WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Aakhiru Sabaan

Faarax Nuur, "Arab"


Gabaygan wuxu Abwaanku tiriyey waagii Gaaladii Yurub ka soo gooshtay ay geyiga Soomalida qaybsanaysay. Wuxu Abwaankii Waddaniga ahaa ee Faarax Nuur (Ilaah ha u naxariistee) ku guubaabinayaa Ummadda Soomaaliyeed in aan la aaminin Gaalka sidii uu Eebbe Inna faray. Wuxu abwaanku ku bilaabayaa in astaamihii Aakhiru-Samaanku ay ifafaalahoodii muuqdaan;
  Ingiriis Axmaariyo Talyaan wey akeekimiye
Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Anse ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye

Orgigaa riyaha taadaxoo oodda faaliga e
Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene
Anse ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye

Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine
Waa duni akhyaartii go'day oo aaran soo hadhaye
Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye
Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Afka iyo adduunkaa hadloo oodan? sadarkiiye
Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo
Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo
Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine

Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan faracdiisa
Oo aydnaan Ilaahay ka go'in hayna oodina'e
Hadduu Awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye
Inaga Daaya yaynaan ku dhicin bahal Afkiisiiye
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com