WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Farah N/Qawdhan

Part II


Qaybtii 1aad waxan ku soo sheegnay gabayadii ay is dhaafsadeen Qawdhan Ducaale iyo Faarax Nuur, isagoo uu Qawdhan gabayga bilaabay. Jawaabtii Faarax Nuur ayaa rag deegaankiisa ahi saluugeen markaasuu Faarax Nuur (Alla ha u naxariistee) tiriyey gabaygan soo socda;
  Dabkaan shidi dambaaburada bixi dogobta qiiqaabi
Dawaarka iska rogi liifada iyo feedhaha is daari
Dayaxa iyo Shamsada soo baxee diiqa noqon doona

Deris iyo laftiba reerahaan daadka xulin doono
Intaasi waa darroorine ma furin daaqadii weliye
Col la dumay halkiyo Ceel-Daraad, Doy ma laga keenay

Digniintii habeen iyo dharaar mayga demi weydey
Dawyada raggii layska raray dawrar ma ahaatay
Ma daruurnay maadhin degiyo dananka gaashaanka

Dad...goortaan cuskaday Dadab ma loo yaacay
sidii culay waxuun duraya oo daraf ka laynaysa
Daymada raggii naga firdhaday duurka ma u leexday

Kuwii dhalashadaydii dafiray dacar ma leefsiinnay
Caaqilo duleedkayga timi daahir ma u qaatay
Nimankii....ma iska soo dooxnay

Raggu hadduu dureertada sariyo duunka ka colloobo
Sow waxa dawada looga dhigay dil iyo caydh maaha
Sowtaan isugu kaa daree kaa dibbiray maaha

Dilku badaye reer Ciise Dhamal daalac ma i raacay
Dayax dhacay Warfaa sow guryuhu dulug mado maaha
Sidii Dibi xareer soo cabboo dooxadu u buuxdo

Xaluunbuu dinnaahyo ula yimi duulal baaba'aye
Malaa Daahir iyo Faarax baa dun u collowdeene
Ha ku digannin waa Qawdhanoow degelladiinniiye

Hadduu gabaygu kaa daacad yahay daawo gurigiinna
Kolkuu fuluhu dirrrtii ka tegey dalafku waa goore???
Geelaan Dawaariyo ku furay dixida Gaaroodi
Ee Dilin-dilcoodkii nirgaha dogobka loo seexshey

Ee aan baarqabkiisaan ku daray Doobta ku higgoodey
Een Maraqa dabada ugu xidhay qaalmihii dararay
Waa taa u diiddeen Gobdoon dooggi soo baxaye
Cara durreeya caawaba rag baa deyr ku meersadaye

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com