SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Faallo

Waa faalo Kooban oo ku saabsan Tixdii uu ninka Majeerteen Bilaabay 1978 kii iyo sidii Abwaannada Soomaliyeed uga jawaabeen gabaygii Calaacalka ahaa ee Khaliif Sh Muxumed.
Gabayga waxa ka jawaabay rag ay ka mid yihiin
Dharbaaxo Jin
Maxamed Dheeg
Cali C. Afyare
iyo nin Hawiye ah oo aan magaciisu weli isoo gaadhin balse gabay qurux badan ku caabbiyey caydii Khaliif.


1.Aftahannimo.
Khaliif oo is diidsiinaya gabaygii dharbaxojin ayaa yidhi

hadii Qaasin soo marin lahaa kama masuugeene

Dharbaaxo-jin halkaas goldaloollo ayuu ka helay ah
a. inaan khaliif ragaas murti ku gaadhin
b. in raggaas aysan caytamin sida khaliif uu u dhar dhigtayna aysan suubiyeen
wuxu yidhi isagoo ariinkaas sheegaya

Haddaad tahay muriid aad ahoo miinka ka hingaadsha
Murtidii Gahaydh iyo haddaad Qaasin muhanayso
Maarshaalladaa sare haddaad tahay mataalkooda
Muska maanad jiidheen sidii neef muwaashiyahe
Kamaad soo mujiibteen runtaan miiska kuu dhigaye


c. dharbaaxo jin waxa uu tusayaa sida aakhiru-sabanku amuuro hor leh u keenay
majeerteen murti ugu haweystey maansada macalimiinteedii. Wuxu yidhi
--
Adduunyadan minkeedii lumii sii mushkiladowdey
Adduunyadan malay dabatadii magaca doonayso
Adduunyadan nimaan muuqan jirin faan la mari waayey
Adduunyada minjaha loo rogee maduxu hooseeyo
Addunyadan majeerteen Isaaq gabay ku maagaayo
waa maan-barrey iyo maan-Bilaal mahadhadoodiiye


d. Wuxu abwaanku ku xijeyey inuusan ka masuugeen murtiyahanadii Daarood
ee maasa tirinta lagu majeeran jirey.

Raggiise aan la maansoon lahaa aakharo u meerye
Raagihii mudnaa iyo Qamaan mawdki baa helay'e
Seyidkii murtida sheegi jirey meel fog buu tegaye

masalooyin Cali-Dhuux lahaa iima soo marine
ismaaciil Miriyo Cumar Dagaanan kaga masuugeene
Adigana inaan kula murmaa way macno la'aane
Mujiibtuba khasaaray ku tahay badaw Majeerteene


2.Cay mutuxan
khaliif markuu arkay in gabaygii laga helay ayuu bilaabay galgalasho iyo inuu
Af-lagaadeeyo hablaha durriyadda. Wuxu yidhi khaliid Sh Maxamud

hablihiinnii mudnaan jirey maxaa magane soo dhoofshey
masjidkii ilaahay maxaa loo mushkiladeeyey


Dharbaaxo jin waxa u bannaanayd laba arimood.
Inuu xeerka islaamka iyo kan umadnimada dhawro oo uusan caytamin iyo
Inuu caytamo sida khaliif oo hablihii majeerteen ee madmadoobaa ee majeerteen caayo. Taas way la noqon weydey isagoo u arkay inaanay hablaha labada quruumood ahayn kuwo la isu caayo. wuxu malaha soo xasuustay murtidii Salaan Carrabey ee ahayd;

Goonbaartu waxay caasidaa midanay gaadhayne
Ma gudboona gaarida sare iyo gibirta naaxdaaye

Wuxu yidhi DHarbaaxo-jin

Waxa jira mashruuc aan la gelin lagana maansoonne
Dibnahaa maroorsama ninkii mawqifkaa gala'e
Ma macaasho kii ceeb hablaha ugu miciinaaye

Majeerteen kuwuu dhalay xabaal kuma madoobayne
Maanshaa-Allee dumarku waa ma-hurtadeenniiye
Waa midho inoo wada dhexoon cidi ka maarmeyne

Midda aad qabtiyo hooyadaa laga mataalaaye
Maxaa cayda mooskaaga taal magane kuu geeyey
macdantii xishoodkiyo maxaa sharafti kaa maydhay


3.Madax iyo Caloosha yaa cuna
Waayadii Somalidu magaalooyinka gashay waxay daruuri noqotay in raggu hotel furtaan
oo ay raashin ku kariyaan si ay uga faaiidaan. Arrinka karinta raashinka wuxuu ka ahaa ceeb
dhaqanka miyiga sidaa darteed bay Daaroodka qolyaha miyiga ku danbeeyey u arkayeen
in rag raashin karinayaa ay ceeb tahay oo ay Isaaqa ku caayi jireen.
madaxa iyo caloolaha dad baa cuna laakiin dhaqan ahaan isaaqu waa ka caagganaa oo ceeb bay ku ahayd.
Khaliif yidhi;

bal maxaa minjaha ugu gaddaan gigan makhaayaadka
maxaa fuudka maradaad qabtiyo mariyey shaadhkiinna


