee.  
 
Sidaannu hore idiinku soo tebinney waxa nasiib darro ah in Dhoodaan uu si xishood darro ah ugu gelgelimaysto murtida iyo suugaanta. Ka dib markaannu la xidhiidhnay bishii September dhawr abwaan oo Hargeysa deggan qaarkoodna gobollo kale ka soo dooleen, waxa noo muuqatay in ruuxani uusan ahayn sida la moodayee aanuba mudnayn jawaab iyo in hadalkiisa miisaan aanu lahayn loo yeelo maadaama uu doortay inuu sidii lax dhukan hadba doc isku qaado oo ku kaco waxyaabo aan laaiq ku ahayn suugaanta. Nin abwaana oo ninkan hor fadhiistay isla markaana weydiiyey khaladaadka ka dhacay inuu wax ka yidhaahdo wuxuu noo sheegay in "Dhoodaan taariikho aad u badani isakaga qasan yihiin uuna u baahan yahay in la badbaadiyo", halka mid kale ku tilmaamay nin taariikhda Somalidana hadda ku baraarugay balse ay isaga murugsan tahay oo aan hadalkiisu  wax ka soo qaad lahayn. Waxa uu nin kale oo abwaani ii sheegay in mar uu weydiiyey inuu gabayo ka tirshey xaaladaha hadda Somalida dhexdeeda ka taagan inuu ugu jawaabay cay uu ummadda Somaliyeed oo dhan ku aflagaadeeyey taasoo igu dhalisay buu yidhi inaan is weydiiyo in ninku dhan yahay iyo in kale. Waxay Abwaannada aanu la xidhiidhnay ay isku raacsan yihiin in aan hadalka Dhoodaan aanu ahaynba wax waqti la iskaga lumiyo sumcadiisii iyo karaamadiisii qofnimo iyo tii uu abwaannada ku dhex lahaanna ay dhantaashay taariikh-ku-sheegta aanu u miidaan deyin ee isagoo ciil ka muuqdo uu  habartuu arkaba u duubayo. Xaajo ninkaan ehelkeeda ahayni indhihuu ka ridaa'e, Dhoodaan wuxu is mooday in afarreyda uu tirshaa xaq u siisay inuu isku looho taariikh aanu cilmigeeda lahayn inuu ka hadlo isagoon samayn baadhitaan iyo waraysiyo dheer oo deegaan keliya aan ku ekayn. Waxan weli dad badani fahmin in la xusona u baahan sababaha dadkan wax-ma-garatada ku gaaryeelay sheegashada Murti, Magac, Maal iyo Dad aanay lahayn ama u dhalan ee keligood ku kelifa sheegashooyinka noocan ah iyo sababta astaantan uurkutaallada leh looga waayey dadyowga Soomaaliyeed ee xalaasha ah.
Haddaba maxaa innala gudboon oo jawaab u noqonaya damaca reer Waaq Koombe? Ma sidii Abwaanka Qarniga ee Ibraahim Gadhle ayaan nidhaahnaa;
 
Kaadida dameerkiyo
Hadduu Daamur kaa kale
dusha uu iskaga shubay
Adiguna tu doofaar
isku daadi kuma odhan
Doqon iyo nin liitiyo
ayaan jaahil lagu dayan
 
Mise toloow intaynu gobannimada aynu ku taamno meel dhiganno ayaan heerkooda inta gaadhno sheegannaa buraanburadoodii? Aniga kolleyba way igu adagtahay inaan nin durriyadda ah magac ka dilo oo ku magacaabo suugaan ku sheeg Oromo dhoodhoobtay, balse waxa taas ka sii daran aamuska oo ah shidaalka ay ku shaqeeyaan dadkan madhan ee maalin walba waxaysan lahayn u muhanaya. Inkastoo sheekadu ku qurux badnayd in aan ruuxan iyo dhareerkiisa dhinac la isaga leexiyo oo dameer ciyey sidiisa dhegaha laga furaysto, haddana arrinkani waa mid joogto ah oo mudan in si midaysan looga hor tago.
 
Dadka Somalida ah waxay 93.5 % isku raacsan yihiin inay dadkani dileen karaamadii iyo sharaftii ummadnimo ee Somalidu kaga sheegganayd quruumaha kale waqtiyadii la soo dhaafay. Waxa markhaati ma doonto ah in magac-jabka iyo dulliga ummadda Soomaliyeed ku habsaday sannadahan danbe ay u sahamiyeen Soomali-ku-sheegga isu keenkeenka ah ee tallaabo kastoo ay qaadaanba tahay mid ka dhan ah jiritaanka, karaamada iyo sumcadda dadka afsomaliga ku hadla. Sidii ay ula anbadeen xukunkii dalka ee haadaanta uga tuureen ee haad iyo haanraawe u cunay ayay maantana damacsan yihiin inay wixii ka hadhay isasii raaciyeen iyagoo taariikho sida cadceedda aan caad saarnayn mugdi gelinaya. Tallaabooyinkan dayuusnimada ah ee Gaalla-ka-hadheenku la damacsan yihiin jiritaanka ummadda waa mid ay isha Somalida ka arkeen. 
 
Waxa qosol leh, Kuumadayaasha iyo Koombeyaashu iyagoon is ogeyn baa midba gaar u sheegtay murtidii Salaan Carrabey ayagoo sadaqaddii uu Salaan Carrabey sida hagar la'aanta ah ugu deeqi jirey kaga abaal gudey inay Murtidiisii sheegtaan iyagoo aan ogeyn inaan Murtidu siin iyo sadaqad toonna gelin. Cabdulle Raage ayaase isagoo sifaynaya asxaan la'aanta dadka laga hayaa
 
Aadane haddaad anfac iyo udug ku sooryeyso
Waxa saxaradiisu u urtaa waa asxaan li'iye
 
Akhristoow mar haddaan dadkan waqtiga iyo waayuhu beddelayn waran uga tudhistooda waxa ku jirta liidnimo. Dhaqanka iyo Suugaanta waxa iska leh dadka Soomaliyeed ayagaanay jirtaa siday u ilaashan lahaayeen kamana yeelayno cidna inay khalkhalgeliso. Hanti kasta waxa ilaashada ninka leh nin aan ku tabcin ama u dhididinna waa u fuddahay inuu isku dayo inuu meersado laakiin mar haddii ninkii lahaa u maleegan yahay baylah-tirkeeda lagama yaabo in fadhatada hadafkoodu u suura galo.
 
Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com