Qoraal (Written)

 Banjarte (Haye)

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  Banjarte (Haye)

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
 

 Faarax Xaaji Xasan

 

 
 

  Habar Jeclo

  Banjarte (Haye)

  Gabaygan oo aan dhammayni wuxu ka mid ahaa suugaantii laga tiriyey dagaalkii "Haye" ku dhex maray Reer Yuusuf iyo Dhulmahante oo wata Gaas ka mid ah Ciidamadii Qaranka. Gabaygu Ma Dhamma
 

Ba'da gabay beryaa Aadanoow beeg isma lahayne
Waataan boggaygiyo ka jaray bedenka feedhaaye
Caawana ragbaa igu balfee ma an bilaabeene
Bilaashaqalka iiguma baxdoo ma ihi bayd-gaabe
Mar haddaan barriinsado murtida waan bayimiyaaye

Burunjida Maroodiga ka weyn biliga reer Sheekhe
Haddii bacadku kululaado oo laysku bahardaadsho
Beenta laguma eertee runtaa lagu baqoolaaye
Badda jiifta iyo waxannu nahay buuro xoog badane
Bisinkaa ilaah nagu xawilay oonan baarriyine

Haddii uu banbaanuhu qarxoo beledku qiiqaabo
Baaruud haddii laysku rido amase Baazuuke
Oo lays ba'naansado rag waa kala boqoollaaye
Billad bay halkaa kala tagtaa baha xabuusheede
ishoon bidhiq la siinbay durbaba boqol ku saydhaane

Afartaa bineeyee haddaan baal kale u leexdo
Iyadoo badhaadha gugiyo berisamaad joogta
Oo ay barwaaqadu da'doo boga la maalaayo
Abidkoodba boqor jaahilay bigil u qaadaane
Basarki ilaahay ka qaad beledi Daaroode
Iyagoo bayaan u arkayay nabaddi biiyeene

Buuhoodle duulkii ku shiray jaray bidhaantoode
Beeshii Wacays Aadan iyo Hagarki baanaayey
Cali Gerigi baashaa u tegey biishka la cunsiiye
La bardaan biyii geed-quwaax baqa daraadoode
Biixiyaa mataanaha ka jabe reer Biciid yahane
Bogga Tuurwareen waxa ku go'ay boonti reer Gedo'e
Biirbiir la soo ururiyaan biidna kuu tarine
Balli Shiikh bartaa qararro, iyo bananki Heegaale
Bogcaddaa Hayiyo Qaydar-Jeex bower naga raacye
Teeriyo Birroolena waa badanyay meydkoode

Birjab baa Ugaadeen ku dhacay laguna baalbaalye
Buundadii Wardheer iyo ka carar baro Walwaaleede
Baqtigoodu waakaa ka uray webiga baalkiise
Allaylehe burdaa loogu taxay biidhi-qaatihiye
Billaawa-cadda Habar yoonisbaa goysey boqontiiye
Markuu Arab boggaa kaga riduu keenay bawdada'e
Haddii goob dagaal loo ballamo oo buunka la afuufo
Sacad Muuse waa badanyahoo keenyey baariga'e
Iyaguna bartay jiifsadaan looga kala baydhye
BeeBeega iyo Kaarahay kugu badugaane

Ninki belada heensaday ma helo baarax nabadeede
Berri waxaynu eegnaaba waa balanbalkiinniiye
banjartee halkiinnaa ku jira boobte taladiiye

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com