Dharbaaxo jin oo ka jawaabaya arrinkaas wuxu yiri;

Mid kaloo ka sii daran maxaad miinka uga qaadday
Wanka macasha weynliyo maxaad fuud u magawday
Madaxa iyo calooshiyo maxaa maydhaqyada keenay

maroongiga maxaa kugu xaqsaday inad ka maahmaahdo
Mulac iyo mas dabin kuu galoo magac kalluumeed leh
Idinkuba Malaygii qudhmaad madhax ku sheegtaane

Waase lagama maarmaan cuntadu maalin iyo leyle
Masalooyinkaagii maxaa dheri ku meermeershey


4.Is beraanber.
khaliif wuxu yidhi;
iidoorku waa niman mahwiya muranku waa ceebe
Waa niman mahiigaan ka badan ama malaayiine
waa niman magaalada Berbera maal ka dhoofsada'e
hayeeshee marduug qaadi waa meheraddoodiiye


Dharbaaxo oo la yaabban kala hadalka kahliif wuxu yidhi;

Inaan nahay malyuumaad kun oo meel kastaba jooga
Inaan nahay dad wada muuminoo badi mashaa'iikh ah
Inaan nahay dad magac weyn lehoo midhana loo yeelay

inaan nahay makhluuq aan lahayn meelo laga caayo
Ma og tahay markhaataad furtoo uunku kaa maqalye
Micna yare midhkii kaa ku xigey seegtay marinkiiye

Malaa'iigta Eebbiyo(SW) inaan Maxamed(CSW)caayayno
Inaan nahay maroongiga dad cuna maalin iyo leylaba
Inaan nahay macnaha dawladeed dad an muraadeynin

Inaannaan masuul qaban karayn maamulada guudka
Ma og tahay markhaatood furtoo uunku kaa maqalye
labadaba aduunbaa marshoon mid u dhaxaysiine

Micnahaad u jeedana dadkii maandhow garan waaye
maskax-yare, malay hadhig ku dabe murammo naagoodle
Macaan iyo qadhaadh aan is geyin meel isugu geeye

Masalooyinkiisii shalay maanta garan waaye
Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle
mabda' iyo ujeedadu lahaa muujin garan waaye

Maqalkiyo miskiinyohow indhaha laga madoobeeyey
dad aan kula martabad jooginbaad maag is leedahaye


5.Dawladnimo vs madaxnimo
labada nin midna Wuxuu ka gabyay dawladnimo iyo Calan midna madaxnimo qabiil lagu doonto bal ila fiiri akhristoow;

Muqdishiyo hargeysaan ahayn labada meeloodba
isticmaarku goortuu ka kacay labada meeloodba
Ee muunays hashaadii dhashee muraha loo qaatay

Mulkigeeda waatii rag kale kaa maroorsadaye
sidii inan makaan loo dhisoo loo mashxaradaayo
muqdishaad u geyseen xornimo madal dharaareede
maxaad aniga igu maadsataa lagu muquuneeye


Dharbaaxo jin oo hal-raacaya Khaliid wuxu ugu jawaabay

Taariikh la soo maray haddaan dibuga maansoodo
Muqdishiyo Hargeisaan ahayn waa midkaad tidhiye
Maalintuu gumeystuhu ka kacay labada meeloodba

Mulki aan lahaa iyo inaan dawladnimo muujey
Mirtii dhexe inaan calan mutuxay qiratay maandhowe
Haddaad mooddey maandeeq in xoog lagu muquunaystay

Waad maqashay mooyee adaan joogin madashaase
Way ku mala-habowsheen kuwii maabka kuu qoraye
Macnihiyo ujeedadan lahaa waa wax kaa maqanne

Waxan nahay masayr dad an u dhalan sida majeerteene
Calankoo midoobaan rabiyo dawlad magac weyne
Shantii kala maqnaa baan lahaa meel isugu keen'e


Dagaalkaas suugaaneed waxa ragga suugaanta u dhuundaloolaa ku soo gebagebeeyeen in Dharbaaxo jin ku guulaystey hadday noqoto
Gabay iyo murti
Asluub suugaamed
Qodob ahaan
Gabayga Khaliif wuxu ku dhacay cay, cabaad, calaacal, cataw, ceebayn dad kale, caqiido xumo iyo ciraabtiisa oo ciishay oo uu ku ciilbixi kari waayey
 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com