WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Hadduu Saakimi waayo

Faarax Nuur, "Arab"


Faarax Nuur wuxuu dhashay wakhti lagu qiyaaso 1860s; waxaanu dhintay horaantii 1930s. Farah Nuur wuxuu kamid yahay gabyaaga waaweyn ee Somalida. Inkastoo Farah leeyahay qaar kamid ah gabayada u xasiisisan dhinaca qabiilka iyo dagaalada sokeeye, haddana waxaa uu leeyahay kuwo uu sulux iyo nabadgelyada kaga hadlaayo.

Gabaygan waxa uu ku tilmaamayaa abwaanku xadka uu dulqaadku lee yahay ee bani aadamka loo samri karo.
  1. Rag sabaan ka sabaan baan,
2. Samaantuun badiyaa.

3. Haduu saakimi waayo,
4. Sariiraan u dhigaa,
5. Iska seexo idhaa.

6. Haduu saakimi waayo na,
7. Caanihii hasha Suub baan,
8. Saddex goor u lisaa,
9. Ku sarriigo idhaa.
10.Haduu saakimi waayo,
11. Sumalkii rugta joogay iyo,
12. Sogobkaan u qalaa,

13. Haduu saakimi waayo,
14. Siirigii Cadmeed baan,
15. Subaggawga badshaa,

16. Haduu saakimi waayo,
17. Gabadh suurad wanaagsan baan,
18. Surrada ugu dhisaa.

19. Haduu saakimi waayo,
20. Xoolo gooni u soofiyo,
21. Sadadaan ku ladhaa,
22. Haduu saakimi waayo,
23. Seeddow, mood iyo mood iyo,
24. Salaantaan badiyaa.
25. Haduu saakimi waayo
26. Salaadaan lallabaa yoo
27. Meydal seedo madow iyo
28. Salligaan cuskadaa yoo
29. Sulub eebo ku joogtaan
30. Sarartaa ku dhuftaa
31. Sambabkaan ka baxshaa
32. Markaasuu sellimaa
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com